25/04/2026
Daqiiqadihii adkaa !
Waxay ahayd dhacdo si lama filaan ah ku timid, xilli aay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku jirtay dagaal diblumaasiyadeed December 2025. War deg-deg ah ayaa soo dhacay, waxaana lagu sheegay in dalka Lesotho uu ku dhow yahay inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland. Arrintu ma ahayn mid cusub oo hal maalin ku timid, balse waxay ahayd qorshe muddo dheer si qarsoodi ah looga soo shaqeynayay, xitaa Baarlamaanka ayaa doonayay in uu ansixiyo si loogu dhawaaqo aqoonsi dhamaystiran.
Dowladu wax xiriir ah lama lahan Lesotho mana jirto wado loo maro.
Daqiiqadahaas dambe, waxaa bilowday jahawareer iyo walwal. Lama hayn cid si toos ah xiriir loola sameeyo, mana jirin waddo deg-deg ah oo lagu joojin karo go’aankaas. Waxay u muuqatay in wax walba aay faraha ka sii baxayaan.
Markaas ayaa la xusuustay safiir Abuukar Daahir Osman Baalle. Isaga ayaa la wacay, xaaladdana si kooban ayaa loogu sharaxay. Wuxuu si deggan u sheegay hal arrin oo rajo dhalisay, “Wasiirka arrimaha dibadda Lesotho waan garanayaa, waxaan isla joogay United Nations sanadihii 2017 ilaa 2020… laakiin hadda xiriirkiisa ma hayo.”
Waxay ahayd fursad yar oo la isku haleyn karo. Baalle ma uusan lumin waqti. Wuxuu bilaabay raadinta, xiriir kasta oo suurtagal ah ayuu maray, ilaa ugu dambeyn uu helay khadkii uu ku gaari lahaa wasiirka arrimaha dibada Lesotho, Lejone Mpotjoane.
Markii uu wicitaanku dhacay, hadalka si toos ah ayuu u galay. Wasiirku si daacad ah ayuu u sheegay inuusan si qoto dheer u aqoon Soomaaliya iyo Somaliland, balse go’aanka aay qaateen uu salka ku hayo dhaqaale aay ka heleen Somaliland. Waxay u ahayd arrin dano ku dhisan, ma ahayn faham siyaasadeed oo qoto dheer.
Hadal dheer iyo sharaxaad kadib, Baalle wuxuu ku guuleystay inuu muujiyo xasaasiyadda arrinta iyo cawaaqibta aay keeni karto. Wadahadalku ma uusan fududayn, balse ugu dambeyn wuxuu dhalay natiijo.
Lesotho waxay dib uga laabatay qorshihii aqoonsiga.
Dhacdadan waxay noqotay tusaale cad oo muujinaya sida hal xiriir, hal qof, iyo waqti kooban aay u beddeli karaan jihada go’aan caalami ah.