Somali Deaf School iyo Ramadaan Mubaarak!!!
Somali Deaf School
“Page-kan wuxuu u adeegaa wacyigelinta, waxbarashada, iyo horumarinta bulshada Maqalka La’ ee Soomaaliyeed.”
25/01/2026 Somali Deaf School wuxuu hoosyimaadaa Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare waxay ardayda maqalka la’ u siisay iskuul gaar ah oo si buuxda loogu talagalay waxbarashadooda.
Iskuulkan waxaa ka shaqeeya maamul iyo macallimiin tababaran, kuwaas oo mushaharkooda si rasmi ah uga hela Wasaaradda Waxbarashada, si loo hubiyo tayada iyo joogtaynta waxbarashada carruurta.
Haddaba, waxaan baaq u diraynaa dhammaan waalidiinta ay u joogaan carruurta maqalka la’ in ay keenaan carruurtooda goobaha waxbarashada ee loogu talagalay, si ay u helaan fursad waxbarasho oo dhammaystiran kana caawin doonta mustaqbalkooda.
✅ 𝐖𝐚𝐱𝐛𝐚𝐫𝐚𝐬𝐡𝐚𝐝𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐛𝐢𝐥𝐚𝐚𝐬𝐡 (𝐥𝐚𝐜𝐚𝐠 𝐥𝐚’𝐚𝐚𝐧).
🎓 Fursaddan ha laga faa’iideysto si carruurteennu u helaan nolol ka wanaagsan tan maanta.
Kala xiriir Taleefonadaan:
𝐊𝐚𝐥𝐚 𝐱𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫 𝐓𝐚𝐥𝐞𝐞𝐟𝐨𝐧𝐚𝐝𝐚𝐚𝐧:
+𝟐𝟓𝟐 𝟔𝟏 𝟓𝟕𝟏𝟓𝟕𝟗𝟑 𝐗𝐚𝐦𝐝𝐢 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐮𝐮𝐝
+𝟐𝟓𝟐 𝟔𝟏𝟐𝟑𝟒𝟖𝟔𝟗𝟑 𝐀𝐛𝐝𝐢𝐫𝐢𝐳𝐚𝐤 𝐇𝐮𝐬𝐬𝐞𝐢𝐧 𝐁𝐮𝐮𝐥𝐥𝐞
Alx annaga hadaan nahay ardayda maqalka la' ee Soomaaliyeed waan faraxsannahay mar haddaan helnay wasiir iyo wasaarad naga warqabto. Mahadsanid Wasiir Faarax
Imtixankii Midterm Exam ahaa oo saakay ka bilawday iskuulka Somali Deaf School
10/01/2026
Farxadda nala qaata!
10/01/2026 booqosho taariikhi ah
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare iyo Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo booqasho taariikhi ah inoogu yimid maanta 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢 𝐃𝐞𝐚𝐟 𝐒𝐜𝐡𝐨𝐨𝐥.
05/01/2026
Hambalyo!
Dugsiga Somali Deaf School ayaa ka mid noqday dugsiyada loo xushay ka-qaybgalka Barnaamijka Wakiillada Dhallinyarada ee Biyaha iyo Cimilada ee ay fulinayso EcoHub Somalia.
Congratulations!
Somali Deaf School is among the schools selected to participate in the Youth Ambassadors for Water and Climate Program implemented by EcoHub Somalia.
Biyo Cabbid
06/12/2025
Alxamdulillaah! Walaalo muxsiniin ah ayaa iskuulka Somali Deaf Schoolku rakibay laba tubo oo ay ardayda maqalka la’ ay ka cabbaan biyo nadiif ah,
Ilaahay ha dhaafo dambigooda, wixii ka baxayna beddel kheyr badan ha ka siiyo. Allaha u barakeeyo maalkooda, waqtigooda iyo ehelkoodaba. Aamiin
Farxadda iyo quruxda ardayda maqalka la' kadib markii ay heleen xuquuq waxbarasho oo lacag la 'aan ah Somali Deaf School guul Insha Allah
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu
15/12/2025