Gardo Technical Secondary School

Gardo Technical Secondary School

Share

Dugsiga Sare ee farsamada Gacanta Gardo technical Secondary School waa Dugsi lagu barto Farsamada

04/05/2026
19/03/2026

Waxaan ugu hambalyeynayna dhammaan umadda musliminta gaar ahaan shacabka Somaliyeed meel walibey dunida kajoogaan bilashada Bisha Shawaal ee Eidul Fitriga.
Alle haynaga aqbalo acmaashi wanaagsaneyd ee aan soo sameynay intaan kugudo jirnay bisha barakeysneyd ee Ramadan.

Photos from Gardo Technical Secondary School's post 10/03/2026
16/01/2026

Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Qardho hadii u baahato farsamo taya leh ku soo dhowoow marwalba

30/12/2025

OGAYSIIS MUHIIM AH

Waxaa la ogeysiinayaa dhammaan
dadkii soo codsaday Xirfadda SOLAR KA
in ay galayaan Imtixaanka Aqbalaadda

Faahfaahinta:

đź“… Taariikh: 1/1/2026
📆 Maalin: Khamiis
⏰ Saacad: 7:30AM Subaxnimo
📍 Goobta: Dugsiga Farsamada Gacanta

Qofkii aan imaan
➡️ Fursaddaas wuu waayi doonaa

👉 Imtixaanka waxaa lagu kala xulanayaa ardayda

28/12/2025

Dugsiga Sare ee Farsamada Farsamada Gacanta Qardho, ayaa lagu qabtey Munaasabad kooban oo lagu soo xiraayay barnaamij waxbarasho oo ay wada fuliyeen Hay’adaha Save the Children, UNHCR, iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowladda Puntland ayaa ahaa mid xirfado kala duwan lagu baraayay 43 arday oo ka mid ah dadka Magangalyo Doonka ah ee ku nool magaalada Qardho.

28/12/2025

Hadal-jeedinta Gudoomiyaha Dagmada Qardho Cabdi Siciid Qaal ee Xafladda soo xiritaanka 43 arday oo Dugsiga Sare ee Farsamada Gacanta Qardho labaray xirfado kala duwan kuwaas oo kamid ah Dadka barakacayaasha ah ee ku nool Magaalada Qardho.

22/12/2025

Fadlan mashruucan qofkii raba inuu ka faaiidaysto waxa uu iska diwaan gelinkaraa xarumaha ku qoran xayeysiiska haduu ka Gaari waayo ha ku dhifto linkinga oo si online haysu diwaan geliyo diwaangeli https://forms.gle/o4iErAdSsNMLCAjs6

12/10/2025

XUSKA MAALINTA CALANKA SOOMAALIYEED 🇸🇴

Dugsiga sare ee Gardo Technical Secondary School waxaa ka qabsoomay xuska maalinta Calanka soomaaliyeed oo ku beegneed 12 October, oo ah maalintii calan soomaaliyeed la curiyay.

Xafladda oo ay soo qaban qaabiyeen ardayda Dugsiga sare ee Gardo Technical Secondary School ayaa waxaa kasoo qayb galay maamulka iyo macallimiinta dugsiga, halkaas oo lagu saaray Calanka, loogana sheekeyey qiimaha uu ugu fadhiyo calanku ummadda Soomaaliyeed.

23/09/2025

Dugsiga Sare Ee Farsamada Gacanta ee Qardho (Gardo Technical Secondary School) waxa uu qaadnaya fasal cusub oo lagu barto Rinjiyeynta Baabuurta! 🚗✨
​ waxana lagu baran doonaa farsamooyinka iyo hababka ugu dambeeyay ee rinjiyeynta baabuurta.

​Goobta: Shimbiraale - Qardho
​La xidhiidh: +252907410200 ama +252907201706

Want your school to be the top-listed School/college in Qardho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

Shimbiraale Streat
Qardho
252

Opening Hours

Monday 06:00 - 17:00
Tuesday 06:00 - 17:00
Wednesday 06:00 - 17:00
Thursday 06:00 - 17:00
Saturday 06:00 - 17:00
Sunday 06:00 - 17:00