03/22/2026
Barnaamijkii Metaverse ee Shirkadda Meta oo ay ku baxday lacag dhan 8 billion oo doolar ayaa la sheegay inuu fashilmay. Tani waxay ku tusaysaa in dadku waxaysan rabin aan lagu dirqin karin iyo in AI du tahay isbedelka xiga.
03/21/2026
Ciid wanaagsan saaxiibayaal. I think I'm back ๐
03/20/2026
Ciid Wanaagsan dhaan asxaabta. Nabad ku ciida.
01/01/2026
Sanad wanaagsan saaxiibayaal. Ilaahey sanadkaan ha nooga dhigo mid wanaagsan.
Lixdii sano ee la soo dhaafay halkaan waxaan ku soo bandhigay inta yar ee ilaahay ibaray ee aan islahaa dhalin yarada ha ka xasdin taasina waxay dhalisay in dhalin yaro badan wax un ka faa'ideen casharadii aan sanadahaas soo bandhigayay.
Balse nasiib darro sanadkii tagay dhamaadkii ayaan xoogaa halkaan ka gaabsaday sababtuna waa inaan danaheyga ku mashquulay.
Soomaalida maanta aad ayeey ugu yartahay in qofi waqtigiisa huro isagoon aan wax kale oo dan ah ka lahayn, xayasiin ugu xirnayn, magac raadiis aan ahay, billad sharaf aan rabin, ama xil doon ahayn.
Intaa waxaa fahmi kara in badan oo halkaan iigu jirta balse sidaa oo ay tahay naftu marbay fasax qaadataa oo ay iswaydiisaa maxaad badashay? Maxaad soo kordhisay? Jawaabaha su'aalaah iyo kuwo kale ayaa deetana shidaal u noqda oo horay u sii riixa.
InshaAllah aan guuleysano sanadkaan.
Masawirka waa barnaamijka CT Somali.
01/01/2026
Local SEO muxuu taraa? Wuxuu kaa badbaadin lahaa in Magaca ganacsigaaga loo qoro si qaldan sida halkii aad rabtay in loo qoro Quality Learning Center in loo qoray Quality Learing Center.
12/13/2025
SEO, SMO, GEO, AEO iyo LLMO xarfuhu waa soo bateen mar haddii tiknolojiyaddu isbedeleyso. Fur Google oo ku qor su'aal waxay doonto ha noqoto jawaabta kuu soo baxda waa mid ka mid ah xarfahaas aan soo xusay. Ma qiyaasi kartaa midda ay tahay? JUST AQOON KORORSI.
12/10/2025
Ereyga "Somalia" baryahaan aad ayaa internet ka looga eegyaa waxaana ugu wacan ayaan isleeyahay hadal heynta Soomaalida Mareykanka.
Maanto kale ayuu SEO wax tari lahaa balse nasiib darro cidna xil iskama saarin.
10/24/2025
Google Chrome godkiisa biyo ugu soo galeen. OpenAi waxay soo korisay Chatgpt Atlas oo sida chrome u shaqeeya balse iskii isku maamuli kara.
Dad badan AI ayaa ka adeegan doonta ๐
10/24/2025
Qof halkaan ka maqan hadaad aragto howlba qabsatay. Waxaan rajeynayaa inaad nabad qabtaan.
09/12/2025
Dadka luqadooda ku xanta dadka kale noloshaa lagu qaban rabaa ๐ Wajaxajaa uju sajoo bajaxajay ajalajaabtajaan.
08/16/2025
Waa noocyadii Photoshop ka ee Adobe. Version kee ku bilowday isticmaalkiisa? Aniga Version 11.