π’ BAYAAN RASMI AH | BUMSA CUP 2026
Guddiga Qabanqaabada BUMSA Cup 2026 waxay bulshada Jaamacadda Benadir la wadaagayaan go'aanka soo socda:
Kadib baaritaan iyo xaqiijin ay sameeyeen guddiga tartanka, waxaa la caddeeyay in Batch 25 ay jebiyeen Qodobka 3-aad ee Xeerarka BUMSA Cup 2026, kaas oo dhigaya in koox kasta oo isticmaasha ciyaaryahan aan u qalmin tartanka laga saarayo koobka.
Iyadoo la raacayo xeerarka tartanka, Guddigu wuxuu go'aamiyay:
- In Batch 25 laga saaro tartanka.
- In natiijooyinka Group A dib loogu xisaabiyo si waafaqsan xeerarka tartanka.
Sidaas darteed, jadwalka wareegga bug-baxa wuxuu noqonayaa:
β½ Semi-final
Batch 21 π Batch 23
π Final
Batch 22 ayaa si toos ah ugu soo baxay Final-ka, iyadoo lagu saleeyay habraaca tartanka.
Go'aankan waxaa loo gaaray si loo ilaaliyo caddaaladda, hufnaanta iyo ku dhaqanka xeerarka BUMSA Cup 2026.
Mahadsanidiin.
Guddiga Qabanqaabada BUMSA Cup 2026
Benadir University Medical Student Association BUMSA
BUMSA offer extra curriculum benadir university medical students e.g sports, seminars, help communit
03/08/2026
π NATIIJADA KULANKA 3-AAD EE GROUP A | BUMSA CUP 2026 β½
Maanta waxaa la ciyaaray kulankii 3-aad ee BUMSA Cup 2026, kaas oo dhex maray Batch 22 iyo Batch 23.
Natiijada:
Batch 22 (4) β (2) Batch 23
β½ Gooldhaliyeyaasha
Batch 22:
- Diinsoor (3)
- Maxamed Liibaan (1)
Batch 23:
- Axmed Dhiblaawe (1)
- Maslax (1)
π Hambalyo Batch 22 oo guul muhiim ah gaartay isla markaana xaqiijisay u soo bixitaanka wareegga xiga ee tartanka. Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa Batch 23 dadaalkii iyo tartankii wanaagsan ee ay soo bandhigeen, waxaana u rajaynaynaa guulo mustaqbalka.
BUMSA Cup 2026 β Midnimo β’ Tartan β’ Isdhexgal
02/08/2026
π NATIIJADA KULANKA 2-AAD EE GROUP A | BUMSA CUP 2026 β½
Maanta waxaa la ciyaaray kulankii 2-aad ee Group A, kaas oo dhex maray Batch 22 iyo Batch 25.
Natiijada:
Batch 22 (1) β (2) Batch 25
β½ Goolasha
Batch 25:
- Maxamed Qaasim (2)
Batch 22:
- 1 Gool (Own Goal ay iska dhaliyeen Batch 25)
π¨π₯ Kaadhadhka Ciyaarta
Batch 22
- Cali Gacal β π¨
- Ibraahim Tolka β π¨
- Maxamed Liibaan β π¨
- Axmed AK β π¨π¨π₯
Batch 25
- Shaafici β π¨
- Cabdi Qafar β π¨
- Kamaal β π¨
- Mascuud (Coach) β π¨π₯
π Hambalyo Batch 25 oo soo bandhigay ciyaar wanaagsan kuna guuleystay saddexda dhibcood. Waxaan sidoo kale u rajaynaynaa Batch 22 nasiib wacan iyo guulo kulamada soo socda.
BUMSA Cup 2026 β Midnimo β’ Tartan β’ Isdhexgal
πβ½ NATIIJADA KULANKA 2-AAD EE GROUP B β BUMSA CUP 2026 β½π
Maanta oo ay taariikhdu tahay Axad, 26 July 2026, waxaa la qorsheeyay inuu qabsoomo kulankii 2-aad ee Group B, kaas oo u dhexeeyay Batch 21 iyo Batch 24.
Nasiib darro, Batch 24 ayaa soo daahay waqtigii loo asteeyay ciyaarta muddo 20 daqiiqo ah, sidaas darteed, iyadoo la raacayo xeerarka tartanka, waxaa lagu xukumay forfeit (walkover).
β
Natiijada Rasmiga ah:
Batch 21 (3) β (0) Batch 24 (Forfeit)
Sidaas darteed, Batch 21 ayaa guul ku xaqiijiyay u gudubka wareegga xiga ee BUMSA Cup 2026, halka Batch 24 uu tartanka ku haray.
π Wadarta labada kulan:
Batch 21 (9) β (0) Batch 24
π Hambalyo Batch 21 oo si guul leh ugu soo baxay wareegga xiga. Waxaan sidoo kale u mahadcelineynaa Batch 24 ka qaybqaadashadooda tartanka, waxaana u rajaynaynaa guulo mustaqbalka.
BUMSA Cup 2026 β Isdhexgal, Tartan iyo Midnimo.
22/07/2026
πβ½ BUMSA CUP 2026 OO SI RASMI AH U FURMAY! β½π
Waxa qabsoome Kulankii 2aad tartanka kubbadda cagta ee BUMSA Cup 2026, iyadoo ciyaartii ay dhex martay Batch 23 iyo Batch 25
π₯ Natiijada Ciyaarta Furitaanka:
Batch 23 (2) β (5) Batch 25
β½ Gooldhaliyeyaasha Batch 23:
- Saahid(1)
- ismacil dheere(Own Goal)
β½οΈGooldhaliyaasha Batch 25:
-Mohamed Qaasim(4)
-Mohamed Amiin(1)
π¨ Kaadhadhka Jaallaha ah:
- Batch 23:Maslax,Ahmed Mohamed
- Batch 25:Zakariye,Mohamed qaasim
π Hambalyo Batch 25 oo Ciyaar Qurux Badan soo bandhigen tartanka sanadkan. Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa Batch 23 dadaalkii iyo ciyaartii wanaagsanayd ee ay soo bandhigeen.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan kooxaha ka qaybgalaya tartanka guul iyo tartan hufan oo ku dhisan isdhexgal, walaaltinimo iyo ciyaar wanaag.
BUMSA Cup 2026 β Isdhexgalka Ardayda iyo Horumarinta Isboortiga.
14/07/2026
πβ½ BUMSA CUP 2026 OO SI RASMI AH U FURMAY! β½π
Maanta waxaa si rasmi ah u furmay tartanka kubbadda cagta ee BUMSA Cup 2026, iyadoo ciyaartii furitaanka ay dhex martay Batch 21 iyo Batch 24.
Waxaa munaasabadda furitaanka ka soo qayb galay Hormuudka Kuliyadda Daawada iyo Qalliinka Dr. Cawaale Cabdulaahi iyo Gudoomiyaha Xafiiska Arrimaha Ardayda Abdullahi Adeid , kuwaas oo dhiirrigelin iyo dardaaran qiimo leh la wadaagay ardayda ka qaybgalaysa tartanka.
π₯ Natiijada Ciyaarta Furitaanka:
Batch 21 (6) β (0) Batch 24
β½ Gooldhaliyeyaasha Batch 21:
- Cuzeyr (1)
- Ahmed (1)
- Yaasir (1)
- Khaalid Gele (3)
π¨ Kaadhadhka Jaallaha ah:
- Batch 21: Khaalid iyo Zakariye (2)
- Batch 24: Cadnaan (1)
π Hambalyo Batch 21 oo guul weyn ku furtay tartanka sanadkan. Sidoo kale, waxaan bogaadinaynaa Batch 24 dadaalkii iyo ciyaartii wanaagsanayd ee ay soo bandhigeen.
Waxaan u rajaynaynaa dhammaan kooxaha ka qaybgalaya tartanka guul iyo tartan hufan oo ku dhisan isdhexgal, walaaltinimo iyo ciyaar wanaag.
BUMSA Cup 2026 β Isdhexgalka Ardayda iyo Horumarinta Isboortiga.
13/07/2026
π QORI TUURKII ISKU AADKA BUMSA CUP 2026 OO SI RASMI AH U QABSOOMAY
Waxaa maanta si rasmi ah u qabsoomay qori tuurkii lagu sameynayay isku aadka tartanka kubadda cagta ee BUMSA Cup 2026, kaas oo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday dhammaan 5-ta Batch ee tartanka ka qeyb galaya.
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha BUMSA, Fatxi Xuseen Cali, halka qabanqaabada iyo maamulka qori tuurka ay hormuud ka ahayd Guddoomiyaha Sports-ka BUMSA, Nimco Cabdulqaadir Cabdi.
Kadib qori tuurkii la sameeyay, kooxaha waxaa loo kala saaray sida soo socota:
πΉ Group A
β’ Batch 22
β’ Batch 23
β’ Batch 25
πΉ Group B
β’ Batch 21
β’ Batch 24
BUMSA waxay u rajaynaysaa dhammaan kooxaha ka qeyb galaya tartan xamaasad leh, ciyaar wanaag iyo is dhexgal ardayeed oo miro dhal ah.
β½ BUMSA Cup 2026 ayaa dhawaan si rasmi ah u furmi doona, waxaana la filayaa inuu noqdo tartan ay ku dheehan tahay tartan adag, iskaashi iyo horumarinta xiriirka ardayda caafimaadka ee Jaamacadda Benadir.
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Contact the school
Telephone
Website
Address
[email protected]