17/08/2020
Wadadi aad ku heli laheed waxbarasho Jaamacaddaha Xukuumiga ee wadanka Turkiga.
Waxaana kuu sahlaya Hayadda khayriga ah ee YUGEV.
YUGEV: waa Hey’ad kheyri ah oo aan faa’iido doon eheyn oo laga leeyahay dalka Turky-ga, waxey ka shaqeysaa horumarinta waxbarasha ,waxey isku xirtaa ardyda jooga daafaha aduunka gaar ahaan kuwa Africa Ku nool oo danenaya iney helaan waxbarasho tayo leh ,oo misana qiima jaban oo dalka dibadiisa ah, iyo Jaamacada Xukuumiga ah ee Turkiga ,waxey xariir la leedahay 25 jaamacadood oo ku yaal dalka Turkiga.
Waxey soosaartaa ogolaashaha (Admision) waxbarasho oo bilaash ah ee jaamacadaha Turkiga ,ayadoo u sii marineysa wakiiladeeda ku kala nool dalalka kala duwan ee aduunka.
Annagu waaxu nahay wakiilka Rasmiga ah ee Hey’ada YUGEV u fadhiya Somalia .
Si aad u xaqiijisid arinkaa booqo websit-kooda. http://www.yugev.org/ar
Adeegyadeena:
1- Soo saarida Admision bilaash ah.
2- Soo dhoweynta markii uu ardaygu tago garoonka diyaaradaha ee Turkiga.
3- Dejinta Ardayga guri u dhow goobtiisa waxbarashadda.
4- Kala Shaqeynta ardayga howlaha isdiiwaangelinta ee jaamacadda iyo barashada luqada Turkiga.
5- Kala Shaqeynta ardayga Howlaha sharciga iyo nidaamka degenaanshaha.
6- Si dhow ula socoshada ardayda, xalliya dhibaatooyinka, iyo ku caawinta barashada shuruucda gobolka ay wax ka barayaan.
7- kalashaqeynta ardayga helitaanka deeqda waxbarasho ee dowlada Turkiga.
Waxaad heleysaa dhamaan kulliyada Injineeriyada ,Cilmiga arts-ka iyo machadyada.
Mana ahan hay adaan mid faaido doon ah sida aan horayba uxusnay.
Shuruudaha iyo Waraaqaha lagadoonayo ardayga:
Shahaadada asalka ah ee dugsiga sare oo ka tasdiiqsan wazaarada waxbarshada iyo wazaarada arrimaha dibada iyo wax ka badalka safaaradda turkiga iyo tarjumadeeda.
Nuqullada(copy) Baasaboor
Afar sawir oo teesaro ah
Shahaadada tazkiyada ama Recommendation jiho la yaqaan.
Warbixin caafimaad oo aan cudur lahayn
Balan qaad xaga waalidiintaada ah oo ay saxiixayaan in aad waxbarasho oo kaliyahy usocoto ayna qadi doonaan masuuliyada wixii intaas khilaafsan ama dhib ah oo ay geestaan ubadkooda.
Ardaygu wuxuu dooranayaa 4 takhasus ee uu jecelyahay iney mid ka mid usoo baxdo lkn Jaamacadda waxaa udooraa hay adda turkiga.
La xiriir whatsapp ama wicitaan lamberkaan +252614923032.