15/08/2026
SATI oo Ka Qaybgalay Somali Youth Skilling Conference 2026
Machadka Somali Assistive Technology Institute (SATI) ayaa ka mid ahaa ka qaybgalayaasha Somali Youth Skilling Conference 2026, oo lagu xusayay Maalinta Dhallinyarada Adduunka, laguna qabtay Muqdisho.
Munaasabadda waxaa soo qabanqaabiyay Somali Non-State Actors (SONSA), Mogadishu Youth Peace Club, iyo Somali Diaspora Support (SDS), iyadoo diiradda lagu saarayay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee nabadda, horumarka, hal-abuurka iyo horumarinta xirfadaha.
SATI waxaa munaasabadda uga qaybgalay:
Maamulaha Machadka,
Madaxa Arrimaha Dibadda ee Machadka iyo Madaxa Waxbarashada ee Machadka
Maamulaha Machadka SATI, Ustaad Cabdikariim Daahir, ayaa ka mid ahaa masuuliyiintii lagu casuumay Panel 2, oo cinwaankiisu ahaa:
“Awood-siinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee Nabadda iyo Horumarka iyada oo loo marayo Hal-abuurka, Horumarinta Xirfadaha, iyo Soo-saaridda Xalalka.”
Intii uu panelka ka hadlayay, Ustaad Cabdikariim Daahir wuxuu si gaar ah u matalayay dhallinyarada baahiyaha gaarka ah qaba, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in dhallinyarada naafada ah, loo abuuro fursado loo siman yahay oo dhinacyada waxbarashada, xirfadaha, tiknoolajiyadda, hal-abuurka iyo shaqo-abuurka ah.
SATI waxay aaminsan tahay in dhalinyaro kasta, iyadoo aan loo eegin caqabadaha uu wajahayo, uu leeyahay awood uu kaga qaybqaato nabadda, horumarka iyo dhismaha mustaqbalka Soomaaliya.
07/08/2026
SATI OO KA QAYBGALAY DAH-FURKA GARAD AI
Somali Assistive Technology Institute (SATI) ayaa xalay ka mid ahaa ka qaybgalayaashii munaasabaddii rasmiga ahayd ee daah-furka Garad AI, oo ah madal casri ah oo ku dhisan Garaad Gacmeedka (Artificial Intelligence), looguna talagalay in ay dadka, ganacsiyada iyo hay’adaha ka caawiso hal abuurka, waxbarashada iyo kobcinta adeegyada dijitaalka ah.
Munaasabadda oo lagu qabtay Jazeera Hotel, Muqdisho, waxaa ka qaybgalay masuuliyiin dowladeed, khubaro, hal-abuurayaal, hay’ado iyo daneeyayaal ka shaqeeya tiknoolajiyadda, AI iyo isbeddelka dijitaalka ah.
SATI waxaa munaasabadda ku matalayay Agaasimaha Machadka iyo Madaxa Xiriirka Dibadda, iyagoo qayb ka ahaa madasha lagu soo bandhigayay awoodaha iyo fursadaha uu Garad AI u leeyahay mustaqbalka waxbarashada, shaqada, hal-abuurka iyo isbeddelka dijitaalka ah.
SATI waxay aaminsan tahay in horumarka AI uu abuuri karo fursado waaweyn oo lagu horumarinayo helitaanka tiknoolajiyadda, waxbarashada loo siman yahay iyo xalalka tiknoolajiyadeed ee dadka naafada ah, gaar ahaan dadka qaba naafada aragga.
Munaasabaddan waxay sidoo kale ahayd fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha ka shaqeeya tiknoolajiyadda, AI iyo horumarinta bulshada.
👏 SATI waxay hambalyo u diraysaa Arkaan AI Center iyo dhammaan bahda Garad AI, iyadoo rajaynaysa in Garad AI uu noqdo madal horseed u noqota hal-abuurka iyo horumarinta adeegyada AI ee Soomaaliya.
Garad AI – Shaping the Future.
SATI – Technology for Inclusion.
02/08/2026
🎉 SAFARKA AQOONTU WUU SII SOCDAA! 💻📚
Waxaa farxad weyn noo ah inaan ku dhawaaqno in caawa si rasmi ah u bilaabatay dufcaddii labaad ee koorsada Fundamentals of Computer, taas oo ah dufcaddii labaad ee SATI tan iyo markii uu machadku helay aqoonsigiisa rasmiga ah.
🖥️ Xiisadaha koorsadani waxay ku baxayaan online, si ay uga faa’iideystaan ardayda meel kasta oo ay joogaan.
Koorsada Fundamentals of Computer waa koorso dhammaystiran oo ka kooban maaddooyin kala duwan oo lagu baranayo aasaaska computer-ka. Basic Windows 11 waa maaddadii ugu horreysay ee koorsadan, waana mid ka mid ah maaddooyinka muhiimka ah ee ay ka kooban tahay. Casharkan wuxuu socon doonaa dhowr isbuuc, isagoo ardayda siinaya faham qoto dheer oo ku saabsan adeegsiga Windows 11 iyo xirfadaha aasaasiga ah ee computer-ka.
Waxaan si diirran u soo dhoweynay 21 arday oo cusub, kuwaas oo isugu jira:
👨🎓 18 Wiil
👩🎓 3 Gabdhood
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda dadaal, guul iyo horumar joogto ah inta ay ku guda jiraan waxbarashadooda.
SATI waxaa ka go’an inuu sii wado bixinta waxbarasho tayo leh iyo kobcinta xirfadaha bulshada aragga la’a ee Soomaaliyeed.
Ku soo dhowaada qoyska SATI! Waxaan idiin rajaynaynaa bilow wanaagsan iyo guulo waaweyn.
SATI – Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’a ee Soomaaliyeed.
23/07/2026
Waxaa maanta si rasmi ah u soo dhammaaday tababarkii Digital Skills and Artificial Intelligence (AI) ee uu soo qaban-qaabiyay Machadka Somali Assistive Technology Institute (SATI), kaas oo muddo laba maalmood ah ka socday xarunta SIMAD University – Town Campus.
Tababarkan ayaa shallay iyo maanta waxaa diiradda lagu saaray kobcinta aqoonta dijitaalka ah, fahamka iyo adeegsiga Garaad-gacmeedka (AI), iyo sidii ka qeybgalayaasha loogu qalabeyn lahaa xirfado casri ah oo ka caawinaya waxbarashada, shaqada iyo la jaanqaadidda isbeddellada tiknoolajiyadda maanta.
Mudadii uu tababarku socday, ka qeybgalayaashu waxa ay barteen xirfado la xiriira adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah, fahamka awoodda Garaad-gacmeedka (AI), iyo ka faa’iideysiga fursadaha ay tiknoolajiyaddu u abuureyso waxbarashada, shaqada iyo horumarka shakhsiga.
Maalintii labaad ee tababarka ayaa si gaar ah loogu asteeyay Digital Skills, iyadoo ka qeybgalayaasha lagu tababaray xirfadaha aasaasiga ah ee dijitaalka, adeegsiga qalabka casriga ah, iyo sidii ay xirfadahan ugu adeegsan lahaayeen waxbarashada, shaqada iyo la jaanqaadidda isbeddellada tiknoolajiyadda casriga ah.
Tababarkan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee SATI uu ku horumarinayo xirfadaha tiknoolajiyadda ee bulshada, gaar ahaan dadka aragga la’, si loo abuuro fursado waxbarasho, shaqo iyo horumarineed oo la jaanqaadaya dunida casriga ah.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Machadka SATI, Mudane Cabdikariim Daahir, oo soo xiray tababarka, ayaa ku bogaadiyay ka qeybgalayaasha dadaalkii iyo sida ay uga faa'iideysteen labada maalmood ee tababarka. Waxa uu xusuusiyay ka qeybgalayaasha in tababarkan uu yahay tallaabo ka mid ah waddada dheer ee loo maro barashada iyo horumarinta tiknoolajiyadda si loola jaanqaado isbeddellada degdegga ah ee dunida casriga ah.
Agaasimuhu waxa uu ku dhiirrigeliyay ka qeybgalayaasha, gaar ahaan bulshada aragga la', in ay si buuxda uga faa'iideystaan aqoonta iyo waayo-aragnimada ay ka heleen tababarka, isla markaana ay sii xoojiyaan barashada xirfadaha dijitaalka iyo Garaad-gacmeedka (AI), si ay u noqdaan dhalinyaro aqoon iyo hal-abuur ku hubeysan oo ka qeyb qaadata horumarka bulshada.
Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay in Machadka SATI uu sii wadi doono qabashada tababarro iyo barnaamijyo lagu horumarinayo xirfadaha tiknoolajiyadda, si bulshada aragga la' ay u helaan fursado waxbarasho, shaqo iyo horumarineed oo la jaanqaadaya dunida casriga ah.
Gabagabadii munaasabadda, waxaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyay ka qeybgalayaashii si guul leh u soo dhammaystay tababarka, iyada oo lagu bogaadiyay dadaalkooda iyo sida ay uga faa'iideysteen casharradii iyo tababarradii la bixiyay.
Hayaanka Sati ee ku aadan aqoon wadaagga waxa uu daaran yahay in tiknoolajiyada laga dhigo mid fudud, la heli karo isla markaana loo wada simman yahay bedelkii ay ka ahaan laheyd mid adag, xadidan isla markaana caqabad ku noqota horumarka iyo waxbarashada…
SATI – Tiknoolajiyad Aan Xuduud Lahayn.
: Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’ ee Soomaaliyeed…
22/07/2026
Tababarka barashada Xirfadaha Dijitaalka iyo Garaad-gacmeedka (AI) ayaa maanta si rasmi ah uga billowday xarunta SIMAD University – Town Campus, iyadoo uu soo qaban-qaabiyay Machadka Somali Assistive Technology Institute (SATI)kaas oo socon doono muddo laba maalmood ah
Tababarkan ayaa ka-qeyb-galayaasha lagu bari doonaa xirfadaha aasaasiga ah ee dijitaalka, adeegsiga qalabka casriga ah, fahamka iyo ka faa’iidaysiga Garaad-gacmeedka (AI), iyo sida teknoolajiyadda casriga ah loogu adeegsan karo waxbarashada, shaqada iyo horumarinta xirfadaha qofka.
Maalintii koowaad ee tababarka ayaa diiradda lagu saaray casharrada aasaasiga ah (Theory), iyadoo ka qeybgalayaasha la baray fikradaha aasaasiga ah ee xirfadaha dijitaalka iyo Garaad-gacmeedka (AI), muhiimadda ay u leeyihiin dunida maanta, iyo sida loogu adeegsan karo waxbarashada, shaqada iyo xalinta caqabadaha nolol maalmeedka. Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay fursadaha ay teknoolajiyadda casriga ahi u abuuri karto bulshada, gaar ahaan dadka aragga la’, si ay u horumariyaan aqoontooda una kordhiyaan fursadahooda mustaqbalka.
Agaasime Ku-xigeenka Machadka SATI, Isra Axmed Geeddi, oo si rasmi ah u daah-furtay tababarka, ayaa carrabka ku adkaysay muhiimadda ay leedahay kobcinta xirfadaha dijitaalka iyo barashada Garaad-gacmeedka (AI), gaar ahaan xilligan oo dunidu si xawaare leh ugu socoto isbeddellada tiknoolajiyadda. Waxay tilmaantay in aqoonta dijitaalka ahi ay tahay furaha helitaanka fursado cusub oo waxbarasho, shaqo iyo horumarineed, isla markaana ay muhiim u tahay in bulshada, gaar ahaan dadka aragga la’, loo diyaariyo xirfadaha ay kaga qeyb qaadan karaan horumarka casriga ah.
Sidoo kale, Madaxa Tababarada iyo Cilmi-baarista ee SATI, Maxamed Nuur Cali, ayaa ka hadlay doorka ay tababarada noocan ah ku leeyihiin sare u qaadista aqoonta iyo awoodda bulshada, isaga oo xusay in SATI uu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa fursado waxbarasho oo la jaanqaadaya tiknoolajiyadda casriga ah. Waxa uu sheegay in tababarkan uu qeyb ka yahay dadaallada machadka ee lagu horumarinayo xirfadaha dijitaalka, kobcinta hal-abuurka iyo diyaarinta dhalinyaro awood u leh in ay ka faa’iideystaan fursadaha ay bixiso tiknoolajiyadda.
Casharrada tababarka waxaa hab fogaan-arag ah (online) u bixinayay Mudane Axmed Calasow, kuwaas oo ku saabsanaa Xirfadaha Dijitaalka (Digital Skills) iyo Garaad-gacmeedka (Artificial Intelligence - AI). Intii uu tababarku socday, waxa uu ka qeybgalayaasha la wadaagay aqoon, waayo-aragnimo iyo faham ku saabsan adeegsiga teknoolajiyadda casriga ah, awoodda iyo fursadaha uu Garaad-gacmeedku leeyahay, iyo sida xirfadahan loogu adeegsan karo horumarinta aqoonta, shaqada iyo dhisidda mustaqbal ku saleysan tiknoolajiyad iyo hal-abuur.
Hayaanka Sati ee ku aadan aqoon wadaagga waxa uu daaran yahay in tiknoolajiyada laga dhigo mid fudud, la heli karo isla markaana loo wada simman yahay bedelkii ay ka ahaan laheyd mid adag, xadidan isla markaana caqabad ku noqota horumarka iyo waxbarashada…
SATI – Tiknoolajiyad Aan Xuduud Lahayn
: Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’ ee Soomaaliyeed…
19/07/2026
📢 ISDIIWAANGELINTA TABABARKA XIRFADAHA DIJITAALKA & GARAAD-GACMEEDKA (AI)
Machadka Somali Assistive Technology Institute (SATI) ee Barashada Tiknoolajiyadda Casriga ah ee Dadka Aragga la’ ayaa ku faraxsan inuu ku dhawaaqo furitaanka isdiiwaangelinta:
💻 Digital Skills and Artificial Intelligence (AI) Training
Tababarka Xirfadaha Dijitaalka iyo Garaad-gacmeedka (AI)
Ma rabtaa inaad barato xirfadaha casriga ah ee maanta dunidu ku shaqeyso? 🌍🤖
Kaalay oo baro xirfado kaa caawinaya:
✅ Horumarinta aqoontaada dijitaalka ah
🤖 Fahamka iyo adeegsiga Garaad-gacmeedka (AI)
📈 Kobcinta fursadaha waxbarasho iyo shaqo
🚀 U diyaargarowga mustaqbalka tiknoolajiyadda
📍 Goobta: Simad University – Town Campus
📅 Taariikhda: 22–23 July
⚠️ Fiiro gaar ah: Isdiiwaangelintu waa xaddidan tahay, waxaana la aqbali doonaa oo keliya tirada boosaska la heli karo.
📝 Isdiiwaangeli hadda adigoo buuxinaya foomkan:
🔗 https://forms.gle/C6dvk7L8dd9yNzBQA
.
01/07/2026
📢 FURSAD QAALI AH OO LOOGU TALAGALAY DADKA ARAG-LA’A 📢 🎓;
Ma doonaysaa inaad barato Computer-ka iyo Tiknoolajiyadda Casriga ah si ay kuugu horseedaan aqoon, xirfad iyo fursado cusub?
Machadka Somali Assistive Technology Institute (SATI) ee Barashada Tiknoolajiyadda Casriga ah ee Dadka Arag-la’a wuxuu ku wargelinayaa dhammaan bahda araga la’ in ay si rasmi ah u bilaabatay diiwaangelinta ardayda cusub.
Koorsadu waxay ku siinaysaa fursad aad ku barato:
💻 Adeegsiga Computer-ka si hufan.
🌐 Tiknoolajiyadda casriga ah iyo qalabka kaabaya dadka arag-la’a.
🎯 Xirfado kor u qaadaya waxbarashada, shaqada iyo isku-filnaanshaha.
📝 Isdiiwaangeli hadda adigoo buuxinaya foomka hoose:
🔗 https://forms.gle/8s3efgsMd88JK5Gx8
⏳ Fiiro gaar ah: Diiwaangelintu waxay ku egtahay 20-ka July 2026, saacadda 11:59 PM.
Wixii faahfaahin ah nagala soo xiriir:
📞 +252 61 6335762
📧 [email protected]
📢 Ha seegin fursaddan.
Fadlan la wadaag fursadan si uu u gaaro dadka arag-la’a ee ka faa’iidaysan kara.
SATI – Kaabaha Tiknoolajiyadda Bulshada Aragga La’a ee Soomaaliyeed.
29/06/2026
Waxaa inoo balan ah: Shirweynaha Somali Content Creators and Digital Economy Conference (SOCCDEC 2026).
Elmi Hassan Mohamud, Head of External Relations Somali Assistive Technology Institute, ayaa ka mid ah martida kaso qeyb gali doontaa shir cilmiyeedka Somali Content Creators and Digital Economy Conference 2026.
Nagala Soo Xariir
Phone: +252 610 550081 ama +252 613 333208
Email: [email protected]
Website: www.soccdec.com