26/04/2026
Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland waxay bulshada, gaar ahaan ardayda isu diyaarinaysa imtixaanka shahaadiga ah, la wadaagtay jadwalka rasmiga ah ee imtixaanaadka sannad-dugsiyeedka 2025–2026.
Waxaan ardayda ku boorrinaynaa inay si wanaagsan isu diyaariyaan, wakhtiga ilaaliyaan, ayna raacaan tilmaamaha Xafiiska Imtixaanaadka.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda guul iyo natiijooyin wanaagsan.
27/10/2025
BAHDA DUGSIGA AL_NUUR PRIMAY AND SECONDARY WAXA AY LA WADAAGAYAAN TACSI TIRAANYO LEH DHAMMAAN EHELKA UU KA BAXAY U. MAXAMUUD KULMIYE OO KU GEERIYOODAY MAGAALADA KISMAAYO MAANTA 27/10/2025
WAXAAN TACSI GAAR AH LAWADAAGAYNAA EEDDO XASANO KULMIYE BIIB INUU DHAMMAAN QARAABADA SAMIR EEBBE KA SIIYO JANATUL FIRDOSANA GEEYO.
01/08/2025
OGAYSIIS FURITAANKA DUGSIGA
📚 Alnuur Primary and Secondary School
Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan waalidiinta iyo ardayda in:
✅ Dugsiga uu si rasmi ah u furmi doono Sabti 02/08/2025.
✅ Waxaa sidoo kale bilaabatay isdiiwaangelinta ardayda cusub ee fasallada:
Dugsiga Hoose: Fasalka 1aad ilaa 4aad
Dugsiga Dhexe: Fasalka 5aad ilaa 8aad
Dugsiga Sare: Fasalka 9aad ilaa 12aad
🕒 Waqtiga diiwaangelintu waa maalin kasta marka laga reebo Jimcaha laga bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 12:00 duhurnimo.
📍Furitaanka iyo waxbarashada waxaa lagu bilaabi doonaa jawi habsami leh iyo deganaan.
Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
📞 +252 905 332828
📞 +252 907 706126
Kusoo dhowaada Alnuur –" Goobta aqoonta iyo anshaxa".مكان التعليم والتربية والعبادة.
31/07/2025
WARGELIN
WASAARADDA WAXBARASHADA & TACLIINTA SARE EE PUNTLAND WAXA AY MAANTA OO KHAMIIS AH SHAACINAYSAA NATIIJADA IMTIXAANKA FASALKA 8-AAD EE SANNAD-DUGSIYEEDKA 2024/2025.
Booqo; https://peco.moeplstate.so
27/07/2025
OGAYSIIS FURITAANKA DUGSIGA
Dugsiga ALNUUR PRIMARY AND SECONDARY SCHOOL wuxuu si rasmi ah u furmayaa Sabti 2-da Agoosto 2025, taasoo ah bilowga sanad dugsiyeedka 2025–2026.
Waxaa lagu wargelinayaa ardaydii h**e iyo ardayda cusub in la ilaaliyo waqtiga furitaanka si si habsami leh loogu bilaabo waxbarashada.
Dugsiga Alnuur wuxuu bixiyaa heerarka waxbarasho ee kala ah:
✅ Dugsiga Hoose: Fasalada 1aad – 4aad
✅ Dugsiga Dhexe: Fasalada 5aad – 8aad
✅ Dugsiga Sare: Fasalada 9aad – 12aad
📞 Wixii faahfaahin ah kala xiriir:
5332828 ama 7706126
10/05/2025
Xarumaha imtixaanka Shahaadiga ah ee Gobolka Mudug oo ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta sare ee Puntland.
Waxaan ardayda ka rajaynaynaa inay si fiican usii diyaar garoobaan oo ay ka faa’iideystaan waqtiga yar ee haray.
05/05/2025
Rasmi; Jadwalka Imrixaanaadka Shahaadiga ah ee Fasalka 8-aad.
17/08/2024
Tahniyaad & farxad:mamulka & macalinta iyo ardada iskuula Al_nur primary & secendry, waxay tahniyaad iyo duco udirayaan ustaad :Abdullahi Abdinasir iyo marwadiisa mrs: farxiyo Abdisalam,oo maher koodu kadhacay D/bursaalax,waxan alle uga bar yeeynaa in alle kadhigo qos bara keysaan,oo anfacaa diinta & dadka & dalkaa ,waxaan alle u waydi ubad kheyr qabaa. Oo anfacaa.