Aflah Primary and Intermediate School Qardho
Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Aflah Primary and Intermediate School Qardho, School, Qardho.
28/11/2024
07/11/2024
Maanta oo Khamiis ah taariikhduna tahay 7/11/2024, waxa soo idlaaday imtixaankii dhexe ee Kalka h**e ee sannad-dugsiyeedka 2024-2025 ee dugsiga h/dhexe ee AFLAX QARDHO. Kaas oo ay u fariisteen dhammaan fasallada 1aad ilaa 8aad iyo qeybta barbaarinta carruurta.
Imtixaanku waxa uu soo bilaabmay 2dii bisha ee toddobaadkan.
20/10/2024
Hambalyo!! Waxa doorashada guddoomiyaha ardayda dugsiga hoose iyo dhexe ee Aflax ku guuleeysatay Saamiyo Maxamed Siciid, waxa jagada guddoomiye kuxigeenka ardayda ku guuleystay Mowliid Cumar Maxamed.
Waxaan dhammaan u rajeyneynaa guul iyo mustaqbal ifaya. Waxaana sidoo kale bogaadineynaa ardaydii tartanka doorashada isu soo taagtay iyo dhammaan ciddii codeynta ka qeybqaadatay.
19/10/2024
Waxa maalint berri ah ee taariikhdu ku aaddan tahay 20ka bisha Oktoobar ka dhici doonta doorasha guddoomiyaha iyo guddoomiye kuxigeenka ardayda dugsiga hoose dhexe ee AFLAX.
Inshaa allah waxaan Alle ka rajeyneynaa inay si guul ah noogu soo dhamaato doorashada.
18/10/2024
Waxa maanta oo taariikhdu tahay 18, Oktoobar uu shaaciyay Dugsiga hoose-dhexe ee AFLAX jidwalkii Imtixaanka dhexe ee kalka h**e ee sannad-dugsiyeedka 2024-2025.
Waxa waalidiinta iyo ardeydaba lagu wargrlinayaa inay si dhammaystiran ugu diyaargaroobaan imtixaanka.
Dhammaan ardayda guul baan u rajeynaynaa.
13/10/2024
Qeybtii 2aad ee sawiradii xafladda calansaarka ahayd ee shalay ka qabtoontay dugsiga Aflax Qardho.
12/10/2024
Maanta waxa dugsiga hoose/dhexe ee Aflax Qardho laga xusay sannad-guuradii 70aad ee ka soo wareegtay maalintii la taagay calanka Soomaaliya sannadkii 1954tii.
Waxa xafladda ka soo qeybgalay maamulka, macallimiinta, qaar ka mid ah waalidiinta iyo guddiga dugsiga iyo dhammaan ardayda dugsiga.
Waxa sidoo kale ka soo qeybgalay wasiir ku xigeen h**e ee wasaaradda duurjoogta iyo hormarinta reer miyiga Puntland ahna masuul ka ka socda hay'adda Save the Children Mr. Maareeye Ciise
Qeybta 1aad ee sawiradii xafladda calan-saarka.
05/10/2024
Universal ๐ง๐ฒ๐ฎ๐ฐ๐ต๐ฒ๐ฟ'๐ ๐๐ฎ๐
Maanta oo taariikhdu ku beegan tahay 5/10 waa maalinta Macallinka Dunida.
Waxa aan codsaneynaa in loo soo duceeyo maamulhii dugsiga Aflah AUN
Malimad iyo
Macalin. (Iftax) iyo Macallin Cabdinaadir Axmed Siciid.
Dhammaantood waa ay inaga wada hooseeyaan waxa ay ahaayeen macalimiin bulshada qaali ku ah.
Ilaahay waxan uga baryeenaa inuu jannadiisa firdowsa maqaamkooda ka yeelo.
Click here to claim your Sponsored Listing.