INAAD WAX AKHRIDAA WAA MUHIIM
MARKASTOO AKHRINTAADU BADATO FAHAMKAAGA AYAA BADANAYA@
Xaruunta gabayada somalia
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xaruunta gabayada somalia, Tutor/Teacher, Sool.
16/04/2024
Ilaahada waxaan kayaabanahay wax ssc khaatumo ku qabto muqdisho
Xasan sheekh isagii baahayn meel uu xukumo
Oo wuxuu ka dhamaan la,yahay reerkooda
Aan karaacano danaheena sida maamulada kale
08/01/2024
2024 iyo DANI iyo mucjiso
22/04/2023
Sool somalia
30/11/2022
Share
Dhawaan waxuu page kan bilaabayaa dhagaysiga Qur'aanka falan like ta share iyo comments ka kubooba
Xiiso leh (Sawirkii Cirka lagaga qaaday Taliyaha Sirdoonka Soomaaliya).
"Isla diyaaradu kolkay fadhiistay Madaarka... Gacanta waxa lagu hayey...."
September 21, 2018 ayaa sawir si qarsoodi ah uu u qaaday Noboru Fernandes, oo ahaa Kaaliye Xafiiska Ergayga Qaramada Midoobay, ka tirsan, u diray Nuradin Aadan Diriiye, oo ahaa La taliyaha gaarka ah ee Michael Keating.
Sawirka ayaa laga qaaday Fahad Yaasiin, oo berigaas ah Agaasime ku xigeenka NISA, saaranna Qatar Airways, oo u kala gooshaysa Dooxa iyo Nairobi.
Noboru, ayaa sawirka fariintaan raaciyey, ‘‘Fahad Yasin, on Qatar Airways returning from Doha. He is accompanied with his inner circle team.’’
Fahad, waxaa safarka ku weliyey sida sawirka ka muuqata Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee Qatar (oo aan magaciisa oo saddexan hadda hayn) iyo Agaasimihii Maamulka NISA Mukhtaar Xuseen Maxamed (Qooraansey), oo hadda shaqada ka tagay.
Nuradiin, ayaa si hal haleel ah sawirkii ula wadaagay Abdirahman Abdishakur Warsame, oo ay saaxiibo gaar ah yihiin, horeyna Xafiiska Ergayga Qaramada Midoobay, uga tirsanaa, mucaarad Nabad iyo Nolol, loodin kari weydan ah iyo rag kale.
Sida dab kayn galay oo kale ayaa sawirkii saxaafadda u gaaray, si sibiq ahna ugu faafahay baraha bulshada. Sawirkii waxa uu wareegaba Fahad, oo kursigiisa fadhiya ayuu si sahlan u gaaray.
Fahad, si miyir qab ah ayuu u darsay cida iyo sida sawirkaas loo qaaday iyo qiyaas ahaan qofka ka qaaday kursiga uu fadhiyo. Asaga oo aan jabaq iyo sharqan sameyn ayaa Fahad, si dagan baaritaan u sameeyey, maamulka diyaaraddana ku wargeliyey sawirka laga qaaday iyo qofka uu tuhmay in uu qaaday.
Markii diyaaradu caga–dhigatay gagida Jomo Kenyatta ee Nairobi, ayaa laamaha amniga Ayraboorku, Noboru, oo aan ba diyaaradda ka degin, soo dul istaagtay, kana qaaday mobilkii uu sawirka ku qaaday.
Dhowr ilbiriqsi ayaa lagu ogaaday in uu asaga yahay qofka sawirka qaaday iyo cidda uu la wadaagay oo faafisay. Fahad Yaasiin, gal dacwadeed ilaa New York, gaaray ayuu ka diyaariyey Noboru, Nuradin iyo Xafiiska Qaramada Midoobay.
Noboru Fernandes, asbuuc gudihiis ayaa shaqada looga cayrshay, Soomaaliyana looga masaafuriyey.
Nuradin Diriye, maadaama uu asaga sawirka u dusiyey saaxiibadi iyo saxaafadda, ruqsad hal sano ah oo uusan shaqada soo geli kareyn ayaa la siiyey, si baaritaan waafi ah loogu sameeyo sababta ku kaliftay in uu sawirka faafiyo.
Nuradin, intaas oo keliya loogama harine adduun lacageed oo dhan todobo iyo toban kun (17,000) oo dollar oo mushaar u qaadan jiray ayaa laga joojiyey. Dhowr bil kadibna waxaa laga daba diray in uu fasaxan yahay oo shaqo kale uu raadsado.
Hadda Nuradin Diriye, waa la taliye sare oo dhanka siyaasadda u qaabilsan Madaxweyne Deni, iyo madaxa dhowr xubnood oo ‘‘policy advisors’’ ah.
Sida Cumar Cabdirashiid iyo Madaxweyne Deni, qabaan in Madaxweyne Farmaajo, ku balan furay oo taageero iyo tacab ay siiyeen doorashadii Madaxtinimada (Feb 8, 2017), ama Cabdi Faarax Juxa, oo wasiirnimadii laga qaaday ay madax martay ayaa Nuradiin, qabaa in Fahad Yaasiin, dhaafshay nolol, mushaar iyo shaqo wanaagsan oo saameyn ku dhex leh siyaasadda Soomaaliya ee Xafiiska Qaramada Midoobay, taalay.
Mahad Geele.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
SOOMAALIYA