Abjad

Abjad

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abjad, Education Website, .

03/10/2021

Qeybta 1aad: Horudhac Buugga Todobada Cashir ee Maareynta
Xasaradaha

Buuggaan aynu falanqeyn doonno wuxuu diirada saarayaa todobo cashar oo ku saabsan qaabka xasaradaha loo maareeyo. Hogaamiye walbo wuxuu la kulmaa caqabado iyo xasarado kuwaas oo banaanka keena awoodiisa hogaamineed isla markaana tusaale ka bixiya in hogaankaas guuleesanaayo iyo in kale.

Xasaraduhu waxay abuuri karaan hogaamiyeyaal karti leh. Kolka hogaamiye wajaho caqabad, waxaa muhiim ah in hogaamiyuhu uusan ka leexan hadafkiisa hogaamineed. Shaqsi kuma noqdo dabaal yaqaan marka uu ku tababartay bad aanan kacsaneen. Sidaas si la mid ah qofka lama sheegi karo awoodiisa hogaamineed haduu kaliya hogaamiyo ganacsi ama nidaam kor u socda oo aanan caqabad wajahin.

Hadaba su’aashu waxay tahay yaa ka gudbi kara imtixaanka? Waxaa ka gudbi kara qofka si toos ah u raaca jihadii u astaasneed si kasto oo ugu qasbanaado inuu wadadii badalo. Hogaan walbo wuxuu leeyahay qorsheyaal u dagsan oo ay muhiim tahay inuusan ka weecan. Waa in hogaamiyeha ogaadaa in xasaradu ay la timaado halis iyo fursad. Waa halis oo waxay hogaamiyeha u horseedi kartaa fashil. Waana fursad uu hogaamiyeha cashir ka baran karo isla markaana ku ogaan karo awoodiisa hogaamineed iyo qaabka wada shaqeynta dadka ku hareereesan.

Aqriste hadaba maxaad is leedahay waa u muhiim hogaamiyeha si uu uga dabaasho xasaradaha soo wajihi kara?



26/09/2021

Danta Guud

Horudhac:

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “gacmo wada jir ayey wax ku goyn karaan.” Sidaas si la macno ah Soomaalidu waxay tiraahdaa “far kaliya fool ma dhaqdo.” Labadaas maahmaah iyo kuwo kale oo badanba waxay tusaaleenayaan muhiimada ay leedahay wax wada qabsiga iyo in si wada jir ah looga shaqeeyo danta guud. Hadaba qoraalkaan kooban waxaynu ku faaqidi doonna muhiimada ay leedahay in la iska kaashado danta guud.

Waa maxay dan guud?

Dan guud waa sheyga waxtarkiisa ama faaiidadiisa ay kusoo noqoneeso bulshada oo idil. Sheygaas oo muhiim ay tahay in bulshada oo idil ay si wada jir ah uga wada shaqeeyaan.
Umad walba ee ku wada nool meel waa in ay si wada jir uga shaqeeyan danta guud, Haddaba waxaa dhacda in la dayaco danta guud iyadoo bulshadaas ku wada nool halka meel ay ku mashquulan tan gaarka ah iyagoo u arka horumarku in uu ku koban yahay danta gaarka ah.

Dayaca danta guud maxaa ka dhalan kara?

Marka danta gaarka ah ka weynaato danta guud, waxaa ka dhalan kara dhibaatooyinka soo socdo:
1) Daar aad u qiimo badan oo qarash badan la galiyay in ay hoos yaalan biyo wasaq ah, wado burbursan iyo dhiiqo.
2) Wadooyin si joogto ah loo isticmaalo oo wabi ah kuna yaala bartamaha magaalada, cid in ay hagaajiso ku mashquulsan amma is weydiineysa aysan jirin.
3) Suuqyo ay ka socdaan ganacsi la isku dhaafsado lacago gaara malaayin doolaar, haddana is dhexyaac ah oo meel la kala maro aysan jirin.
4) Qashin guryaha laga soo saaray oo lagu daadiyo baraha dadka ka wada dhexeeya sida wadooyinka la maro, amma in ganacsi laga dhigto oo inta la aruuriyo la iskugu geeyo dhul kaas oo bi’inaaya bii’ada.
5) Geedo jarida iyo dhulka oo la nabaad guuriyo iyado la eegayo oo kaliya in ganacsi laga sameeyo, iyadoo loo aaba yeeleynin saameynta fog ay sameyn karto nabaad guurka.
6) U isticmaalka goobaha danta guud loo qoondeeyay dano gaar ah sida jardiinada, taas oo sababeeso inaysan jirin goob ay bulshadu ku nafisto.

Sidee looga hortagi karaa in la dayaco danta guud?

Waxa looga hor tagi karaa in mujtamacu ficilo wada jir ah sameeyo si ay wax uga wada qabtaan danta guud. Horumarinta danta guud waxaa qeyb libaax leh ka qaadan karo:
1. Daris isku xiran: xaafad walbo hadii ay yeelaato daris isku xiran, iska war haaya isla markaana iska kaashada danta guud. Nidaamka dariseenta wuxuu horseedi karaa in darisku isku wacyigeliyo danta guud isla markaana ay meel uga soo wada jeestaan cid walba oo dayacda danta guud.
2. Culimada:wacyigelin laga bilaabo masaajida waa muhiim hadii la rabo in laga wada shaqeeyo danta guud. Culimado waxay kaloo awoodaan inay abaabul ka bilaabaan masjidka oo jameecada la isku xiro si ay isaga kaashaadaan danta guud fulinteeda.
3. Degmada ama maamulka gobolkuba waxay qaadaan karaan doorka fulin iyo ganaaxitaan qof walbo oo danta guud ku dheela.

Maxay diinta Islaamka ka tiri danta guud ka shaqeynteeda?

Ka islaam ahan waxa nala faray in si wada jir ah danta guud looga shaqeeyo oo qof waliba qeybtiisa ka qaato sidii lagu wada illalin laha amma lagu wanaajin lahaa walxaha mujtamaca ka wada dhexeeya; waxaana daliil u ah:
Allaha SWT wuxuu leeyahay:
“وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَىٰ”
“Isku kaalmeesta wanaaga iyo dhowrsanaanta”

12/09/2021

𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐮𝐮𝐛𝐚𝐧 ( 𝐐𝐞𝐲𝐛𝐭𝐚 𝟏𝐚𝐚𝐝)
Sumadaha hoggaamiye
lagu heyb yaqaana
waa hayil samaantiyo
kibir laga hayaamiyo
Huwashada xaqiiqdiyo
habka dhaqan adoonimo
Hogashada Ilaah garad
dadka kiisa hodanka
Iyo hebelka ceydha
Amma kiisa hanadka
Waa harac ay eegtan

Abwan: Xasan Dahir Wedhsame.
Marka aad eegto murtida somalida waxaad ka maaleysaa in wax aynaan h**e uga hadlin aysan jirin, xikmadda ku jirto hidiyo dhaqankeena marka aad ku kaabto tan Diinteena samaawiga ah ee Abuuraha maqluuqu soo dajiyay, waxaad ogaaneysaa in aysan jirin wax inaga maqan oo aan u raadinno meel kale.. Taasi waa horudhaca mowduuca qormada maanta oo ah "Hoggaanka Suuban". Waxaa isweydin mudan maxaynu uga hadleynaa Hoggaanka suuban? Su’aashaa iyo su’aalo badan oo kaleba insha Allah waxaan rajeyneynaa in aad kaga bogataan qormadan oo marka ay dhamaato aad ka bixi doontaan adinka oo fahansan (insha Allah) intan:
1) Maxaynu uga hadleynaa Hoggaanka Suuban?
2) Qeexidda Hoggaan
3) Waa maxay Hoggaanka suubani/xun maxay se ku kala duwan yihiin?
4) Summadaha hoggaamiyaha suuban.
5) Talo Kooban.
𝐌𝐚𝐱𝐚𝐲𝐧𝐮 𝐔𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐞𝐲𝐧𝐚 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐮𝐮𝐛𝐚𝐧𝐢:
Hoggaan waxaa asal ahaan laga keenay Xarigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xiro oo lagu wado, oo waa tan ay ku xiran tahay in reerku u hoydo kob daaq iyo doogsin leh ama hooy abaareed hadba halkii uu hoggaanka qofka u hayaayi ku hago… Aduunka xilliga la joogo jahwareerka badan iyo isbaddalada kala duwan ee dhacaya xumaan iyo sabaanba waxaa hubaal ah in ay ka dhalatay suubanaanta hoggaanka ama hoggaan xumaaday. Inagoo eegeyna Jahwareerka dhanka huggaanka ah ee heysta Soomaaliya iyo soomaalida kobkasta oo ay ku sugan yihiin ayaan waxaan go'aansannay in aan ifino horta waa maxay Hoggaanka Suubani? Hoggaanke xun? Maxayse ku kala duwan yihiin?
𝐖𝐚𝐚 𝐦𝐚𝐱𝐚𝐲 𝐇𝐨𝐠𝐠𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐬𝐮𝐮𝐛𝐚𝐧𝐢?
Marka ay koox ku heshiiso ama shakhsi uu go’aan ku gaaro xaqiijinta hadaf loo baahan yahay in la gaaro, iyada oo ay ka shaqeynayaan gaaritaanka hadafkaa koox ama kooxo kala duwan, isku xiraha ama ku hagaha kooxdaas ama kooxohas hadafkii lagu ballamay in la gaaro ayaa la yiraahdaa Hoggaaamiye. Hoggaanka Suubani waa kan ku haga koox ama kooxo kala duwan yoolki la lahaa si guul ahna uga miradhaliya ujeeddadii laga rabay hadafka.

.. Kala Soco Halkan qeybaha kale ee Taxanaha Hogganka Suuban.

02/09/2021

Qormaddii koowaad waxaan kaga soo hadlay muhiimadda aay leedahay inuu qofka leeyahay ahdaaf cad oo uu rabo inuu ka miro dhaliyo iyo siddii loo wejihi lahaa hawlaha hadaf walba uu yeelanayo. Haddaba, waxaa muhiim ah, marka h**e inuu qofka isbedelka ka bilaabo naftiisa oo kadibna u gudbo caawinta dadka kale. Waxaa jira waxyaabo badan oo caqabad ku ah ka mira dhalinta ahdaafteena, balse waxaa la rabaa qofka inuu fahmo dabarka ku xiran oo ka hor istaagan xaqiijinta ahdaaftiisa. Waxaa jira seddex shey aad naftaada ku xoreyn kartid, dhaqan cusub na ku sameysan kartid.

● Go’aan inaad la timaadid.
● Qof toosan oo edeb leh inaad noqotid.
● Inay kaa go’antahay inaad hawshaas ama hadafkaas ka mira dhalisid.

Intaadan go’aansan hawsha kugu muhiimsan aad qabanaysid, waa muhiim inaad go’aansatid waxa aad rabtid inaad ku guleysatid noloshaada iyo inuu jiro rabitaan dhankaada ah. Talooyinkaan soo socda raac si’aad u ogaato: hawsha aad rabto inaad qabatid, qaabka loo qabanaayo iyo sababta aad u qabanaysid ka hor intaadan bilaabin hawl kasta.

● Ku dul fikir warqad korkeeda: Micnaheedu yahay, qor ahdaaftaada iyo qaabkii aad u qaban lahayd.
● Go’aanso waxa aad rabtid inaad qabato.
● Ku qor warqad.
● Xadid waqtiga aad ku dhamaynaysid hawlaha hadaf walba uu leeyahay.
● U habey hawlahaaga qaab qorsheysan.
● Samey qorshooyinkii aad dejisay sidda ugu dhakhsiyaha badan.
● Maalin walba samey wax kuu dhaqaajinaya dhanka hadafkaada guud.

Akhristow, qormaddan waay noo sii socon doonta, hadduu Alle idmo, balse ma ogtahay in mareenta wanaagsan ee waqtigaada uu lamid yahay maareenta noloshaada aaduunya iyo aakhriba?




29/08/2021

𝘼𝙬𝙤𝙤𝙙𝙙𝙖 𝙍𝙖𝙗𝙞𝙩𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖 (𝙌𝙖𝙮𝙗𝙩𝙖 3𝙖𝙖𝙙)

Qaybtii 2aad ee maqaalkan waxaan kusoo sharraxnay qayboha ay u qaybsanto foodda maskaxda iyo hawlsha ay qayb walbo qabato, waxaanna soo aragnay in foodda maskaxda ay muhiim u tahay isku dheelli tirnaanta qofka. Waxaa is waydiin mudan: maxaa dhacaya haddii qofku waayo foodda maskaxda ama ay hawl gabto?

Phineas Gage wuxuu ahaa shaqaale dhismo oo Maraykan ah. Wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah oo dadaal badan, hadaf leh, ixtiraam iyo dhaqan wanaagna lagu yaqaanay. Inkasta oo uu nin yar ahaa, dhawr jeer ayaa la dallacsiiyay dadaalkiisa dartiis. Bishii September, 1848kii mar uu ka shaqeeynayay dhismaha waddo tareen ayuu qarax la kulmay. Firir ayaa ka galay daanka bidix kana baxay madax korkiisa (fiiri sawirka). Gage ma uusan dhiman oo si dhaqse ah ayuu uga soo kabsaday dhawacaas, xubnaha jirkiisa oo dhanna si caadi ah ayay u shaqeeynayeen dhaawaca ka dib, laakiin waxaa isbeddel wayn ku dhacay shaqsiyaddiisa. Wuxuu noqday nin aan dulqaad lahayn, wixii uu raboodo in uu sameeyo ma ahane aan joogsanayn, daqiiqad walba qorshe cusub wata, inta uu qorshahaas fulinna mid kale uga sii gudba. Wax qorsheyntii lagu yaqaanay wuu gabay. Wuxuu lumiyay isku dheellitirnaantii ka dhexeysay garaadkiisa iyo jirkiisa. Waxaa muuqata in uu dhawacii uu burburiyay foodda maskaxdiisa oo maskaxda inteedi kale ay hogaanka u qabatay.

Dhacdadan waxa ay na tusinaysaa muhimmada ay leedahay foodda maskaxda iyo hawlsha wayn ee ay hayso. Sida aan qisoda Gage ku aragnay haddii foodda maskaxda la waayo, qofka wax walba oo ishiisu qabato naftiisuna rabooto ayuu gacanta la aadi lahaa ama ku dhaqaaqi lahaa. Rabitaan, go’aan u gooni ah, qorshe fog iyo mid dhaw midna ma yeelsheen. Waa foodda maskaxda midda xakamaysa qofka, go’aan sax am qalad qaadata oo tix galisa ama dayacda in waxa aad rabootay ay waafaqsan yihiin cadaaladda, diinta, dhaqanka iyo sharci kasta oo ay tahay in la raaco markaas.

Qaybta xigta ee maqaalkan ayaan uga hadli doonnaa waxa uu Quraanku ka dhahay foodda maskaxda iyo macnaha laga fahmi karo. La socod wanaagsan.




22/08/2021

Qormadan iyo qormooyinka soo socdaba waxaan xoogga ku saari doonnaa inaan ka jawaabno su’aasha ah: “Sidee ku joojin kartaa dib u dhigidda hawlaha aad rabtid inaad samaysid oo wax badanna ku qaban kartaa?”

Qofka bani’aadanka ah waxaa laga rabaa inuu ka faa’iideysto waqtiga iyo caafimaadka uu Alle siiyey. Waxaa habboon inuu qofku leeyahay ahdaaf uu rabo inuu xaqiijiyo intuu noolyahay. Ahdaafta qofka uu yeelan karo waxaa kamid ah: horumarinta aqoontiisa, caafimaadkiisa, qoyskiisa, dakhligiisa, iyo cibaaddodiisa. Ahdaaftaas waxay u qeybsamaan kuwa dhaw iyo kuwa mustaqbalka fog in laqabto ay tahay.

Ahdaaftaan mid walba wuxuu ka koobnaan karaa dhawr hawl oo in la qabto u baahan, sidoo kale mudnaan kala duwan ayay qofka u kala yeelan karaan hawlahaas. Tusaale ahaan, hadafka ah horumarinta aqoonta waxaa ka mid noqon kara in aad baratid sida loo duuliyo diyaarad. Qofka hadafkaa leh waxaa laga rabaa in uu qoro qaabkii u ku xaqiijin lahaa gaaridda hadafkaas. Sidaa darteed, hadaf walba wuxuu yeelan doonaa hawlo in la qabto aay tahay. Hawlahaas waxaan u kala qaadi karnaa:
1) Hawlo aay qasab tahay in la qabto,
2) Hawlo aysan qasab ahayn in qabto,
3) Hawlo ay iska fiicantahay in la qabto.

Waxaan aragnaa in dadka qaar ay in badan ka mira dhaliyaan ahdaaftooda halka kuwo kale aysan awoodin inay sameeyaan hawlaha horyaalla. Haddaba, wax badan waxay ku xiranyihiin sida qofku u isticmaalo waqtigiisa, sida hawsha uu u qabto. Marka aad rabtid inaad hawl qabatid waxaa muhiim ah inaad diiradda saartid hawshaas, waqti iyo dadaal na gelisid. Waxaa sidoo kale muhiim ah in aad hawsha laguu xilsaaray ama aad qabanaysid aad u qabatid si fiican oo aad dhamaystirtid. Arimahaas markaad samaysid waxaad noqon doontaa qof la ixtiraamo, waxa aad na heli doonta farxad nololeed. Waxaa lagama maarmaan ah in aad ka dooratid hawlaha ku horyaalla midda kugu muhiimsan oo markaad dhamaysidna ku xijisid midda kale kugu muhiimsan oo guushaadda aduunka iyo aakhiroba saameynta ugu badan ku leh.

Haddaba tallaabooyinkan hoos ku qoran raac:
● Ku billaw maalintaada inaad qabato hawsha ogu muhiimsan oo waqti badan kaaga baahan.
● Dhammeey hawshaas intaadan u gudbin hawl kale.
● Abuur dabeecad aad xoogga ku saareysid waxa muhiimadda u leh hawl walba aad qabanaysid.

Akhristow, qormaddan waa ay ino
o sii socon doonta waxaana ka hadli doonnaa qaabka loo dejiyo ahdaafta sidoo kalena loo noqon karo qof wax soo saar badan leh. Akhristow, ma is leedahay ahdaafta aad leedahay waa ay kuu cad yihiin? Mise qortay ahdaaftaada?




Photos from Abjad's post 15/08/2021

𝘼𝙬𝙤𝙤𝙙𝙙𝙖 𝙍𝙖𝙗𝙞𝙩𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖 (𝙌𝙖𝙮𝙗𝙩𝙖 2𝙖𝙖𝙙)

Qaybti 1aad ee qormadan ayaan uga soo hadalnay 3da qaybood ee ay leedahay awoodda rabitaan. Qaybtan waxaan uga hadli doonnaa maskaxda banii-aadanka iyo sida ay u taageerto awoodoheenna rabitaan.

Maskaxdeena waxay ka kooban tahay qaybo badan oo mid waliba ay leedahay hawl u gaar ah. Qaybahaas waxaa ka mid ah foodda maskaxda oo ah qaybta h**e ee maskaxda ee toos ugu aadan indhaha iyo wajiga kore (Fiiri sawirka 1aad). Qaybtan ayaa shaqodeedu tahay in ay qorsheeyso garashodeenna, shaqsiyaddeenna iyo go’aan qaadashodeenna. Waxay kale oo ay udub dhaxaad u tahay in ay go’aamiso sida aan u dhaqanno marki aan bulshada dhex joogno, oo waxa ay iswaafajisaa fikirkeenna iyo ficilkeenna; waa qaybta noo suurta galisa in aan kala soocno fikradaha is diiddan ee maskaxdeennu soo saarto (sida in aan kala garanno wixii xun iyo wixii fiican, wixii isku mid ah iyo wixii kala duwan), in aan saadaalino waxa ka dhalan kara falalkeenna (wanaag iyo xumaanba), iyo in aan xakameeyno nafteenna marki aan bulshoda dhex joogno.

Maskaxda qayboheeda kale jirka ayay toos ugu xiran yihiin oo waxay soo gudbiyaan kana falceliyaan baahida jirka. Wax walba oo jirku u baahan yahay ayay fuliyaan iyagoon u fiirin sax iyo qalad, dhaqan iyo dhaqan la’aan, dulmi iyo cadaalad. Waa foodda maskaxda midda joojisa maskaxda qayoheeda kale ee wax walba saarta miizaanka fikirka, dhaqanka, cadaaladda iyo horumarka. Waa midda nagu jiheeysa in aan mar walba samayno wixii adag. Tusaale ahaan, marki ay fududahay in aan Facebook isaga jirno, waa foodda maskaxda midda nagu qasabta in aan wax aqrinno. Marki ay sahlan tahay in aan dib u dhigno hawsha na sugaysa, waa foodda maskaxda midda nagu qasabta in aan bilaawno hawshaas. Si kooban, haddii jirkeennu ahaan lahaa gaari, foodda maskaxda waxay noqon lahayd darawalka wada gaarigaas.

Foodda maskaxda ma ahan hal qayb oo isku nooc ah; waxay leedahay 3 qaybood oo yaryar oo kala qabta 3dii awood ee aan soo sheegnay (Fiiri sawirka 2aad):

1. Qaybta bidix ee foodda maskaxda waxay ku takhasustay awoodda ah “waan sammayn doonaa”. Waxay kugu caawisaa in aad billaawdo oo aad waddo hawloha faaiidoda kuu leh laakiin naftaadu aysan jecleen (sida aqrinta maqaalkan).

2. Qaybta midig ee foodda maskaxduse waxay ku takhasustay awoodda ah “ma sammayn doono” oo waxay kaa celisaa inaad raacdo damac kasta ee jirkaada ka yimaada (wax Ilaahay xarrimay haddii aad ka joogsato, Ilaahey ka sokoow qaybtan u mahad celi).

3. Qaybta 3aad ee foodda oo iyadu laboda kale wax yar ka hooseeysa, dhexdana ku taal waxay la socosho ku samaysaa ahdaaftaada oo go’aamisaa mar walbana xusuusnaataa “waxa aad doonayso” mustaqbalka. Markii ay unugyada qaybtaan farriimo soo diraan waa marka aad dareento in aad hammi iyo rabitaan u hayso ka hawlgalidda ahdaaftaada nolosha.

Bal ka fikir nolosha qofka sida ay noqonayso hadii uu waayo ama dhaawac kasoo gaaro foodda maskaxda ee hawshan muhimka ah haysa? Qaybta 3aad ee qormadan ayaan uga jawaabi doonnaa su’aashaas.




06/08/2021

𝘼𝙬𝙤𝙤𝙙𝙙𝙖 𝙍𝙖𝙗𝙞𝙩𝙖𝙖𝙣𝙠𝙖 (𝙌𝙖𝙮𝙗𝙩𝙖 1𝙖𝙖𝙙)

Marki aad ka fikirto waxyaabaha u baahan awood rabitaan ama kontoroolidda nafta, waa maxay waxa ugu horreeya ee maskaxdeenna kusoo dhaca? Inteenna badan jawaabta ugu horreeysa ee nagu soo dhacda waa mid la xiriirta in aan nafteenna ka joojino caado xun ama aan ku qasabno samaynta wax aysan rabin markaas laakiin mustaqblaka na anfacaya. Tani waa waxa dadka dad ka dhiga, hadii kale xaywaanka waxba la ma dhaameen. Si kale hadii aan u dhahno, awoodda rabintaan ama kontoroolidda nafta inta badan labodan arrin ayaan u qaadanaa:

𝙒𝙖𝙖𝙣 𝙨𝙖𝙢𝙢𝙖𝙮𝙣 𝙙𝙤𝙤𝙣𝙖𝙖: awoodda kuu saamaxaysa waxa aad rabto in aad samayso, xattaa haddii qayb kaa mid ah ay diidantahay. Tusaale ahaan, ardayga imtixaanka leh wuxuu rabaa in uu wax aqriyo oo uu imtixaanka isku diyaariyo, laakiin qayb ka mid ah ayaa diiddan wax aqriska oo leh mar kale ayaad wax iska aqrin doontaa! Mid kale ayaa maqlaya aadaanka salaadda oo dhacaya, wuxuuna rabaa oo uu niyadda ka jecel yahay in uu salaadda u istaago, laakiin qayb ka mid ah ayaa leh wax yar ka dib ayaad kici doontaa!
Labodaa baa wuxuu u baahan yihiin awood rabitaan!

𝙈𝙖 𝙨𝙖𝙢𝙢𝙖𝙮𝙣 𝙙𝙤𝙤𝙣𝙤: waxaan ku dhib qabaa in aan dhoho “maya” marki afkeeyga, caloosheeyda ama qalbigeeyga uu rabo in uu dhoho “haa”. Imisa jeer ayaad dhahday habeen danbe ma dhafri doono balse habeenki xigay aad 2 subaxnimo dhafar ku gaartay?! Awooddan waa awoodda noo saamaxda in aan joogsano marki unug kasta oo jirkeena ah uu rabo inuu horay u socdo.
Labadan awood waa shilin labadiisa dhinac oo ka lama haraan. Laakiin iyaga kaliya ma ahan awoodoha aad u baahan tahay. Si aad u gaarto awood rabitaan oo xoog leh, waxaad u baahan tahay awoodda ah:

𝙒𝙖𝙭𝙖𝙖𝙣 𝙙𝙤𝙤𝙣𝙖𝙮𝙖𝙖/𝙧𝙖𝙗𝙖𝙖: Awooddan waa awooodda jihaynaysa labada awood ee aan kor kusoo sheegnay. Si aad u ogaato waxa aad samayn doontid iyo waxa aadan sammayn doonin, horta waxaad u baahn tahay in aad ogaatid waxa aad doonaysid. Markaa ka dib ayaad kala garan kartaa waxa ay tahay in aad samaysid iyo wixii kale. Sida muuqata, aqooddan waa awood la xiriirta mustaqbalka fog halka Laboda kale ay yihiin go’aanno ay tahay in aan qaadano maalin kasta.
Si kooban haddii aan u dhahno, rabitaanku ama awoodda rabitaan waa in aad si wanaagsan u isticmaasho 3 awood oo kala ah: waan sammayndoonaa, ma sammayndoono iyo waxaan doonayaa. Maskaxdeena waxay u samaysantahy in ay taageerto seddexdaa awood. Run ahaantii, waxa banii-aadanka kaga duwan yahay xayawaanka tan ugu muhiimsan waa awoodahan seddex da ah.

Qoybta xigta ee qormadan ayaan uga hadli doonnaa farqiga u dhexeeya maskaxda banii-aadanka iyo tan xayawaanka iyo xiriirka ay maskadu la leedahay awooddenna rabitaan.

Ugu danbeyn, waa maxay waxa aad doonayso in aad samayso ama aad doonayso in aad joojiso samayntooda oo haddii aad ku guulaysato aad ogtahay in ay hormarindoonto tayoda noloshaada?



Want your school to be the top-listed School/college?

Culinary Team

Attire

Telephone

Website