Muhammad W Jama

Muhammad W Jama

Share

Fuqaran waa madal soo gudbinaysa barashada iyo baraarujinta Diinta Islaamka.

19/06/2022

Islaamnimadu waa Towxiidka. Towxiidka macnihiisuna kuma koobna kelimad afka laga yiri, ee waa kelimad iyo dhaqan ka markhaati kaca waxa afka laga yiri . Waa af iyo addin wada socda , noloshana si buuxda uga muuqda .

28/05/2022

إنا لله وإنا إليه راجعون
اللهم اغفر له وارحمه وعافه واعف عنه وأكرم نزله ووسع مدخله واغسله بالماء والثلج والبرد ونقه من الخطايا كما ينقى الثوب الأبيض من الدنس
اللهم امين

28/05/2022

Subah wanagsan

28/05/2022

Hello

28/05/2022

Welcome everyone

19/05/2022

Asc

03/04/2021

sh Muhammad Dirir

01/04/2021

Bismillahi Raxmaani Raxiim.

Qormadaan waxaan uga hadlayaa Is dhiibid aad allah swt isu dhiibtay. In badan dadki aad uma fahmin ujeedkan ama habka loo rabo isu dhiibid aad isu dhiibtay khaaliqa wax kasta abuuray. Dadku waxay jecel yihiin inay afka uun ka yiraahdaan waxaan isu dhiibnay allah swt lkn ficil ahaan ay sameeyaan wax khilaafsan waxay afka ka lahaayeen. Malaha dadku waxa uu hilmaamsan yihiin ujeedka loo abuuray inay tahay cibaado uun nuxurka ciibaadadu ay tahay inaad iska dayso wax kasta oo allah swt jooji ku yiri ood samayso kaliya wuxuu allah swt ku amray inaad samayso hadaad maqasho allah iyo rasuulkiisa ayaa sidaas amray ogow waa waajib inaad ka tagtaa lagugu ciqaabayo hadaanad ka soo laaban jabinta amarka allah iyo rasuulka. Marka laga hadlayo inaad isu dhiibtay allah swt waa qaadashada iyo ku dhaqanka diinta Furqaanka ah. Eeg waa kala labo inaad qaadato shay iyo inaad ku dhaqanto Asalka Diinta loo keenay waa in Hadal iyo Ficilba loogu dhaqmo markaas ayaa xaqiiq waxaa tahay ruux isu dhiibay allah swt oo raacay Jidkii Rasuulka Scw.

Maanta waxaa aad u badan bidco aan tiro lahayn iyo munaafiqiin isu muujisay inay tahay labeenta bulshada iyo aqooyahan sheegtay inuu indheer garad yahay kuwasoo iskadaa ku dhaqan diine aflagaado iyo Jeesjees ku sameeya diinta iyo ehelkeeda una yaqaan dad dib Marsan oo aan ilbax ahayn. Waxay is ilawsiinayaan xaqiiqada dhabta ah ee ah in Aduunka iyo noole kasta oo joga leeyahay allah swt kaliya waxay kaloo is ilow siinayaan aduunka inay ka jirin wax la yiraahdo Xukun bulsho Democracy oo Gaalada hadaad in yar ka hortimaado aysan raali kaa noqonayn oo ay kula dagaalamayaan xataa hadaad ku sugan tahay sharcigooda Gaalnimo Tusaalaha Dhow aan idinTusmayn karo

Aljeeriya 1992 waxaa ka dhacday Doorasho waafaqsan Xeerarka reer Galbeedka Bulshada reer Aljeeriya waxay doorteen waxay iyagu doonayeen kadib wixii dhacay iyo sidii rabitaanka dadka reer Aljeeriya lagu sameeyay marag baad u ahaydeen.

Tan labaad 2012 waxaa masar ka dhacday doorasho dadku ku doorteen AUN maxamed Mursi Geesigii hiilka waayay muddo kooban oo uu xafiiska joogay gaaladii waa u adkaysan wayday waxayna xoog kaga qaadeen xukunka waxay u direen xabsi ilaa uu halkaas ugu geeriyooday si silic leh waliba.

Intaas waxaa ka badan dhacdooyin tiro beel ah oo maalin kasta ummad aduunka joogto lagu duudsiyo oo xaqadooda lagu qaato cid hiil u ahna aysan jirin Allah mooyee. Aqoonhankaas ilbaxa isu haysta ee aaminsan dunida inay barwaaqaysan tahay waxay iska indho-tirayaan dulmi maalinle ah oo lagula kaco dadka muslimiinta ah ee jooga Falastiin,Burma,China,Philippine,Thailand iyo Afrikada Dhexe. Waxaas oo dulmi ahna waxay dhacayaan xili ay aamisan yihiin dunidu inay cadaalad ka jirto.

Marka la soo hadal qaado in Dadka muslimka ah isku xukumaan shareecada ilaahay xaanaqa iyo wawalka qabta gaalada waxaaba ka horeeya ruux sheegta muslim kasoo ku oranayaa waxaad noo wadaan dib dhac jaahilnimo iyo rafaad. Halkaas markay joogto ogow qofkaas in aanu muslim ahayn diinta uusan shuqul ku lahayn waad ku kadsoomaysaa hadaad u qaadato shaqsigaas Muslim inuu yahay.

Waxaa muslim ah qof kasta oo ku raali noqda diinta islaamka u qaata sida loo amray ugu dhaqma sidii Rasuul scw iyo saaxiibadiis ugu dhaqmeen faafiya dadka kale gaarsiiya naftiisa ehelkiisa iyo bulshada uu la nool yahay ugu dedaala inay u hogaansamaan allah swt iyo rasuulkiisa wixii ka soo haray qashinka ku tuuraan marka ay kala haraan wixii nacfi ah oo Sharcigu u ogol yahay.
Ishiibadda dhabta ahi waa taas.

Eebe Noo gargaar oo nagu Sug Jidka Toosan.

Ayaanle Sheikh (MWC)

Want your school to be the top-listed School/college in Juba?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Juba