21/09/2025
Warbixin ku saabsan Hayaan Academy
Hayaan Academy waa machad waxbarasho oo bixiyo barashada luuqadaha Ingiriisiga, Soomaaliga iyo maadada xisaabta. Machadkan waxa uu ka howl-galaa degmada Baled Xaawo gaar ahaan gudaha school-ka Kaah Primary and Secondary School.
Hayaan Academy waxa uu shaqeeyaa gelinka dambe iyo habeen fiidka h**e, taasoo u oggolaanaysa ardayda inay helaan fursad waxbarasho oo dabacsan, xilliyada fasaxyada kadib ama ka dib waxbarashada dugsiga caadiga ah.
Machadku wuxuu diiradda saaraa barashada fahamka iyo ku celcelinta, isagoo ka caawinaya ardayda inay si kalsooni leh ugu hadlaan luuqadaha iyo inay xisaabta si fudud u xalliyaan. Sidoo kale, waxa uu jaanis gaar ah u siinayaa ardayda fasalka sideedaad, isagoo ka caawinaya diyaar-garowga imtixaanaadka xisaabta iyo Ingiriisiga si ay u gaaraan natiijooyin wanaagsan.
Wixii fahfaahin ah kala xidhiidh number numberada hoos kaaga muuqda;
+252619370727
+252629370727