Ilaahow umada dhibka kasaar
Somali Dialogue
This page is about sharing opinions and experiences that hinder day to day life progress & Solutions
XARIIF REER MUDUG AH BAA MARKII SALAADA LOO ISTAAGAY IMAAMKU YIRI MEELAHA BANAAN BUUXIYA SHAYDAANKU YUUSA SOO GALINE, KII REER MUDUGA AHAA KULAHAA MAALA ISKADAAYO HADUU DUKANAAYO
KKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKKK!
Ar reer mudugaa!
QURBAHA IYO QAXARKA YAALA.
Qurbuhu maxuma in loosoo haajiro ama layimaado mana oranaayo yaanan la’imaanin lakiin waxaa kajira dhibaatooyin badan oo aan kajirin wadamadeenii ama hanoqoto Somalia ama Afrikada kale, bal aan wax yar kataabano dhibaatooyinkaas qaar kamid:
1. BARASHADA LUUQADA INGIRRISKA, dad badan waxaa caqabad kunoqonaysa kuhadalka luuqada Ingiriiska ama luuqadaha kale ee looga Hadlo wadamadaan galbeedka Haba ugusiidarnaato Yurub oo looga hadlo luuqada kaladuduwan. Way kuugu adkaanee inaad shaqo heshid, saaxiibo cusub samaysato, ama aad kartid buuxinta araajida ama warqadaha ay dowlada kusoo dirto ama cunto soogatid. Tusaale Mareekanka oo kale waxaa lagu siinayaa wax yar oo kabitaanka kirada guriga aad degantahay xitaa lagumasiinaayo kirada guriga oo dhamaystiran bilooyinkadib danta waxay qofka kukalifaysaa inuu raadiyo shaqo mana yaqaano luuqadii wadanka. Shaqadii hadaadba heshid hadana caruurtii ayaa daryeel kaarabta oo waxaa lagaa rabaa inaad gaysid skoolkii, balamihii dhakhtarka ama waxaa lagu leeyahay lagumasiinkaro halaha yarood kukabanaysid kiraga kuriga oo waa inaad aadaa iskuulka lagu barto luuqada Ingiriiska oo halkaan looyaqaano-ESL ka.
2. CARUURTA! CARUURTA! KORINTOODA. Maashaa’Alaah caruurteena Alle hanoo xafida oo waxaan diyaar unahay inaan ukorino ama utarbiyayno sida ugufiican LAAKIIN waxay islamarkiiba laqabsanayaan dhaqanka wadanka aad timid oo mararka qaar waxaad halis ugalaysaa in lagaaqaato hadii waxyar lagu arko jirooda ama ay caruurtaba kaasheegaan, markaad shaqada aado waxaad kafakaraysaa caruurtii maxaa dhici doona, mararka qaar caruurtii waxay caqabad kala kulmayaan caruurtii kale ee wadanka udhalatay maadaamaa ay wadanka kucusub yihiin oo ayna kukaladuwanyihiin dhaqanka. Runtii Tani waxaa fahmikara dadka qurbaha kunool oo caruurta kukoriya.
3. KALA DUWANAASHAHA XAGA DHAQANKA.
Waxaad wadamadaan ku’arkeysaa waxaadan weligaa maqlin waxaana kajira shuruub badan oo kukaladuwan xaga diimaha iyo dhaqanka tani oo saamayn kuugu yeelanaysa hadii aadan kafoojignaanin waxaana lagayaabaa in lagaa soogalo xaga caruurta maadaamaa aysan kalagaraneyn dhaqankooda iyo dhaqankaan ay maalin walba arkaan oo iyagu ay u’arkaan mid iskacaadi ah.
4. QAADASHADA SHARCIGA. Qaadashada sharciga dhibaato ayaad kalakulmaysaa siiba hadii aadan garaneyn luuqada Ingiriiska ama luuqadaha kale ee looga hadlo wadamadaan galbeedka. Qofka waxaa lagarabaa inuu akhriyo oo uu xafido boqol su’aalood sida Mareekanka oo kale oo dhamaantood luuqada Ingiriiska kuqoran wayna ku’adagtahay dadka intooda badan. Cabadaan waxay keenaysaa helitaankii sharciga inuu qofka kuqaato sanada badan.
5. ILAALINTA WAQTIGA. Wadamadaan wax kaste waqti ayay kusocdaan tusaale skoolada ilmaha wuxuu leeyahay waqti go’an oo caruurta lageeyo oona lagasooqaado, shaqada waa waqti go’an anaga wadankeenii waqti go’an wuulahaa laakiin sidaan ookale ma’ahayn hadii aadan ilaalinina dhibaato ayaa ka’imaanaysa matalan xaga caruurta iskuuladii iyo dhaqtarkiiba ripoodh ayaa lagaa qorayaa oo loo gudbinaa waaxda ilaalinta caruurta oo keenaysa hadii marar badan riboodh lagaa Keeno in caruurtii lagaa qaato.
Maanta qormadeenu aan shantaa qodob kudayno. Insha’ALLAH waxbadan ayaa idiinlasoo wadaagi doona. Nooli kulanta!!
MUSE DAMBIILE WUXUU KEENAY INUU SHISHEEYE USAXIIXO
BADA SOMALIA. WAA WAX LOO YEELAY!
Maxaa keenaya in Somalida kusaaqidaan Social Media? Dabcan waa su’aal mudan la’isweydiiyo?
Waa soo dhaweynayaa fikirkiina!
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the school
Telephone
Website
Address
Des Moines, IA
50309