A/ Fitaah Binu Sheikh

A/ Fitaah Binu Sheikh I am Ethiopia

Safar salama Asxabay  Godey to Jgjga
09/09/2023

Safar salama Asxabay Godey to Jgjga

View this Snap from Abdi Fetah Sheik Mohamed on Snapchat!

09/10/2021

TAARIIKHDII NABIGA ﷺ QAYBTII 4aad baan qaadanaynaa maantoo jumco ah

GUURKII KHADIIJA

Markuu Rasuulka ﷺ 25 sano gaaray wuxuu guursaday Khadiija bintu Khuweydlad.
Khadiijo waxay ahayd qof maalqabeen ah quruxna leh
Waxayna da'deedu ahay 40 sano.
Ka hor waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay.
Khadiijo maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka siin jirtey faa'iidada. Waxay maqashay Maxammed binu Cabdullahi ﷺ runtiisa, dabeecaddiisa wanaagiisa iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka ahayd oo loogu magac daray loona bixiyey Maxammed Aammiin.

Markaa ayey u yeertay Nabiga ﷺ una soo bandhigtay inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo.
Rasuulku ﷺ wuu ka yeelay oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil u joogey oo la yiraahdo Maysara.

Nabiga ﷺ iyo Maysara waxay xoolihii u qaadeen Shaam halkaa oo uu Nebiga ﷺ ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey isla markaana wuxuu soo gaday wixii Makka looga baahnaa. Faa'iido aad u badan ayuu Nebiga Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka ﷺ

Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu Nebiga ﷺ ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo markay ka aragtay Nebiga ﷺ arrimahaa iyo waxa la midka ah, waxay Rasuulka u soo bandhigtay iney is guursadaan.

Rasuulku ﷺ wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka ﷺ loogu meheriyey Khadiijo.

Khadiijo, oo uu Nebiga ﷺ qabay ilaa uu 50 sano dhaafay, waxay Nebiga ﷺ u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul Qibdhiya.

Waxayna Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi iyo afar gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab, Ruqiyo,
Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii way waynaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada islaameen.

Gabdhahaa sida lookala guursaday commentiga koobaad ka aqriso
Waa jumcee saliga nabiga ﷺ iyo Share ta midna ha dhaafin wll

Waxaa qoray :- Bishaar Maqadin

Voss Tv

12/10/2020
31/08/2020
27/08/2020

Address

Mogadishu

Telephone

+251964028922

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when A/ Fitaah Binu Sheikh posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category