21/05/2026
Adult School Alumni Club waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan ๐๐๐ฌ๐ฌ๐๐ง ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐ฌ๐ฆ๐๐ง oo kamid ahaa ardaydii ka qalinjabisay Iskuulka Adult xaruntiisa Howlwadaag, kaas oo maanta si guul leh u difaacday buuggiisa qalinjabinta heerka labaad ee Master-ka ee Jaamacadda Kampala International University (KIU) ee dalka Uganda.
19/05/2026
Adult Alumni Club wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Mahad Isse Ali oo kamid ahaa qalinjabiyaashii Adult School, kadib markii uu si guul leh u soo dhamaystay waxbarashada heerka koowaad ee Bachelor-ka, kana diyaariyay cilmiga International Relations ee jaamacadda Yozgat Bozok รniversitesi ee dalka Turkey.
Waxaan Mahad u rajaynaynaa mustaqbal ifaya, guulo waxbarasho iyo horumar joogto ah.
04/04/2026
Waxaan hambalyo iyo bogaadin u diraynaa ๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐๐ฎ๐น๐ฎ๐บ ๐๐ฏ๐ฟ๐ฎ๐ต๐ถ๐บ ๐ช๐ฒ๐ต๐น๐ถ๐ฒ oo maanta loo dhaariyay xubinimadiisa golaha deegaanka degmada Wadajir taasi oo uu ku muujiyay dadaal, karti iyo hogaamin hufan.
๐๐ฏ๐ฑ๐ถ๐๐ฎ๐น๐ฎ๐บ wuxuu kamid yahay ardaydii ka qalinjabisay Iskuulka ๐๐๐ฎ๐ฅ๐ญ, waana astaan muujinaysa in waxbarashadu tahay jidka guusha iyo hoggaaminta mustaqbalka.
03/04/2026
Waxaan ku faraxsanahay in iskuulkeena uu u dabaal dagayo sanad guuradiisii 20aad .
Qalinjabiyaasha iskuulka waxay farxada la qaybsanayaan dhammaan inta iskuulka ka qalinjabisay laga soo bilaabo dufcadii 1aad ilaa iyo dufcadii ugu dambeysay ee qalanjabisay sanad dugsiyeedkii 2024-2025