Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya Mudane Mohamed Abdullaahi Farmaajo , " MW Sheikh Shariif Waa Ku Mahadsanyahy inuu Ra'iisul Wasaare ii Magacaabay , Xilli aay dadku ku Lahaayeen ninkaan Waa qurbo ku nool , Siyaasadda Soomaaliya Waxba ka garan Maayo " .
National Vision Media .
Bogga rasmiga ah ee Warbaahinta Aragti Qaran / The Official Page of National Vision Media .
Madaxweyne h**e Mohamed Abdullahi Farmaajo " Waxaa noqday qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo u tartama Xafiis Siyaasadeed dalka Mareynkanka "
26/04/2026
Maamul Goboleedka Somaliland ayaa sheegay inuu qabtay hub culus oo dawlado waaweyni soo dhiibeen, halka shaqsiyaadkii sidayna qaarkood la hayo, kuwo kalena aay baxsadeen.
Maamulka ayaa sheegay in la soo bandhigi doono nooca hubka, dawladaha ku lugta leh iyo cidda dalka soo gelisayba.
26/04/2026
Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in go’aanka iscasilaaddiisa uu qaatay kadib markii uu tixgeliyay caqabadaha iyo ismariwaaga siyaasadeed ee adag ee dalka ka jira, kuwaas oo uu sheegay inay horseedi karaan xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid amni.
25/04/2026
Daqiiqadihii adkaa !
Waxay ahayd dhacdo si lama filaan ah ku timid, xilli aay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku jirtay dagaal diblumaasiyadeed December 2025. War deg-deg ah ayaa soo dhacay, waxaana lagu sheegay in dalka Lesotho uu ku dhow yahay inuu si rasmi ah u aqoonsado Somaliland. Arrintu ma ahayn mid cusub oo hal maalin ku timid, balse waxay ahayd qorshe muddo dheer si qarsoodi ah looga soo shaqeynayay, xitaa Baarlamaanka ayaa doonayay in uu ansixiyo si loogu dhawaaqo aqoonsi dhamaystiran.
Dowladu wax xiriir ah lama lahan Lesotho mana jirto wado loo maro.
Daqiiqadahaas dambe, waxaa bilowday jahawareer iyo walwal. Lama hayn cid si toos ah xiriir loola sameeyo, mana jirin waddo deg-deg ah oo lagu joojin karo go’aankaas. Waxay u muuqatay in wax walba aay faraha ka sii baxayaan.
Markaas ayaa la xusuustay safiir Abuukar Daahir Osman Baalle. Isaga ayaa la wacay, xaaladdana si kooban ayaa loogu sharaxay. Wuxuu si deggan u sheegay hal arrin oo rajo dhalisay, “Wasiirka arrimaha dibadda Lesotho waan garanayaa, waxaan isla joogay United Nations sanadihii 2017 ilaa 2020… laakiin hadda xiriirkiisa ma hayo.”
Waxay ahayd fursad yar oo la isku haleyn karo. Baalle ma uusan lumin waqti. Wuxuu bilaabay raadinta, xiriir kasta oo suurtagal ah ayuu maray, ilaa ugu dambeyn uu helay khadkii uu ku gaari lahaa wasiirka arrimaha dibada Lesotho, Lejone Mpotjoane.
Markii uu wicitaanku dhacay, hadalka si toos ah ayuu u galay. Wasiirku si daacad ah ayuu u sheegay inuusan si qoto dheer u aqoon Soomaaliya iyo Somaliland, balse go’aanka aay qaateen uu salka ku hayo dhaqaale aay ka heleen Somaliland. Waxay u ahayd arrin dano ku dhisan, ma ahayn faham siyaasadeed oo qoto dheer.
Hadal dheer iyo sharaxaad kadib, Baalle wuxuu ku guuleystay inuu muujiyo xasaasiyadda arrinta iyo cawaaqibta aay keeni karto. Wadahadalku ma uusan fududayn, balse ugu dambeyn wuxuu dhalay natiijo.
Lesotho waxay dib uga laabatay qorshihii aqoonsiga.
Dhacdadan waxay noqotay tusaale cad oo muujinaya sida hal xiriir, hal qof, iyo waqti kooban aay u beddeli karaan jihada go’aan caalami ah.
25/04/2026
Madaxweynaha Soomaaliya Dr Hassan Sheikh Mohamud ayaa ku qanciyay Mudane Hussein Sheikh Mohamud inuu noqdo Xoghayaha Guud ee Ururka JSP halka Guddoomiye Aadan Nur Madoobe loo Sharraxay inuu noqdo hoggaamiyaha Maamul goboleedka Koonfur-galbeed .
24/04/2026
Agaasimihii h**e ee NISA Abdullahi Mohamed Ali ( Sanbaloolshe ) ; " Dagaalka dhabta ah Waa 15-ka May kadib , Lama Sheegin Madaxweyne ama Masuul Kale Baydhabo Weeraray Oo Xukunka sii Joogay " .
Ra'iisul Wasaare h**e Hassan Ali Khaire ; " Waxaa Nasiib darro ah , in ciidankii Soomaaliyeed la Siyaasadeeynayo ayidoo loo daabulayo Baydhabo , Jowhar iyo Dhuusamarreeb " .
Muwaadin , Kusoo dhowow Warbaahinta Aragti Qaran .
Warbaahinta Aragti Qaran Waxay diiradda Saareeysaa Siyaasadda Waddamada geeska iyo Tan Caalamka .
Kala Soco Warar sugan .
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu