Almusbah Schools

Almusbah Schools PAGE-KAN WAA PAGE-KA RASMIGA AH EE DUGSIYADA ALMUSBAH

04/09/2026

ALMUSBAAX SCHOOL – XARUNTA JALALAQSI

Bahda Almusbaax School waxay ku wargelinaysaa bulshada ku nool Degmada Jalalaqsi iyo nawaaxigeeda in xarun cusub oo Almusbaax School ah laga hirgeliyey degmada Jalalaqsi.
Xaruntu waxay bixin doontaa waxbarashada Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare, iyadoo diiwaangelinta sannad-dugsiyeedka cusub ee 2026–2027 ay furmayso maalinta berri ah.

Sidoo kale, dugsigu wuxuu yeelan doonaa qayb waxbarasho oo gaar ah (Private Section), taas oo fursad siinaysa ardayda hadda waxbarashada ku jirta ee dhigata dugsiyada kala duwan ee degmada iyo dadka doonaya inay waxbarashada bilaabaan, si ay u xoojiyaan ama u sii wataan waxbarashadooda.
Qaybta private-ka ah waxa lagu bixin doonaa maaddooyin ay ka mid yihiin:
Soomaali iyo Xisaab
English iyo Xisaab
Maaddooyinka Scientific-ka
Caafimaadka
Farqurxinta
Computer.

Bahda Almusbaax School waxay ku dadaalaysaa in bulshada Jalalaqsi iyo nawaaxigeeda ay hesho waxbarasho tayo leh, fursado waxbarasho oo kala duwan iyo jawi waxbarasho oo ku habboon horumarinta aqoonta iyo mustaqbalka ardayda.

πŸ“… Diiwaangelintu waxay furmaysaa berrito ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 5 September 2026.

πŸŽ₯ Hoos ka daawo muuqaalka.

HAMBALYO IYO BOGAADIN.Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta loo shaaciyey nati...
09/08/2026

HAMBALYO IYO BOGAADIN.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee maanta loo shaaciyey natiijada Imtixaanka Qaranka ee Fasalka 8aad, gaar ahaan ardayda Almusbah Schools , oo dhammaantood, Alle fadligiis, ku guuleystay imtixaanka.

Alle ayay mahad oo dhami u sugnaatay; waxaan uga mahadcelinaynaa nimcada iyo guushan weyn ee uu inagu galladay.

Guushan waxay ka dhalatay iskaashi iyo dadaal wadajir ah oo ay muujiyeen waalidiinta, macallimiinta, ardayda iyo maamulka, gaar ahaan casharradii dheeraadka ahaa ee Khamiista iyo Jimcaha, kuwaas oo lagu xoojinayey maaddooyinka ku adkaa ardayda iyo Technology-ga.

Hambalyo dhammaan bahda Al-Musbaax.

Xafladda Abaalmarinta Ardayda.Maanta, Dugsiga Almusbah waxaa si heer sare ah uga qabsoontay Xafladda Abaalmarinta Ardayd...
31/07/2026

Xafladda Abaalmarinta Ardayda.

Maanta, Dugsiga Almusbah waxaa si heer sare ah uga qabsoontay Xafladda Abaalmarinta Ardayda, oo lagu maamuusay ardaydii ku guuleysatay kaalmaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee dugsiga, kuwaas oo muujiyay dadaal, karti iyo dadaal joogto ah oo dhanka waxbarashada ah.

Munaasabadda waxaa ka soo qayb galay waalidiin, macallimiin, marti sharaf iyo arday, iyadoo ardaydii guuleysatay la guddoonsiiyay abaalmarinno lagu dhiirrigelinayo hal-abuurkooda iyo dadaalkooda.

Iyadoo ay u jeedadu eheyd in la xoojinayo dhaqanka tartanka wanaagsan iyo tayeynta waxbarashada, maamulka dugsigu wuxuu go'aamiyay in ardayga kaalinta 1-aad ka gala guud ahaan dugsiga uu wax ku baran doono lacag la'aan muddo hal sano ah.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa dhammaan ardayda la abaalmariyay, waalidiintooda iyo macallimiintooda, annagoo u rajaynayna guulo iyo horumar ka sii ballaaran.

Guuleeysta.

14/06/2026

Duco iyo Dardaaran.

Ardayda Imtixaanka Qaranka u fadhiisan doonta ee Almusbah Schools ayaa maamulka iyo macallimiinta ku martiqaaday quraan akhris iyo duco loogu sameeyay hool-ka weyn ee dugsiga.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa ardayda inuu u fududeeyo imtixaankooda, kuna guuleeyo natiijooyin wanaagsan. Aamiin. 🀲

24/05/2026

Heesta Cusub ee dugsiga Al-Musbaax.

22/04/2026

Practical Period – Form Two.

Kuwani waa ardayda fasalka Form Two, oo qaadanaya practical la xiriira casharrada dugsiga sare ee .

Muuqaalkan waxa uu muujinayaa heerka faham ee ardayda, firfircoonidooda, iyo hammuunta ay u qabaan barashada casharrada la siinayo, iyada oo la adeegsanayo hab waxbarasho oo ku saleysan β€œi tus oo i taabsii.”

Guuleysta.

10/03/2026

πŸ“’ OGEYSIIS FASAX

Maamulka Dugsiyada Almusbah waxa uu ogeysiinayaa waalidiinta, ardayda iyo guud ahaan bahda waxbarashada in dugsigu galay fasaxa 10-ka dambe ee bisha barakaysan ee Ramadaan iyo maalmaha Ciidda.

πŸ“… Dib-u-bilaabashada waxbarashada:
Axad, 22 March 2026.

Waxaan dhammaan bulshada u rajaynaynaa in Alle waafajiyo kheyrka bisha barakaysan ee Ramadaan, kana mid dhigno kuwa hela fadliga Habeenka Laylatul-Qadriga, isla markaana aad ku ciiddaan caafimaad, nabad iyo farxad.

Maamulka Dugsiyada Almusbaax

15/02/2026

Ardaynimo maxaa ka habboon!

Galab wanaagsan mudanayaal iyo marwooyin.
10/02/2026

Galab wanaagsan mudanayaal iyo marwooyin.

Waxay ahayd maalin qiimo iyo xusuus gaar ah leh, oo ay ardaydu si weyn u maamuuseen macallimiintooda, kuna muujiyeen qad...
02/02/2026

Waxay ahayd maalin qiimo iyo xusuus gaar ah leh, oo ay ardaydu si weyn u maamuuseen macallimiintooda, kuna muujiyeen qadarin, mahadnaq iyo ixtiraam.

Almusbah Schools

Address

Xawotaako
Wadajir

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Almusbah Schools posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category