07/23/2022
War deg-deg ah:
Deynta Ganacsade ina Af-diin leh ee Jaamacadda Alpha-Burco:
Ganacsadaha caanka ah ee INA AF-DIINLE ayaa ku yeeshay guddoomiyaha Jaamacadda Alpha-Burco lacag dhan $1,450,000 (Milyan Afar boqol iyo konton kun oo dollar). Wararka hor dhaca ah ee ka soo baxaaya xogta ilaa hada la hayo ayaa sheegaya in shantii todobaad ee ugu danbeeyey hanti dhawr ku jiray xisaabaadka shirkada Qaadka ee ina af-diinle oo uu xisaabiye ka ahaa muddooyinkii danbe guddoomiyaha Jaamacadda Alpha-Burco Cabdiqani Ibrahim Xasan.
Sida ay xaqiiyeyeen ilo xogogaal ah oo aan la xidhiidhnay waxaa socda oo dhexda lagaga jiraa baadhintaanka xisaabta uu wado hanti dhawrka guud ee shirkada Al-najax (ina af-diinle) oo 4-5 sanadood ee ugu danbeeyey la baadhayo.
Sida ka muuqata natiijada hor dhaca ah ee baadhitaanka oo aan weli dhamaan ayaa waxaa la filayaa in deyntu intaas ka badan karto, iyada oo la saadaalinaayo in ay gaadhi karto ilaa $2, 000,0000 (laba million oo dollar).
Inta la ogyahay waxaa la xayiray dhammaan wixii hanti uu lahaa gudoomiye Cabdiqani, iyada oo lagu daray ciidan police ilaalo ah oo la socda dhaqdhaqaaqiisa inta xisaabta iyo baadhitaanka la dhamays tiraayo. Waxaa kale oo xogaha qaar sheegayaan in laga qoray warqada nootaayo ah oo sheegaysa in uu qirtay in lagu leeyahay lacatgan $1,450,000 (Milyan Afar boqol iyo konton kun oo dollar), diyaarna u yahay in uu dayn baxo.
HANTIDANI XAGEE AYAY KU MAQANTHAY?
Waxaa laga yaabaa in dad badani is weydiinayaan meesha lacagta xadigan lihi ay martay. Marka loo eego hab dhaqanka looga bartay gudaaomiyaha muddoyinkii uu maamulaayay jaamacadda iyo makhsinka qaadka labadaba; iyo kharashaadka waalida ah ee uu qarxinaayo maalinta qudha, waxaa shaki badan laga qabay meesha kharashkan faraha badani ka so baxaayo.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aan maalmaha soo socda idinla wadaagi doonaa meelaha loo tuhmaayo ee lacagtani ku maqantahay. Waxa kale oo aanu soo gudbin doonaa dhaqankii kaganaa ee uu ku soo kordhiyey bulshada, gaar ahaan bahda waxbarashadaba.
La soco xogo dheeraad ah oo kaa yaabin doona maalmaha soo socda!.
Influential Facts