25/02/2026
Faculty of Engineering - Somali National University
Official page of the SNU Engineering Faculty.
Updates on academic programs, admissions, research, faculty and student activities, events, workshops, and opportunities.
25/02/2026
24/02/2026
📢 BANDHIG AQOONEED MUHIIM AH – KULLIYADDA INJINEERINKA JAMACADDA UMMADDA SOOMAALIYEED
Kulliyadda Engineering & Architecture ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay si sharaf leh idiinku martiqaadaysaa bandhig aqooneed heer sare ah oo ku saabsan:
“Career Opportunities in the Architecture & Engineering Market in Somalia”
Bandhigga waxa ka qaybgalaya khubaro waaweyn oo leh waayo-aragnimo ka badan 40 sano, kuwaas oo ka imanaya jaamacado, hay’ado xirfadeed iyo shirkado dhisme oo waaweyn. Waxay la wadaagi doonaan ka-qaybgalayaasha:
▪︎ Fursadaha shaqo ee ka jira suuqyada Architecture & Engineering ee Soomaaliya
▪︎ Sida ardaydu ugu diyaargaroobi karaan suuqa shaqada
▪︎ Khibrado dhab ah iyo talooyin wax ku ool ah
▪︎ Doorka jaamacadaha, xirfadda, iyo anshaxa shaqo ee guusha mustaqbalka
📍 Goobta:
Masraxa Prof. Sharif Salah – Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
📅 Taariikhda:
Arbaco, 25 Febraayo 2026
⏰ Waqtiga:
9:30 subaxnimo – 3:00 galabnimo
Bandhiggan ma aha oo kaliya kulan aqooneed, balse waa madal is-dhexgal, talo wadaag, iyo dhiirrigelin oo u dhexeeya aqoonyahannada, ardayda iyo waalidiinta. Waxa uu door weyn ka qaadanayaa fahamka mustaqbalka xirfadaha Engineering & Architecture ee dalka.
👉 Waxaan si gaar ah u casumeynaa dhammaan macallimiinta, aqoonyahannada, waalidiinta iyo ardayda inay ka soo qayb galaan, kana faa’iideystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada ay soo bandhigi doonaan martida sharafta leh.
📌 Ka-qaybgalka waa furan yahay – soo dhawoow!
Fadlan la wadaag qoraalkan si ay u gaadho cid kasta oo ay quseyso.
Maamulka Kulliyadda Engineering & Architecture
Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
17/02/2026
Ramadaan Mubaarak
Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynaynaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.
Ilaahay ha inaga yeelo kuwa ku sooma caafimaad iyo cibaado suuban, kana aqbalo soonka, salaadda iyo acmaasha wanaagsan.
Faculty of Engineering Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed
26/01/2026
📢 Ogeysiis Seminar Aqooneed – Kuliyadda Engineering
Kuliyadda Engineering ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardayda in la qabanayo seminar aqooneed muhiim ah oo cinwaankiisu yahay:
🎓 “Maxay yihiin waxyaabaha laga rabo inuu barto qofka raba inuu noqdo Engineer guuleysta?”
Jeediyaha Seminar-ka:
Prof. Cabdiwali Khalif
▪ Construction Project Manager
▪ CEO – Sheer Xirfad
📅 Taariikh: Sabti, 31 January 2026
⏰ Waqti: 8:30 Habeennimo
📍 Goobta: Online (Google Meet)
📌 Seminar-kani wuxuu diiradda saarayaa xirfadaha, aqoonta iyo fahamka muhiimka u ah ardayda iyo dhalinyarada doonaysa inay mustaqbal guul leh ka gaaraan Engineering-ka.
👉 Si aad uga mid noqoto ka-qeybgalayaasha, ku biir link-gan:
🔗 https://chat.whatsapp.com/IVYpRI40iSCFI2NBckbNoU
Mahadsanidiin.
21/01/2026
Ardayda dufcadda 6aad ee Kulliyadda Injineeriyada, gaar ahaan Qeybta Naqshadeynta (Architecture), ayaa si rasmi ah usoo bandhigay una difaacday mashaariicda k**a dambaysta ah ee semester-ka (Final Projects).
Mashaariicdan waxay diiradda saarayeen Qorsheynta Magaalooyinka (Urban Planning), iyadoo ardaydu soo bandhigeen naqshado casri ah iyo hal-abuur cusub. Sidoo kale, waxay si qoto dheer u falanqeeyeen aragtiyadooda la xiriira qaabeynta dhulka, kaabayaasha muhiimka ah, bilicda magaalooyinka, iyo adeegyada bulshada, si loo helo qorsheyaal waxtar leh oo la jaanqaadaya baahiyaha casriga ah.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu