27/05/2026
HAMBALYO HANBALYO CIIDUL-ADXAA
Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee (Marjac), waxa uu hambalyo iyo bogaadin qalbi furan u dirayaa dhammaan ardayda, macallimiinta, maamulka jaamacadda, waalidiinta, iyo guud ahaan ummadda Muslimka ah munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa awgeed.
Ciidul-Adxaa waa maalin weyn oo qiimo gaar ah leh, kuna saleysan iimaan, samir iyo allabari. Waa fursad qaali ah oo diimeed iyo bulsho, laguna xoojinayo midnimada, naxariista iyo is garab istaagga bulshada,Sidoo kale waa waqti ay ku jirto kheyr badan, ducada la aqbalo iyo xasuusinta wanaagga.
Waxa uuna Alle uga baryayaa inuu naga aqbalo cibaadadeenna, kana dhigo Ciiddaan mid nabad, barwaaqo iyo farxad ku soo kordhisa dhammaanteen.
Ciid farxad leh dhammaan bahda Jaamacadda Capital iyo ummadda Muslimka ah guud ahaan.
Capital University of Somalia
Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac
22/05/2026
Ugu dambeyn, dooddeenii waxey ku soo idlaatay jawi wanaagsan, anagoo si buuxda isugu fahannay ciwaankii iyo xalalkii ku habboonaa ee laga soo jeediyay.
Waxay ahayd dood miro dhal ah oo ka tarjumeysa wada shaqeyn, is-qadarin iyo rabitaanka horumar.
Mahadsanidiin dhammaan ka soo qeybgalayaasha iyo cid kasta oo kaalin ka qaadatay guusha dooddan.
Midowga Ardayda Jaamacadda Capital ee Marjac
Capital University of Somalia
22/05/2026
Waxaa si guul leh u qabsoontay dood cilmiyeedkii cinwaankiisu ahaa:
Caqabadaha hortaagan shaqo helista ardayda soo qalinjabisa iyo xalalkooda.
Dooddan oo ahayd mid aad u qiimo badan, waxaa ka soo qeyb galay arday, aqoonyahanno iyo marti sharaf kale oo si qoto dheer uga falanqeeyay caqabadaha jira sida:
Khibrad la’aanta ardayda marka ay qalinjabaan
Fursadaha shaqo ee xaddidan
Isku xirnaan la’aanta waxbarashada iyo suuqa shaqada.
Sidoo kale, waxaa la soo jeediyay xalal wax ku ool ah oo ay ka mid yihiin:
✅ In la xoojiyo xirfadaha shaqo (skills)
✅ In la abuuro fursado tababar (internships)
✅ In la dhiirrigeliyo hal-abuurka iyo ganacsiga (entrepreneurship)
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa:
Guddoomiyaha iyo qabanqaabiyeyaasha doodda
Panelists-kii aqoonta qaaliga ah nala wadaagay
Ka soo qeybgalayaashii fikradaha qiimaha leh ku biiriyay
Dooddan waxay ahayd tallaabo muhiim ah oo loo qaaday horumarinta mustaqbalka dhalinyarada.
Mahadsanidiin dhammaan ka soo qeybgalayaasha 🙏
Capital University of Somalia
19/05/2026
DOOD CILMIYEED MUHIIM AH
Waxaa soo agaasimay Xukuumadda 7aad ee MARJAC, oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Mahad Mohamed Mahdi iyo Aniso Salaad Maxamuud, waxaana si gaar ah loogu casuumayaa bahda Capital University ka qeybgalka dood cilmiyeed muhiim ah oo cinwaankeedu yahay:
🎓 “Caqabadaha hortaagan shaqo helista ardayda soo qalinjabisa iyo xalalkooda”
Dooddan waxaa si qoto dheer loogu falanqeyn doonaa dhibaatooyinka dhabta ah ee haysta dhalinyarada iyo fursadaha lagu horumarin karo mustaqbalkooda shaqo.
🎤 Waxaa hoggaaminaya khubaro aqoon sare leh:
• Prof: Abas Omar Hassan
• Eng: Mus’ab Abdirahman Ahmed
• Prof: Ahmed Abdulkadir Ahmed
Taariikh: 22 May 2026
⏰ Waqti: 03:30
Goobta: Xarunta weyn ee Capital University
Waa fursad qaali ah oo aan la seegin si aad uga faa’iideysato aqoon, uga qeyb qaadato dood wax dhiseysa, isla markaana aad uga mid noqoto xal u helidda caqabadaha shaqo la’aanta dhalinyarada.