27/01/2021
•Haddii aabo inantaydaay dunida ka rabto nin kuu jeclaada sida aad u jeceshahay, ugu horreyn waa in aad adigu naftaada jeclaataa jaceyl dhab ah.
•Haddii aabo inantaydaay aan ku odhan lahaa maxaad ka aaminsan tahay jaceylka? fadlan ha iigu warcelin "Waa iftiinka nolosha" waxaad se hadiyo jeer tidhaahdaa " jaceylku waa udub-dhexaadka farxadda,wadajirka, isfahanka iyo wada noolaanshiyaha."
•Haddii aabo inantaydaay aqoontaada aad ku dhisi weydo akhris badan,dedaal, wax baadhid iyo faro-kuhayn weligaa ku xasilimaysid gudbintiisana.
•Haddii aabo inantaydaay aad walaalkaa u jeclaan waydo sida naftdaada, waa hubaal in aanay ubadkaaguna kuu jeclaanayn si hooyonimo leh. fadlan ilaasho walaalkaaga.
•Haddii aabo inantaydaay aad rabto in aad fahanto falsafada ragga fadlan ilaali dhoollacadeyntaada, yaree ka hadalkooda ha na iskudayin in aad ka fekerto waxay jecel yihiin iyo dabeecadooda.
•Haddii aabo inantaydaay aad jeceshahay in aad mustaqbalka noqoto qoraayad, suugaanyahanad ama farshaxnad.....iwm. Fadlan haka cabsan sheeggida caddaalada iyo xaqa.
•Haddii aabo inantaydaay aad rabto in aad barato nolosha ha iskudayin in aad fahanto wax walba, ha na rumaysan wax walba oo aad maqasho, ilaa aad ka salgaadho xaqiiqadiisa.
•Haddii aabo inantaydaay aad iga rabto dardaaran fadlan maaree noloshaada,maaree waqtigaaga, ilaali qorshahaaga sidoo kale na yeelo filasho togan.
•Haddii aabo inantaydaay aad rabto in aad noqotid gabadha dunida ugu quruxda badan fadlan ilaali xijaabka, carrabkaaga iyo qalbigaaga. Dhex-dhexaadsana jaceylkaaga iyo naceybkaaga.
•Haddii aabo inantaydaay aad rabto in aad oggaato waxay tahay kalsoonidu; inta aad yar tahay joogtee kelinimada, maya marka aad weynaato.
•Haddii aabo inantaydaay aad rabto in ay dadku ku jeclaadaan ka feker hadalkaaga ka hor inta aanad odhan, ilaali na ficiladaada ka hor inta aadan samayn.🔥💖
Waan ku jeclahay wallaashey macaan noloshaada ilaali sharaftaada ilaali.
~A/QMaxamed Waayeelele