Xarunta Aayo Katalinta, Center for Self-Determination

Xarunta Aayo Katalinta, Center for Self-Determination

Share

Was bog lag odoroso Soomaalida iyo Soomaaliya

The page is dedicated to learning and analyzing peace, liberty, development both at personal and national level.

My name is Samatalis Haille. I live in MN, USA.

05/16/2026

Waxaa natiijo la'aan kusoo dhamaaday is araggii 3-aad ee shir maalmahaan Xeyndaabka Xalane uga socday Dowladda Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka ee Mucaaradka ah.

Shirka maanta oo waqtigiisu koobnaa marka loo eego shirarkii h**e ayaa la tilmaamay in waxyar un kadib markii uu furmay dhinacyadu ay kala tageen markii la isku fahmi waayey ka hadalka qaar ka mid ah qodobada miiska saarnaa ee ka mid ahaa ajandayaasha shirka.

Dowladda iyo Mucaaradka ayaa isku fahmi waayey sida xogta aan ku helnay qodobo ay ka mid yihiin maamulka Doorashada sida Dhisidda Guddi ka shaqeeya Amniga iyo Doorashada,Hakinta Doorashada ka socota deegaanada qaar ee Maamul-goboleedyada iyo qodobo kale.

Beesha Caalamka oo lahayd qaban-qaabada shirkan ayaa dhawreysay War-murtiyeed iyo isfaham laga gaaro arrimaha hortabinta leh ee shirka balse waxaa muuqaneysa in markan Beesha Caalamku ay dhankeeda soo saari-doonto war rasmi ah oo ku aadan shirka 3-maalin qaatay.

Majirto wax ballan ama iskusoo laabasho ah oo dhinacyadu ku kala tageen,Waxaana dhinac walba uu u laabtay wadatashi,Dowladda iyo Mucaaradka ayaana wali si rasmi ah uga hadlin fashilka ku yimid shirkii u dhexeeyey ee Muqdisho uga socday sadaxdii maalin ee u dambeysay.

05/15/2026
05/14/2026
Want your school to be the top-listed School/college in Minneapolis?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address

Minneapolis, MN