Gardo Technical Secondary School

Call Contact the school

Gardo Technical Secondary School Dugsiga Sare ee farsamada Gacanta Gardo technical Secondary School waa Dugsi lagu barto Farsamada

  (GTSS) maanta oo ay Tarikhdu Tahay 15/9/2026 waxaan ardaydeena muddo 6 bilood ah baranayay xirfadda Solar Installation...
15/09/2026

(GTSS)
maanta oo ay Tarikhdu Tahay 15/9/2026 waxaan ardaydeena muddo 6 bilood ah baranayay xirfadda Solar Installation and Maintenance u kaxaynay Company ga bixiya korontada ee )- , si ay u helaan tababar shaqo (Internship), khibrad iyo cilmikororsi la xiriira xirfaddooda.

Intii ay booqashada ku jireen, ardaydu waxay si gaar ah u booqdeen qaybta Solar-ka ee halkaas oo ay si toos ah ugu arkeen nidaamyada iyo qalabka Solar-ka. Sidoo kale, maamulka iyo injineerrada shirkadda ayaa si diiran u soo dhaweeyay ardayda, waxayna siiyeen sharaxaad faahfaahsan, aqoon farsamo iyo waayo-aragnimo la xiriirta shaqada.

Waxaan aaminsanahay in Internship-ku uu yahay qayb muhiim ah oo ka mid ah waxbarashada farsamada, maadaama uu ardayga siinayo fursad uu ku dabaqo aqoonta uu fasalka ku bartay, isla markaana uu ku helo khibrad toos ah oo goobta shaqada ah.

Waxaan si weyn ugu mahadcelinaynaa soo dhaweynta diirran, tababarka iyo aqoonta ay maanta la wadaageen ardaydeena. Waxaan rajaynaynaa in iskaashigan uu sii socdo, isla markaana ay mustaqbalka jiri doonaan booqashooyin, tababarro iyo fursado cilmikororsi oo kale.

Waxaan sidoo kale u mahadcelinaynaa taageerada iyo garab istaaga ay siisay ardaydan dhalinrada ah iyo fursadda waxbarasho ee ay u abuurtay.

Gardo Technical Secondary School waxaa ka go’an in ay ardaydeeda siiso waxbarasho isku dhafan oo ka kooban aqoon, tababar gacmeed iyo khibrad shaqo, si ay ugu diyaargarowaan mustaqbalka iyo suuqa shaqada.

27/08/2026

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Qardho Maxamed Cabulahi Siciid ee Munaasabadda Qalin-jabinta 100 Dhalinyaro ah oo ka Qalin-jebiyey Machadka Farsamada Qardho, kuwaas oo muddo Tababar ku saabsan Xirfadda Solar System-ka uu siinaayay Mashruuca EU IMPACT.
Xog Bisleeye

27/08/2026

Hadal-Jeedinta Maamulaha Dugsiga
Farsamada Gacanta Qardho Axmed Maxamed Muuse ee Munaasabadda Qalin-jabinta 100 Dhalinyaro ah oo ka Qalin-jebiyey Machadka Farsamada Qardho kuwaas oo muddo tababar ku saabsan Xirfadda Solar System-ka uu siinaayay Mashruuca EU IMPACT.

27/08/2026
Waxaa maanta kormeer shaqo noogu yimi Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arimaha bulshada DPL Jaamac faarax boss ...
19/08/2026

Waxaa maanta kormeer shaqo noogu yimi Wasiir ku-xigeenka wasaaradda shaqada iyo Arimaha bulshada DPL Jaamac faarax boss , Agaasimaha Guud ee wasaaradda shaqada iyo Arimaha bulshada Jaamac Hassan , Isuduwaha Wasaaradda shaqada & Arimaha Bulshada Abdirask Farah. Kormeer ka Wasiirka waxa uu u kuurgalayey waxbarshada Dugsiga Sare ee Farsamada gacanta waxa kale oo wasiirku kormeerayey Ardada Xirfadaha barata ee mashruuca EU-impact ee ay wado HAY’ada Shaqadoon, mashruucaas oo tababarey 100 arday oo baratey Solar system installation, 50 arday oo Cusubna u bilaabay is tababarkii h**e mid la mid ah Solar system installation

16/08/2026

WASIIR KU-XIGEENKA WASAARADDA WAXABARASHADA IYO TACLIINTA SARE OO KORMEERAY DUGSIGA SARE EE FARSAMADA GACANTA QARDHO

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland Mudane Maxamed Musaddaq Soomajeeste ayaa kormeer ku tagay DUGSIGA SARE EE FARSAMADA GACANTA Qardho.

Wasiir Ku-xigeenka waxaa kormeerka ku weheliyay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Mudane Maxamed Cabdicasiis Qaalib iyo Agaasimaha Waaxda Farsamada Gacanta Marwo Malyuun Xuseen,

Intii uu kormeerku socday, Wasiir Ku-xigeenka iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa si gaar ah u qiimeeyay xaaladda xarunta tayada qalabka waxbarasho ee farsamada gacanta, baahiyaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo tababarrada xirfadeed ee dhallinyarada. Wasiirka waxa uu cadeeyey fursad qaali ah taas oo ah in Dugsiga la keeni doono Macalimiin injineera ah oo ajaanib ah ku waas oo tayada iskuulka iyo ardadaba kor u qaadi doono

DHAMMAAD

Address

Shimbiraale Streat
Qardho
252

Opening Hours

Monday 06:00 - 17:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Thursday 06:00 - 17:00
Saturday 06:00 - 17:00
Sunday 06:00 - 17:00

Telephone

+252905441462

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Gardo Technical Secondary School posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Gardo Technical Secondary School:

Shortcuts

Share

Category