Midowga Ardayda Jamacada Green Hope University Qardho

Midowga Ardayda Jamacada Green Hope University Qardho

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Midowga Ardayda Jamacada Green Hope University Qardho, College & University, Qardho.

02/12/2025

OGaysiis OGaysiis OGaysiis

waxaan idinla socod siinay'naa Cid kasta oo jecel inay Cilmi Faa'idaysato iyo Aqoon in Habeen Dambe Oo khamiis soo Geleyso Bacadal Maqrib tababar Free ah oo Qurux bdn uu ino Soo Jeedin Doona, ustaad, Mohamed Abdulahi (Asqalani) cinwaanka Tababarku waa

الأخلاق الحسنة أساس المجتمع الصالح

wanaagsani waa Saldhiga Bulsho suuban ,Hagaagsan

Goobtuna waa Green Hope University Campus Qardho Ka soo Horjeedka Al,aaMin

Kasoo qeyb Gal wanagsan

Photos from Midowga Ardayda Jamacada Green Hope University Qardho's post 28/09/2025

BismilaaH,
Waxaan, BooQasho Heerkeedu Sareeyo ku Tagaynay XaaFiiska Dalladda Dhalinyarada gobolka karkaar

Halkaas, oo si Heer keedu sareeyo Noogu soo dhoweeyay GuddooMiyaha Dalladda Dhalinyaradda Gobolka karkaar Mr. Cabdi,KariiM Maxamed CisMaan

Guddoonka jaamacadda Green Hope University oo uu ugu Horeeyo Madaxweynaha Midowga Ardada Eng Caynaanshe cabdi Maxamed iyo wasirka warfaafinta Mr siciid maxamed Nadiif iyo xubna kale oo ka Mid ah xafiiska Middowga Ardayda (GHUQ)

kulanka waxaa Looga Hadlay Iskaashi Jaamaacaded & Tababaro XirFadeed iyo wada shaqayn Dhex Marta Labada Xafiis Si Loo Hormariyo Howlaha MuHiiMka ah Ee Horumarinta AriMaha Bulshadda.

kulanku waxa uu kuso dhamaday si Guul ah waxaana Laysku raacay in si dhow u wada shaqeeyaan labada xafiis.

Xafiiska Middowga Ardayda jaamacada green hope waxa uu mahad Balaaran u jeedinaya Gudomiyaha Dallada Dhalinyarada gobolka sidii quruxda badnayd ee uu uso dhaweyay gudoonka

Alla Mahad leh_

24/09/2025

Tix raac LR 0002/2025
Taariikh: 24sep_2025

Ujeed: Magacaabis Gudoonka ururka Ardayda Jaamacadda Green Hope Qardho compus.
Gudoomiyaha Ururka Ardayda Jaamacadda Green Hope University Qardho
Markuu La Tashaday Xafiiska Arimha Ardayda, Golaha fulinta.
Markuu Arkay: Baahida Loo Qabo in la Helo Guddi Dhamaystiran uu leeyahay Ururka Ardayda
Markuu Arkay: In Loo Baahanyahay Xubno dhamaystiran oo Gudoonka Ardadda ( GHUQ)
Markuu Tixgeliyay: Kartidooda, aqoontooda sharci iyo waaya aragnimadooda
Wuxuu Xubnahaan Hoose, U Magacaabay Gudoonka Cusub Ee Ururka Ardayda Jaamacadda GREEN HOPE UNIVERSITY QARDHO.

07/09/2025

Hadal-jeedinta Maamulaha Shirkadda Somet ee Gobolka karkaar Maxamed Axmed Siciid ee Xafladda Qalin-jabinta Dufcadii 1aad ee Ka baxda Jaamacadda Green Hope Faraca Qardho

07/09/2025

Guddoomiyaha Guud Ee Jaamacadda &Agaasimaha Guud Ee wax,barashada puntland oo SHahaaddo gudoonsiyay Gabadhii Ugu Sareysay ArDaDa Qalin jebinaysay

07/09/2025

Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jamacada Green Hope University Qardho & Maamulaha Jaamacadda Green Hope University Qardho Campus

Photos from Midowga Ardayda Jamacada Green Hope University Qardho's post 07/09/2025

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Milions Congratulation Ayaan leenaHay Ardada sharafta badan Ee Jaamacadda Green Hope University Qardho Campus Faraceedda Qardho ILaaHay Baa Mahad leh oo Ina Waa,Fajiyay Maalintan Quruxdda bdn waa Difcaddii ugu Horeysay oo ka Qalin Jabisa Jaamacadda Waxaan Lenahay IlaaHay Ha,idinku anFaco oo Ha idinka Dhigo kuwo Cilmiga iyo Aqoonta Ay Barteen u,Ga Faai,deeya Diintoda,Dalkoodda ,Dadkooda ,si Daacad ah oo HuFana Ugu Addega Bulshadooda Ardada iyo waalidintooda waxaan leenahay dhamaantiin guulaysta

Photos from Midowga Ardayda Jamacada Green Hope University Qardho's post 03/09/2025

Waxaan Ka Qeyb Galay Tababar 2Maalin ah oo ay Soo Qaban,Qaabiyeen Wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland iyo Hay'adda maxalliga SAAD, isla markaana ay taageereyso Hay'adda Caalamiga ah GIZ ayaa magaalada Qardho Gobolka Karkaar ku qabatay kulan
Wacyigelin iyo Wada-hadal ah, kuna saabsan Joojinta iyo Dabar-goynta Gudniinka Gabdhaha waxyeeleeya iyo
Tacaddiyada Hablaha.
Kulankaan ayaa looga Faa,ideeyay Ardayda Jaamacadda Green Hope University Qardho Campus

Kulankan waxaa ka qeyb galay 35 arday oo ka socday Jaamacadda Green Hope ee Magaalada Qardho, waxaana sidoo kale goob joog ka ahayd Iskuduwaha Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ee Gobolka Karkaar.

Intii kulanka iyo wada hadalka socday, waxaa xoogga la saaray:
Khatarta caafimaad iyo dhibaatooyinka nolosha oo dhan ee uu keeno gudniinka gabdhaha ee waxyeellada leh.

Waxaa kaloo jiray doodo wax ku ool ah oo ku saabsan caafimaadka, sharciga, xuquuqda aadanaha iyo siyaabaha looga hortegi karo gudniinka gabdhaha iyo dhammaan tacaddiyada haweenka ee waxyeellada leh.

Gabadh kastaa waxay xaq u leedahay inay u korto si caafimaad qabta, ammaan ah, kana xor ah caadooyinka waxyeellada leh. Hooyo caafimaad qabta waa bulsho caafimaad qabta.

…………..Dhamaad……………
Xafiiska Warfaafinta

14/07/2025

Maamulka jaamacadda Green Hope University Qardho Campus oo ku jira Booqashaddi Dugsiga Hoose,Dhexe,Sare Ee Warsame cadde Shaxda

Photos from Midowga Ardayda Jamacada Green Hope University Qardho's post 14/07/2025

Maamulka Jaamacadda Green Hope University Qardho Campus ayaa booqasho ku tagay Dugsiga sare Ee Warsame Cadde Degmada Shaxda . halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay maamulka iyo macallimiinta. Sidoo kale, waxay la kulmeen ardayda Form 4-ka, waxayna u soo bandhigeen adeegyada waxbarasho ee jaamacaddu bixiso.

Maamulka Jaamacadda ayaa sidoo kale ardayda ku dhiirrigeliyay inay dadaalkooda waxbarasho halkaas ka sii wadaan.

Want your school to be the top-listed School/college in Qardho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Qardho
0000

Opening Hours

Monday 05:00 - 12:00
Tuesday 05:00 - 12:00
Wednesday 05:00 - 12:00
Thursday 05:00 - 17:00
Friday 05:00 - 12:00
Saturday 05:00 - 12:00
Sunday 05:00 - 00:00