Abas Ali Dakane

Abas Ali Dakane

Share

E learning

24/11/2023

Aabbe, haddaad doonayso in gabadhaadu barato qiimaha nafteeda, oo berri marka ay waynaato aanay u jilcin ama jalleecin nin kaata oo aan qiimaheeda garanayn, maanta hooyadeed qiimee. Madaxa ka dhunko iyada iyo hooyadeedba oo dareensii jacayl, muhiimad iyo ihtimaam. Gabadhu, waxa ay qiimaheeda ka barataa sida uu aabbeheed iyada iyo hooyadeed ula dhaqmo.

Hooyo, haddaad doonayso in wiilkaagu berri marka uu waynaado uu yeesho karti iyo raganimo, oo aanu ragga ficiisa ah madaxa u foorarin, maanta aabihii ixtiraam, qaddari, oo wiilashiisa hortooda haku odhan hadal qabkiisa iyo qofnimadiisa dhaawaca. Waayo, aabbuhu hadduu qaddarin la’aan iyo hoosayn la noolaado, wiilkiisuna taasuu hadhow qaayibaa.

— Mubarak Hadi

23/11/2023

100% Its really

02/04/2022
Want your school to be the top-listed School/college in Muqdisho?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address

Muqdisho
Muqdisho