Odaygaas wuu khibrad warramay walle! REALATY
Ahmed Mohmed
Waa Pageka Rasmiga Ee Ustaad Ahmed Mohamed CEO & Instructor
Waxaan ku dhex jirey in ka badan mudo shansano (5) ah, suuqa foreign exchange.
Waa page ka hadla wax yaabo fara badan oo bulshada ey ugu faidestaan wax badan
05/10/2022
Ibnu Siina oo ahaa saynisyahan Muslim ah ayaa labo wan ku kala xareeyey labo qafis. Labada wanba isku da' ayey ahaayeen weyna isla miisaan ekaayeen. Wan kasta xero gaar ah ayuu ku qufulay wuuna kala fogeeyey. Maalin kasta wuxuu siin jirey calaf/raashiin isku mid ah. Wax walbana si isla'eg ayuu ugu qeybin jirey.
Qafis saddexaad oo kuwii h**e la mid ah ayuu keenay, wuxuuna ku xareeyey yey abeer ah. Qafiskan saddexaad wuxuu u dhaweeyey qafis uu ku jirey mid ka mid ah labadii wan. Wankani wuu arkayaa yeyga qafiska ku jira, laakiin wankii kale ayaanan arkeyn oo waa laga fogeeyey.
Bilooyin ka dib, wankii yeyga loo dhaweeyey aad buu isu beddelay. Wuxuu noqday wan weyd ah, daal iyo diif badani ka muuqato oo aan istaagi karin. Cabsi iyo qarracan ayuu la noolaa maalin iyo habeen. Ugu dambeyn halkii buu ku nafbaxay. Wankii kale ee aan arki jirin yeyga qafiska ku jira, caafimaadkiisu isma beddelin, marba marka ka sii dambeysana baridiisa ayaa weynaaneysay.
Tijaabadan wuxuu Ibnu Siinaa ku soo bandhigayaa muhiimadda caafimaadka maskaxda. Kurbada joogtada ah waxay keentaa waxyeello caafimaad. Naftaada ha ku mashquulin walwalka iyo caqabadaha nololeed. Alle talo saaro hana dayicin caafimaadkaaga maskaxeed iyo kan jireed labadaba.
Turjume: Ibraahin-Nolosha
30/12/2021
Gebadhaha raaliyaha ah👍❤️❤️
23/02/2020
Ka waran Qofka aan si wanaagsan u seexan habeenkii adiga Dartaa oo aan nasasho ku filan helin maalintii isla markaana aan dan ka lahayn caafimaadkiiisa si uu Farxad u siiyo naftaada iyo Noloshaada.
Wax kasta waxay ku Qarsataa qalbigeeda Xanuun, Daal, dhaawac iyo Niyad jab hadana Kuma dareen siiso mar Qura kuumana sheegto si aadan ula Dareemin, kaligeed ayey isku ku Koobtaa Dhibaatada.
Waxa ay Jeceshahay in ay kuu Rumeeyso Riyooyinkaada.
Waxa ay Kuu Jeceshahay si xad dhaaf ah iyada oo aan kaa Dalban in aad usoo Celiso.
Haddii aad Jeclaato waa ay kugu Farxdaa in ka badan inta aad Malaysan karto hadaa u Garan waydana waa ay kuu Duceeysaa Duco ka soo Go'day Qalbi wax Jecel.
Wax kasta Badal beey Leeyihin sida Caadiga ah ama wax u dhow balse Qofkaas lagama mayaabo in laga Helo Dunidaan Qof la mid ah mana Jiro Qof xataa lala barbar dhigi karo abid.
Haa qofkaasi waa Hooyo Hooyaday Macaan, Hooyadaa iyo Hooyooyin keen dhamaanteen.
Ma Jiro Qof ka Qaalisan Dunidan.❤
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Xigasho: Jokaria Moha
17/01/2019
,Masha Allah U Share garay asxabtaada kherka
24/08/2018
Sacuudiga ayaa xirey sheikh salix al-talib oo ah imaam katirsan masaajida makka
kadib markii uu sheekha khudbadiisa kaga hadley isdhexgalka dumarka iyo ragga oo kusoo badanaya sacuudiga sida riwaayadaha iyo goobaha kle ee la isugu yimaado
Sheekha ayaa sheegey iney taasi tahay camal shaydan
Alla xabiibkeena muxuu run sheegey
قال رسو الله ﷺ:(بدات الدین قریبا وسوف یعود قریبا
فطوبی للغربی)
( Diinta islamka waxay kubilaawatey iyadoo qariib ah waxay kulaaban doontaa meesheedii h**e)
10/08/2018
🌺TALO KUSOCTA DUMARKA🌺
Waxaa kuguursan kara ninka dadka ugu xun
Sida aasiya xaas ugu aheyd fircoon- hadana
Taa k**a aysan badalin daacadnimadeeda
Iyo jecelka Alle uqabtey.
Waxaa kuqabi kara ninka ragga laga dhex
Doortey sida nabi alle haddan taa kuma gali
Kartid janno-sida xaaskii nabi luud calayhi
Salam.
Waxaad ahaan kartaa qof aan laguursan
Sida maryama hadda Alle ayaa kaadhigi kara
Darajadaada mid kasareysa haweenka
Dunida kunool oo dhan.
Garo ahmiyada iyo mudnaanta cidda aad
Siineyso iyo sidaa ukala hormarineyso!
Jecelka،aaminaada،daacadnimada iyo
Adeecida waa xagga alle marka koowaad.
Hadaada Alle kajeesato awaamirtiisa caasido
Ogow xitaa haddii qofka ugu magac، maamuus iyo maal badan kuguursado kuma siinkaro farxad iyo guuuul.
Haka dhigin jirkaada mid aad kusoo bandhigto
Banaanka. Ha ogolaanin in laguu isticmaalo sida aalad oo kle. Waxaa tahay abuurtii Alle oo qurxoon. Ha ubadalin midabkaaga inaad dad kusoo jiidato ama aad kuhesho; qof aan kugu rabin asal oo raba inuu kugu raaco been; marnaba kuuma hayo hayo wax dhab ah.
marka aad xirato dhar asturad ah waxaad muujineysaa iimaankaga halkii aad muujin laheyd jirkaaga
Ogsoonow diinta islamka waxay sare uqaadey qiimaha dumarka iyada oo laga soo qaadey dhulka hoostiisa lana gaarsiyey halka usarey lana gaarsiyey ilaa jannada ay taal cagaheeda hoosteeda. Adiga dhulka ha isdhigin; hoos ha isu celin.
ha ubaabi'in naftaada iyo nolashaada qof ama
dad kudhibaatayey dartood.
hadaad Alle kuxirnaato;naftada ka adkaato
wixii lagu farey oo wanaag ah kudhaqanto
Sikastoo dhib iyo xaalado adag kuusoo maran
waxaad heleysaa qanaaco، sabir iyo in Alle darajo sare kugaarsiyo aduun iyo Aakhirab
✋✋✋ siin salaaamy walaaliyaal✋✋✋✋
Si faafi walal
05/08/2018
◼Sheeko kusocta wiilkasta oo walshis jecel◾
Xajaaj binu yuusuf ayaa sedex qof loo soo xirey
Subixii markuu amrey in sedexdoodiiba qorta laga wada jaro ayuu wuxuu arkey gabar ilaahey qurux kumaneystey oo dhulka isku garaaceyso markas ayuu waydiyey gabadhii wixii kudhacay
gabdhii ayaa waxay ugu jawaantey sedexda nin ee aad gowrici rabto mid waa ninkeyga' midna waa wlkey midna wiilkeyga
Xajaaj intuu yaabey ayuu wuxuu yiri'' sedexda nin mid ayaan kuu deynayaa ee dooro
Gabdhii ayaa doortey in loo daayo wlkeed
Xajaaj ayaa waydiyey sababta ay udoortey wlkeed?
gabadhii waxay kujawaabtey nin waan helayaa'wiilna waan dhalayaa lkin hooyo iyo aabe way gaboobeen yaa iidhalaya wll masha allah
xajaaj wuxuu amrey in seexdoodii loo daayo
walalow haddey gabar kudhalatey waxaa tahay qofka aduunka ugu nasiibka badan ee xiriirkeeda hagaaji xumaantana kadhowr
Klik hier om uitgelicht te worden.
Plaats
Type
Contact de scholen
Website
Adres
Dorpsstraat 000
Brussels
1640
Openingstijden
| Maandag | 09:00 - 17:00 |
| Dinsdag | 09:00 - 17:00 |
| Woensdag | 09:00 - 17:00 |
| Donderdag | 09:00 - 17:00 |
| Vrijdag | 09:00 - 17:00 |