ururka ardayda somaliyeed karabük

ururka ardayda somaliyeed karabük

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from ururka ardayda somaliyeed karabük, Education, Karabük.

Photos from ururka ardayda somaliyeed karabük 's post 14/12/2024

Mahadcelin Ka Socota Guddoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Karabük UMASEK

Waxaa sharaf ii ah inaan mahadcelin gaar ah u dirto Guddoomiyaha iyo dhammaan xubnaha Ururka Midowga Ardayda Soomaliyeed Ee Turkiga-UMASET. al, kuwaas oo ka qeyb qaatay xafladda caleemasaarka anigoo ah Guddoomiyaha cusub ee Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Karabük UMASEK. Xasan sheikh muuse

Waxaa ii farxad weyn inay nooga dhamaatay xafladdan si heer sare ah, waxaana hubaal ah in kaalmada iyo taageerada Ururka UMASET ay saameyn weyn ku yeelan doonto horumarinta ururkeena cusub iyo ardayda Soomaaliyeed ee Karabük.
Guddoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Karabük, Hasan shiekh Muse ,

Waxaan u mahadcelinayna Sheikheena Sh'Mohamed Idris , kaasoo kaso qayb galay caleema saarka gudoomiyaha cusub ee ardayda somaliyed ee karabük xasan sheikh muuse isaga dhiirrigeliyay ardaydii halkaas kaso qayb gashay inay ku dedaalaan, aqoonta helaan, una huraan mustaqbalkooda dalkooda, iyo bulshada guud ahaan. waxayna noqotay tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan waxaad noqotay isha aqoonta iyo hogaaminta ruuxiga ah ee ardayda Soomaaliyeed ee goobta ku sugnaa, adigoo kor u qaaday rajada iyo himilooyinka ardayda ee ku aaddan mustaqbalkooda Dadaalkooda waxayna noqotay tusaale wanaagsan oo ku dayasho mudan.Mahadsanid Sheekh Maxamed Idiris, waxa aan kuugu rajeyneynaa guul iyo barako hawshaada muhiimka ah ee aad u hayso guud ahaan bulshada soomaliyeed -

"Waxaan sidoo kale si kal iyo laab ah ugu mahadcelinaynaa ardaydii ajaniibta ahayd ee ka qeyb galay caleema saarka guddoomiyaha cusub ee ardayda Soomaaliyeed ee Karabük. Mahadnaq weyn ayaan u diraynaa taageeradiina, ka qayb qaadashadiina iyo soo dhoweyntiina. Tani waxay muujineysaa is-jirnaanta iyo midnimada dhammaan ardayda Soomaaliyeed iyo ajaniibta ee ku nool Karabük. Waxaan rajeynaynaa in aan si wadajir ah uga shaqeyno horumarinta bulshada iyo dhismaha x mustaqbalı,

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku nool Karabük, gaar ahaan kuwa ka qeyb galay barnaamijka caleema saarka guddoomiyaha cusub ee magaalada. Ka qeybgalkaaga iyo taageeradaada waxay muujinayaan inaad qayb ka tahay horumarka iyo isbeddelka ka socda Karabük, taasoo muhiimad weyn u leh ardayda somaliyeed kunool karabük mahadsanidiin dhamaantiina

Want your school to be the top-listed School/college in Karabük?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Karabük