31/07/2026
Hambalyo dhamaan shacabka iyo dawladda Puntland munaasibadda 1-Augusto oo ku astaysan aasaaskii dawladda Puntland.
Horumar iyo nabad geliyo iyo barwaaqaan u rajayn dhamaan shacabka iyo dawladda Puntland.
21/07/2026
Ogeysiin Ogeysiin ogeysiin
Aniga oo ah JAMAC AHMED KARAAMA gudoomiyaha midowga ardayda puntland ee uganda .
Waayadan danbe waxaa soo baxay dad ku qaraabanaya magaca gudomiyaha ardayda puntland ee uganda.
Waxaan ardayda rer puntland u xaqiijinayaa in ay warqadani been ay tahay shaqsiga soo qoray qoralkan horay ayan xilka uga qaaday wuxuuna ku siifeesan yahay kala qaybinta ardayda iyo isku dirka,
Wixii ardayda rer Puntland ku saabsan page kan ayaad kala socon kartaan.
30/06/2026
Hambalyo maalinta xoriyadda Soomaalia🇸🇴 oo ku astaysan 1-july oo ah maalintii ay madax banaanida heshay dawladda Soomaalia.
Hambalyo guud ahaan shacabka iyo dawladda Soomaalia.
19/03/2026
Ciid mubaarik.
Dhamaan ummadda islaamka ah waxaan leenahay farxad iyo wanaag ku ciida. Bishii barakaysnayd ee ramadaanna alle fadligeeda iyo khayrkeeda ha ina siiyo.
Farxad ku ciida.
05/01/2026
Waxaa Galabta Lasoo Afmeeray Koobkii Goboladda Puntland ee ka socday dalka uganda casumadda kampala. Iyadoo Ay Horyaalka Ku qaaday Gobolka Bari.
Waxa Xafladda Kasoo qaybgalay masuuliyiin Kala Duwan oo ka kala socda jaaliyadaha iyo ururada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Uganda. Oo ay kamid yihiin gudomiyaha midowga ardayda puntland ee dalka uganda Mr “jaama axmed karaama” Gudoomiyaha Jaaliyadda Puntland Eng “Osman Mohamed Ahmed” gudoonki h**e jaaliyadda, Gudoomiyaha Sport Somalidda,
Xildhibaan Horre “Ali Majagooye” Gudoonka Ardayda soomaaliyed ee dalka uganda “Ahmed Abdirizak Ataash” “Abdisamad Libaan Yusuf”
Ganacsato, Ururadda Haweenka iyo bulshooyinka qabyeheeda kala duwan.
Koobka oo kuso dhamaaday si nabad ah iyadoo guushuna raacday xulka gobolka Bari. Hambalyo Gobolka Bari.
19/08/2025
Gudoomiyaha midawga ardayda Puntland ee dalka Uganda Mr JAMA AHMED KARAAMA oo xilkii ka qaaday Gudoomiye kuxigeenka midawga ardayda Puntland ee dalka Uganda Mr ABDISAMAD LIIBAN.
01/08/2025
Hambalyo guud ahaan shacabka iyo dawladda Puntland. Munaasibadda xuska 1-Augost oo ku astaysan sannad guuradii 27-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii dawladda Puntland.
Horumar iyo nabadgeliyo waarta insha alah.
01/07/2025
Midawga ardayda Puntland ee dalka Uganda waxay hambalyo u dirayaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed maalinta xoriyadda oo ku astaysan 1-july.
05/06/2025
Gudomiyaha midowga ardayda puntland ee dalka uganda oo ku hadlaaya codka ardayda puntland ee ku nool dalka uganda ayaa hambalyo ku aadan munaasabda ciidul adxa dirayaa dadka soomaliyeed meel kasta oo ay joogan.
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
01/03/2025
Ramadaan Kariim guud ahaan ummadda islaamka ah.🌙