Waa kuwan ciyaaryahanno ka tirsan oo si firfircoon uga qeybgalay kulamo isboorti oo ay soo qabanqaabisay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Waxay si heer sare ah u muujiyeen xirfad, karti iyo isku-duubni, iyagoo kubadda si qurux badan ugu hubsaday shabaqa, taasoo muujinaysa dadaalka iyo tayada sare ee ay dugsigu ku barbaariyo ardaydiisa.
wuxuu mar walba garab istaagaa horumarinta isboortiga iyo kobcinta hibada ardayda, si ay mustaqbalka uga noqdaan ciyaaryahanno waxtar u leh naftooda iyo bulshada.
Almusbah Schools
PAGE-KAN WAA PAGE-KA RASMIGA AH EE DUGSIYADA ALMUSBAH
20/12/2025
OGEYSIIS RASMI AH
Maamulka Dugsiga Almusbaax waxa uu si rasmi ah ugu wargelinayaa dhammaan macallimiinta, waalidiinta, ardayda, iyo bahwadaagta waxbarashada in dugsigu fasax gelayo muddada u dhexeysa 21-ka Diseembar ilaa 25-ka Diseembar, 2025.
Waxaa la ogeysiinayaa in maalmaha waxbarashada ee la hakiyey lagu dari doono kal-tirsiga sannad-dugsiyeedka 2025–2026, si loo dhammaystiro qorshaha manhajka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin dheeraad ah, fadlan kala xiriir:
📞 +252 61 369 4002
✉️ [email protected]
04/12/2025
OGEYSIIS FURSAD SHAQO – MACALLIN Mathematics &Physics
Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee Almusbah waxa uu ku dhawaaqayaa in uu bannaan yahay hal (1) boos oo Macallin Math &Physics ah, kaas oo dhigi kara fasallada Sare.
Xilliga Shaqada: Subax kasta (Sabti ilaa Arbaco).
Shuruudaha lagu xulanayo:
1. Waa in uu yahay macallin ku takhasusay Math & Physics.
2. Waa inuu leeyahay ugu yaraan labo (2) sano khibrad ah oo ku saabsan dhigidda maaddooyinka kor ku xusan.
3. Waa inuu diyaar u yahay inuu galo imtixaanka aqbalaadda.
4. Waa inuu deggan yahay Wadajir ama Dharkenley.
Ku soo dir CV-gaaga : whatsApp lambarka +252613694002
Gmail: [email protected]
Goobta: Dugsiga Al-Musbaax wuxuu ku yaallaa Degmada Wadajir, xaafadda Nasteexo.
Waqtiga k**a dambaysta ah ee codsiga:
Jimco, 05/12/2025 saacadda 12:30 duhurnimo.
Almusbah Schools waxa uu ogeysiinayaa dhammaan waalidiinta iyo ardayda in berri oo Axad ah, 23-ka Nofeembar, uu dugsigu fasax yahay, iyada oo lagu maamusayo Maalinta Macallinka Soomaaliyeed.
Dugsigu waxa uu u rajeynayaa macallimiinta Soomaaliyeed dhammaantood guul iyo horumar waara.
Wixii faahfaahin fadlan la xiriir +252613694002
Email: [email protected]
Hambalyo Hambalyo Hambalyo
Waxaan hambalyo u diraynaa dhammaan macallimiinta Soomaaliyeed, meel kasta oo ay dunida ka joogaan. Alle ha idinka abaalmariyo juhdiga, dulqaadka iyo dadaalka aad ugu adeegtaan ubadka Soomaaliyeed.
In kasta oo aad ku shaqeysaan xaalado adag oo aan mararka qaar la idin siin abaalgudkii aad istaahisheeseen, haddana k**a daashaan u heellanaanta horumarinta mustaqbalka jiilka soo koraya. Taasi waa mid ka marag kacaysa adkeysigiinna, kartidiinna iyo u hibeynta shaqada macallinnimada.
Waxaan Eebbe uga baryeynaa inuu dadaalkiinna idinka abaalmariyo aduun iyo aakhiraba, kuna gallado ajar iyo xasanaad aan dhammaaneyn.
Mahadsanidiin.
Kormeer waxbarasho.
Soo dhaweyntii musharax Zakarie Muse Elmi
Booqasho Qiimo Leh
Maanta waxaa Almusbah Schools booqasho ku yimid; Mudane Zakarie Muse Elmi oo ka socda Xisbiga Cadaaladda iyo Wadajirka , kana mid ah musharrixiinta u taagan Golaha Deegaanka, una dhaq-dhaqaaqa waddada adeegga bulshada.
Mudane Sakariye, oo ka mid ah dhalinyarada hanka dheer, waxa uu bahda Al-Musbaax iyo guud ahaan shacabka ku nool Degmada Wadajir ka codsaday inay siiyaan codkooda, maadaama uu u taagan yahay u adeegidda iyo horumarinta bulshada.
Sidoo kale, waxa uu caddeeyay inuu mudnaanta siin doono:
Ilaalinta xuquuqda bulshada
Horumarinta deegaanka
Tayeynta waxbarashada
Adeegyada caafimaadka
Dhiirrigelinta xirfadaha waxtarka u leh bulshada
Ugu dambayntii, Mudane Sakariye wuxuu yidhi:
“Dalka waxaa dhisa kuwa maanta wax barta, berrina wax beddela. Adinkuna waxaad tihiin kuwaas.”
Guuleeyso mudane.
WACYIGELIN.
🌱 Aabbaha maanta u taagan masuuliyadda, berri adiga ayuu kaa doonayaa inaad taagnaato.
Aabbahaa waxa uu maalin kasta u shaqeeyaa si uu u guto waajibaadka reerka, isagoo la tacaalaya culaysyo dhaqaale oo badan sida:- waxbarashadaada, biilka reerka, kirada, kaalmeynta masaakiinta iyo adeegyada kale.
Waxa uu u dulqaataa dhib kasta si adiga aad wax u baratid, una gaartid nolol ka wanaagsan tan uu maanta ku sugan yahay isaga. Bal kawaran qof kuugu dadaalayo sidii aad isaga uga nolol wanaagsanan leheyd?!
Haddii aad maanta dadaasho oo si dhab ah wax u barato, berri adiga ayaa noqon doona hiilka waalidkaa iyo bulshadaada.
Laakiin haddii aad dayacdo fursadda maanta ku hortaalla, berri adiga iyo waalidkaaba waad dayacmi doontaan.
Ardayow, guushaada waa farxadda waalidkaa.
Almusbah Schools
Qodax Nuh
07/11/2025
TACSI
Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun
Dhammaan maamulka, macallimiinta, ardayda, iyo guud ahaan howlwadeennada iskuulada Al-Musbaax (Almusbah Schools) waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Ustaad Caadil Ibraahim Aadan, oo aabihiis, Aabe Ibraahim Aadan ku geeriyooday magaalada Muqdisho.
Waxaan Eebbe weyne uga baryeynaa inuu Janatul Firdowsa ka waraabiyo marxuumka, dhammaan qoyskii, qaraabadii, iyo asxaabtii uu ka geeriyoodayna uu siiyo samir iyo iimaan.
Aamiin.
🇸🇴 12-ka October – Maalinta Calanka Soomaaliyeed
Calanka buluugga ah iyo xiddigta cad waa astaanta midnimada, nabadda iyo qaranimada Soomaaliyeed.
Calankeennu wuxuu ka tarjumayaa halgankii, xornimadii iyo isku duubnidii ay ummadda Soomaaliyeed u soo martay dhismaha qarankeena.
Calanku waa calaamad mideysa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan, kana tarjumaysa sharafka iyo gobannimada qarankeena.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Wadajir