Mara Yare show

Mara Yare show

Share

Mara Yare Show waa barnaamij ka hadla
diinta, nolosha, horumarinta nafta,iyo
wacyigelinta bulshada. "Hadii aad rabto daganaan
baro ismooganeysiinta''.

17/08/2026

Jaalle Waad Weynaatay!

1: Waad weynaatay ee weynee hayntaada maskaxeed iyo maaliyadeed. Quruxda caqligu waa aqoonta, quruxda noloshuna waa hantida. Dhadhan male garaad aan la sheekaysan karin kuwa culus, kana sheekayn karin waxa culus! Aqoontu waa qaayo u yeelidda nolosha. Hayntu waa quruxda ragannimada, noloshu iskeed waa u walax la qurxin karo lana qaxareyn karo. Hantidu waxa nolosha qurxiya waa ka kow! Noloshu macne iyo macaan bay leedahay markaad maan ahaan iyo maal ahaanba lagu soo bidi karo. Aqoontaada ballaadhi, jeebkaagana cayili waad u qalantaa labadabee.

2: Waad weynaatay ee weynee dareenkaaga aadami. Dadka akhlaaq san kula dhaqan, anshaxaagana kobci. Noloshaada boos uga bannee caawinta dadka kana mid noqo samaan falayaasha dhulka ku kor socda. Ka tabaalaysan la tiiraanyaw ka la dulmiyayna la dirir. Nelson Maandeela wuxuu yidhi xor ma aha qofka qof hortiisa lagu bahdilo ee aan ihaano dareemin. Cid ha xumeyn, hana ogolaan in qof hortaada lagu xumeeyo. Dadku waa isku aadan’e aadanuhuna waa isku dareemo. Dareenka qofku waa casiis, sharafta qofkuna waa nolol.

3: Waad weynaatay ee qoyskaaga la weynow. Laba dhexdaa loogu jiraa. Tolkaa iyo kabtaada. Qoyskuna wuu kasii xag-jiraa. Suurto-gal ma aha in’aad ka dan duwanaato qoyskaaga. Iyaga kamid noqo, dartoodna u noolow. Kolkaad fekerayso ku dhex feker danaha caa’iladdaada. Waalidkaa, walaalkaa iyo waladkaa waa dantaada ma aha dan cid kale. Xilliyadan qoysasku kala irdhoobayaan waa kolkaad ugu baahi badan tahay in’aad adkeyso dunta qoysnimo. Dhib kasta oo koonka ka dhacda waa laga gudbi karaa lana illaawi karaa se dhibaato qoyseed waa riiq aan illow lahayn. Mas’uuliyiin noqda.

4: Waad weynaatay ee ragannimadaada weynee. Ka gudub in’aad weli ku dhex cararayso jawigii dhalinyarnimo noloshaadana usoo jeeso. Iska awd albaabada shahwo la ciyaarka, U xadhka xidho dhisidda mustaqbalkaaga. Mustaqbalka waxa lumiya han la’aanta iyo macaasi ku hoobadka. Gayaanka kuu dhigma dhiggaa ka xulo kadib u noolow sida ragga. Quruxda xidhiidhadu waa daacadnimada, dhammeystiranka ragannimaduna waa dhawrsashada. Ducooyinkii xabiibku Eebbe weydiisan jiray waxa kamida Allow waxaan ku weydiisanayaa hanuun, cabsi iyo dhowrsasho.

5: Waad weynaatay ee ugu danbayn cibaadadaada weynee. Dariiqa guushu waa saddex is weheshada. Dedaal, duco iyo dantaada oo aad ku adkaatid. Diintu waxay inna bartay kolka aan kufno in’aan jilba jabsanno oo sujuudno Salaatul Xaajana tukanno, isla sidoo kale kolka aan guuleysanno in’aan jilba jabsanno oo Sujuud Shukri la nimaadno. Maxaa ka dhameystiran diintan?! Dareennada noocan ah Alle wey raalli-geliyaan addoonkana wey u hiiliyaan. Salaadaha ilaali, soonka wehesho, dikriga xooji. Ducada hala badiyo jannadu wey inna wada qaadaysaay’e.
Qoraa Dr ibrahim mohamed A Arab

Abdimalik Osman Ali

23/07/2026

Wax Is Bariddu Iyo Maanta.
(Self Education)

Imaad tahay qof goob waxbarasho xaadiray kuuma dammaanad qaadeyso inaad aqoon yahan noqon doontid.

Balse taa baddalkeeda maanta wax is barrida ayaa ka muddan jamacadaha.

"Aadunuhu wuxuu aadane kale kaga sarreeyaa waa baritaanka xaqiiqada".
Dr Mustafe Maxamuud.

20/07/2026

ADMIGU 2 MARBA WAA INDHOOLE.

20/07/2026

Dhaqanka Qofka Talada Bixinaaya.

19/07/2026

Gabadha Computer sameyay iyo Mida caruur dhashay teebaa bulshada u fiican.

15/07/2026

Xikmadihii Ali Izetbegović

1: Waxaan ahay Muslim weligeyna waan ahaan.

2: Islaamku wuxuu iiyahay shey kale, micna kale, ma'ahan magac kaliya ee waa wax walboo khery ah.

3: Islaamka waa micnaha Rajada iyo jiritaanka dhabta wax walboo wanagsan,
Wax walboo u wanagsan ummadan muslimka ah.

3: qofka muslimka 2 arrimood oo aan mid saddexaad laheyn ayaa horyaala:
1: In uu caalamka baddelo.
2: iyo inuu isku dhiibo is bedelka inaad madaxa u dhiiwato quwadaha kale.
Ma ahan arinkaan arin ku Haboon qofka muslimka.

4: ma awoodin in aan hadlo lkn waxaan awooday in aan fikiro waxaana go'aansaday in qoddobkaas fikirka ah aan ka faaideysto Inta aan jeclahay.

AUN Ali Izetbegović

19/04/2026

Abwaan Hadraawi AUN.

Markay dani meeday tidhi
Maxaan talo meel ka deyey,

Markaay dani maaha tidhi
Weydiiyey qof meel ka deyey,

Markay dani maaha tidhi
Ku laabtay halkii aan ka deyey,

Markay dani maaha tidhi,
Ka sii deyey meel la deyey.

Maxay dooqnimo tidhi
Ruuxaan jirin raad ku doon,

Intaan isku duubay been
Ka buuxsaday labada dacal
Maxay runi daadi tidhi..

29/03/2026

Dr Mustafa Mohamuud AUN
Qaar kamida xigmadihiisa.

1: Aadamuhu wuxuu aadama kale kaga sareyaa
Waa baritaanka xaqiiqada.

2: Dhalinyarada Hadii aysan noloshooda dhisan
Kuwa kale ayaa ku qasbaya qaadashada noloshii
Ay sameysteen.

3:Dadku wey is badel badanyihiin
Ee qimahaaga haka dhex raadin wejiyada
Dadka.

4: Aadamuhu wuxuu aadam ku noqdaa
Iska caabinta waxa uu jecleysto,
Iyo xamelista waxaa uu necebyahay.

5: Waxa kaliya ee aad diin ku yeelan kartaa waa aqoon oo ilahey jahilnimo laguma caabudo.

28/03/2026

Waan ku salamay Saxib.

Ha umaleynin in iswayidu iyo kala taga
Uu sahalo yahay.
Hadii aad dhayal u heysatidna
Sanadkii ay khadiija dhimatay
Looma bixiyeen sanadkii murugada.

26/03/2026

Ilaasho jiritaankaada.

Aqoonsiga ugu weyn oo aan leenahay waa afkeena hooyo.
Umaduhu waxa jiritaanadooda ka qeyb qaata
Waa sida ay u dhowrtaan dhaqankooda,
Iyo afkooda.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Mogadishu