05/04/2026
FARSHAXANKA GUUSHA: CASHARADA SUN TZU (CUTUBKA 2AAD)
​"Hoggaamintu Maahan Seef Kaliya, Waa Saadaal iyo Maareyn"
​Assalaamu calaykum dhammaan asxaabta ku xiran boga aragti dheer. Maanta waxaynu u dhuun-galaynaa mid ka mid ah siraha ugu waaweyn ee hoggaaminta, annagoo adeegsanayna BUUGII Sun Tzu iyo cutubkiisa labaad ee "Maamulidda Dagaalka."
​Fadhiista dhuuxa murtidan:
​1.Qiimaha Hadafka: Ha Bilaabin hadaf inad rumayso Haddaanad Dhammaystiri Karin
​Sun Tzu wuxuu yiri: "Haddii aad fagaaraha la timaaddo boqol kun oo askari, waxaad u baahan tahay qasnad qalin ah maalin kasta."
​maxaw ula jeeda Hadaf kasta oo weyn wuxuu leeyahay qiimo. Haddii aad tahay hoggaamiye, ganacsade, ama qof raba isbeddel, ha eegin kaliya quruxda guusha, ee xisaabi culayska maaliyadeed iyo tamarta ay kugu qaadanayso. Haddii aadan hubin inaad dhabarka u ridi karto mashruucaaga ilaa dhammaadka, hadaba ha bilaabin. Guul-darrada ugu weyn waa inaad dhexda kaga hartid qorshe aad si degdeg ah u bilawday.
2. Xawliga vs Daahitaanka: Naaquska Tamarta
​Sun Tzu wuxuu ka digay: "Haddii guushu raagto, hubkaagu wuu daxalaystaa, niyaddaaduna way jabtaa."
​maxaw ula jeeda Dunidan maanta, Xawliga ayaa ka muhiimsan dhammaystirka. Dagaalka jiitama ama mashruuca aan dhammaadka lahayn waa sun dilaa ah. Ma jiro qaran ama shirkad ku barwaaqowda hawl aan dhammaad lahayn. Markay hawshu dheeraato, tamartaadu waa ay dhammaataa, dadka kugu xeeranna way kaa niyad-jabaan.
​Xasuuso: Dagaalkii Vietnam wuxuu na baray in hubka casriga ah uusan ku badbaadin karin haddii aad gasho dagaal aan dhammaad lahayn oo kaa gubaya dhaqaalaha iyo taageerada shacabka.
​3.Maal-dursiga Cadowga: Ha Lumin Kheyraadkaaga
​Sun Tzu wuxuu ina baray: "Taliyaha caqliga lihi wuxuu raashinka ka dhiftaa cadowga."
​maxaw ula jeeda Tartanka nolosha, ha lumin kheyraadkaaga haddii aad isticmaali karto fursadaha suuqa yaalla ama daciifnimada kuwa kale. Shirkadda Apple ma aysan abuurin adduun cusub, waxay kaliya "fiiri say qaladadkii shirkadihii ka horreeyey. Inaad ka faa'iidaysato khibradda iyo qaladyada dadka kale waa farsamada ugu sarraysa ee lagu guulaysto adoo tamartaada ilaashanaya.
​4. Abaalmarinta: Maxaa Dadka Dhiirrigeliya?
​Sun Tzu wuxuu yiri: "Si dagalka loogu guulaysto, waa inay jirtaa abaalmarin."
​maxaw ula jeeda Dadku uma shaqeeyaan hadafkaaga, waxay u shaqeeyaan waxa ay kaga dhex jiraan. Haddii aad rabto in kooxdaadu ay kuu keento guul mucjiso ah, waa inaad siisaa abaalmarin u dhiganta hawshooda.
Sirta Hoggaanka: Markaad cadowga ka guulaysato, askarta la qabtay si naxariis leh ula dhaqan. Cadowgii shalay ha kuu noqdo saaxiibka maanta. Hoggaamiyaha dhabta ahi ma baabi'iyo dadka, ee wuxuu u beddelaa cudud isaga u shaqaya.
​Gunaanad
​Saaxiibayaal, guushu maahan kaliya xoog. Waa xisaab, waa xawli, waana maareyn. Taliyaha dhabta ahi waa kan hubiya in khasnaddu buuxdo, niyadda askartu sarreyso, saadkuna uu ka imaanayo dhibic kasta oo fursad ah.
​Maxaad ka baratay casharkan maanta? Nagula wadaag faallada (comment-ka).
​👇 Like & Share si xigmaddu u gaarto kumanaan kale oo u unugul guusha.
​