Shifa University

  • Home
  • Shifa University

Shifa University welcome Shifa University, one of the leading and highly respectiful universities in Somaliland.

Having a 22-year record of teaching essential healthcare disciplines, such as clinical nursing, laboratory technology, midwifery, and pharmacy and enabling more than one thousand students to successfully complete their programmes, graduate, and get employed, Shifa University achieved history, tradition, and recognition in Somaliland and beyond. After a rigorous evaluation by the National Commissio

n of Higher Education, it is now registered as Shifa University and is ready to offer practical science programmes other than health sciences, such as Agriculture and environmental sciences, veterinary sciences, Hydrology and water resources, and Engineering. in addition, it will provide a degree programme in English language, which is the medium of instruction in secondary schools and in universities in Somaliland.

HAMBALYO HANBALYO PHARMACY GROUP ONEJaamacadda Shifa waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa ardayda Pharmacy Group One o...
20/08/2026

HAMBALYO HANBALYO PHARMACY GROUP ONE

Jaamacadda Shifa waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa ardayda Pharmacy Group One oo si guul leh u difaacay Buugooda

Waxaan idiin rajaynaynaa guul, horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

Alla mahad leh

WARGELIN MUHIM AHJaamacadda Shifa waxay si sharaf leh ugu wargelinaysaa dhammaan bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa i...
29/07/2026

WARGELIN MUHIM AH

Jaamacadda Shifa waxay si sharaf leh ugu wargelinaysaa dhammaan bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa in ay bilaabayso Tababarka ODOO (ERP System), kaas oo loogu talagalay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha la xiriira maamulka ganacsiga iyo nidaamyada ERP.

Faahfaahinta Tababarka:

Koorsada: ODOO (ERP System)

Goobta: Jaamacadda Shifa

Maalmaha la dhiganayo : 3 maalmood usbuucii

Muddada: 1 Bil

Tababarkani wuxuu u furan yahay ardayda, shaqaalaha, ganacsatada, iyo dhammaan bulshada danaynaysa inay bartaan ODOO si ay u horumariyaan xirfadahooda una kordhiyaan fursadahooda shaqo.

Isdiiwaangelintu way furan tahay.

Wakhtiga ay isdiiwaangelintu furan tahay waa inta ka hadhay bisha 7aad

Wixii faahfaahin dheeraad ah ama isdiiwaangelin ah, fadlan la xidhiidh xafiiska Jaamacadda Shifa ama lambarrada xiriirka ee ku qoran xayaysiiska

063-4207043/634718832/634601770

27/07/2026

OGAYSIIS RASMI AH

Jaamacadda Shifa waxay si sharaf leh ugu wargelinaysaa dhammaan bulshada ku dhaqan magaalada Hargeysa in ay bilaabayso Tababarka ODOO (ERP System), kaas oo loogu talagalay horumarinta aqoonta iyo xirfadaha la xiriira maamulka ganacsiga iyo nidaamyada ERP.

Faahfaahinta Tababarka:

Koorsada: ODOO (ERP System)

Goobta: Jaamacadda Shifa

Maalmaha la dhiganayo : 3 maalmood usbuucii

Muddada: 1 Bil

Tababarkani wuxuu u furan yahay ardayda, shaqaalaha, ganacsatada, iyo dhammaan bulshada danaynaysa inay bartaan ODOO si ay u horumariyaan xirfadahooda una kordhiyaan fursadahooda shaqo.

Isdiiwaangelintu way furan tahay.

Wakhtiga ay isdiiwaangelintu furan tahay waa inta ka hadhay bisha 7aad

Wixii faahfaahin dheeraad ah ama isdiiwaangelin ah, fadlan la xidhiidh xafiiska Jaamacadda Shifa ama lambarrada xiriirka ee ku qoran xayaysiiska

063-4207043/634718832/634601770

Shifa University waxay si guul leh u qabatay tababarka Data Analysis Using SPSS, oo ay iska kaashadeen Shifa University ...
20/07/2026

Shifa University waxay si guul leh u qabatay tababarka Data Analysis Using SPSS, oo ay iska kaashadeen Shifa University Alumni Association (SHUAA), kaas oo loogu talagalay ardayda ku guda jirta diyaarinta buugaagta qalin-jabinta (Thesis).

Tababarkani wuxuu ardayda ku xoojinaya xirfadaha falanqaynta xogta ee SPSS, si ay u horumariyaan tayada cilmi-baadhistooda una diyaargaroobaan difaacashada buugaagtooda qalin-jabinta.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan ardaydii ka qaybqaadatay tababarka, waxaana u rajaynaynaa guul iyo horumar waxbarasho.
Shifa University Empowering Knowledge, Inspiring Excellence.

02/07/2026

Maamulka jamacadda shifa waxay u hanbalyeynayaan dhamaan ardayda dugsiyada sare ee uu maanta imtixaankii si guula ugu soo dhamaaday

Jaamacadda Shifa waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Bulshada Weyn ee Somaliland munaasabadda 26 June 2026Hanbalyo ha...
25/06/2026

Jaamacadda Shifa waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa Bulshada Weyn ee Somaliland munaasabadda 26 June 2026

Hanbalyo hanbalyo Dhamaam bulsha weynta somaliland

18 May waa maalin xusuus iyo sharaf leh oo ka turjumaysa halgankii, midnimadii, iyo himiladii ay shacabka Somaliland ku ...
17/05/2026

18 May waa maalin xusuus iyo sharaf leh oo ka turjumaysa halgankii, midnimadii, iyo himiladii ay shacabka Somaliland ku gaadheen go’aan geesinimo leh. Waa fariin ku saabsan qiimaha nabadda, wadajirka, iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan.

Jaamacadda Shifa waxay door muhiim ah ka qaadanaysaa soo saarista jiil aqoon leh oo sii ambaqaada himiladaas, maadaama waxbarashadu tahay tiirka horumarka iyo jiritaanka qaran.

Ugu dambayn, aynu xoojino midnimada, horumarino waxbarashada, una ilaalino qiyamka qiimaha leh ee 18 May.

Guul iyo Gobannimo Allaa Mahad Leh.

Ku: Dhamaan Bulshada Jamhuuriyadda SomalilandOg: Ardayda, Macallimiinta & Shaqaalaha Jaamacadda ShifaUjeeddo: Hanbalyo k...
27/12/2025

Ku: Dhamaan Bulshada Jamhuuriyadda Somaliland
Og: Ardayda, Macallimiinta & Shaqaalaha Jaamacadda Shifa

Ujeeddo: Hanbalyo ku Aaddan Aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo Fasax Jaamacadeed

Maamulka Jaamacadda Shifa waxa ay hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaan dhammaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan hoggaanka Qaranka, munaasabadda taariikhiga ah ee aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland oo ay Dowladda Israa’iil si rasmi ah u aqoonsatay taariikhdu markay ahayd 26 December 2025.

Arrintani waa guul weyn oo u soo hoyatay ummadda Somaliland, kuna timid halgan dheer, samir, iyo dadaal joogto ah oo ay muujiyeen shacabka iyo hoggaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa ay sidoo kale astaan u tahay horumar, bisayl siyaasadeed, iyo aqoonsi caalami ah oo sii xoojinaya jiritaanka Qaranka Somaliland.

Sidaas darteed, Maamulka Jaamacadda Shifa waxa ay go’aamiyeen in Jaamacaddu ay fasax noqoto laba (2) cisho, si loogu dabbaaldego guushan taariikhiga ah, looguna wada farxo heer Qaran.
Waxaan Alle uga baryaynaa in uu Jamhuuriyadda Somaliland gaadhsiiyo horumar waara, nabad iyo barwaaqo.
Hambalyo Guul Taariikhi ah
Mahadsanidiin,
Maamulka Jaamacadda Shifa

Address

Near Caanaha Riyaha Road. Gacan Libaax District

00252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Shifa University posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Shifa University:

Shortcuts

  • Want your school to be the top-listed School/college?

Share