28/04/2026
Dhammaad wanaagsan.๐
Waxa si habsami leh u soo gebogaboobay maanta oo ay taariikhdu tahay 28-04-2026, imtixaankii fasallada Siddeedaad ee dalladda Al-Huda, oo ka qaybagalayeen dugsiyada dalladdu.
Imtixaankan oo socday muddo 4 maalmood ah, ayaa ujeedkiisu ahaa in ardayda loo sii carbiyo imtixaanka Qaranka ee ku soo food leh.
Guul waarta ayannu u rajaynaynaa dhammaan ardayda dugsiga iyo guud ahaanba ardayda gashay.
22/04/2026
Munaasibad qaayo sare leh, oo lagu soo bandhigayay buugga "Dunida Dedaal baa Dad Isdhaafshay", oo ay qortay Nimco Abshir Jibriil, oo ka tirsan ardayda dugsiga ayaa lagu qabtay madasha daabuurka ee dugsiga.
Munaasibadda buuggan ayaa ahayd mid dhiirrigelin iyo marxabbayn loogu muujinayay ardayaddan dedaashay; ardayda kale ee dhiggeeda ahna u noqonaysa hirasho iyo hiigsi ay ku daydaan.
Dugsigu waxa ui mar walba garab taaganyahay ardayda dedaalka ku suntan ee hal-abuurka leh.
21/04/2026
๐Bandhig Buug.
Waxa dugsiga ka dhici doonta maalinta berri ahโAlle idankiiโ munaasibad aad u muhiim ah oo lagu soo bandhigi doono buugga la magac baxay "Dunida Dedaalbaa Dad Isdhaafshay", oo ay qortay ardayad ka mid ah ardayda dugsiga; waa Nimco Abshir Jibriil e.
Waxa uu bandhiggani noqonayaa madal lagu dhiirrigelinayo hal-abuurka iyo curinta ardayaddan iyo guud ahaanba ardayda dhiggeeda ah, si ay ugu dhiirradaan waxsoosaar loo aayo
๐Barxadda Dugsiga
๐
22-04-2026 โ Arbaca
โฐ๏ธ4:00 Galabnimo.
.
19/03/2026
Eid Mubarak
To the Al-Huda Community,
May Allah accept your good deeds, forgive your sins, and grant you and your families a joyful and blessed Eid filled with peace, happiness, and prosperity.
06/03/2026
๐ ๐๐ฑ๐๐ฆ ๐๐ง๐ง๐จ๐ฎ๐ง๐๐๐ฆ๐๐ง๐ญ โ ๐๐ฅ-๐๐ฎ๐๐ ๐๐ซ๐ข๐ฆ๐๐ซ๐ฒ ๐๐๐ก๐จ๐จ๐ฅ-๐
The first day of the monthly examination will begin on Saturday, 7 March 2026.
๐๐ก๐ ๐๐ข๐ซ๐ฌ๐ญ ๐ฌ๐ฎ๐๐ฃ๐๐๐ญ ๐ข๐ฌ ๐๐ฌ๐ฅ๐๐ฆ๐ข๐ ๐๐ญ๐ฎ๐๐ข๐๐ฌ
We wish all our students the best of luck and success in their exams.
Prepare well, stay confident, and do your best.
๐ฎ๐๐๐
๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐! ๐
23/02/2026
Buugga Noloshaa Sidaas ah, oo uu turjumay macallin Cabdiraxmaan Xaashi iyo bahweynta dugsiga.
21/02/2026
OGAYSIIS FASAX
maalinta beri 22/2/2026 axad dugsigu waa Fasax saalaada roobdoonta ee dalka ka dhici doonta awgeed
17/02/2026
Muxaarada baraarujinta fadliga bisha Ramadaan ayaa ka qabsoontay dugsiga.
Muxaadaradan waxa soo jeedinayay Sheekh Cabdiqani Good, oo ardayda u faa'iideeyay taloohin iyo tabo ku saabsan sida looga faraqabsan karo bisha Ramadaan ee innagu soo fool leh.
16/02/2026
Waxa maanta gelinka danbe dugsiga ka qabsoomi doonta muxaadaro ku saabsan fadliga bisha barakaysan ee Ramadaan iyo ka faa'idaysigeeda.
Waxa muxaadaradan soo jeedin doona Sheekh Cabdiqani Good.
๐Goobta: Barxadda Dugsiga
๐
Taariikhda: 16-02-2026
โฐ๏ธAmminta: 4:00 Galabnimo.
15/02/2026
Xasuus h**e: 2021 iyo ardaydii iyo bareyaashii dugsiga Al-Huda 1 Primary ee xilligaas.
Yaad ka aqoonsatay ardaydan iyo macallimiintan.
Kaydka(Archive): Ustaad Eng-Maxamed Daahir Yuusuf.
28/01/2026
Xafladda kalka koowaad ee sannad-dugsiyeedka 2025-2026 ayaa saaka ka qabsoontay dugsiga.
Xafladdan oo ay ka soo qaybgaleen waalidiin iyo martisharaf fara badan ayaa waxa lagu abaalmariyay ardaydii ugu sarraysay imtixaankii kalka koowaad.
Ardayda la abaalmariyay ayaa ah kuwii ku suntanaa dedaal iyo nafhur ay muujiyeen.
Guul iyo gobannimo.