Awood VS sharciyadda.
Codka Garashada
waxbaro, wax ogow, wax bedel.
#Codkagarashada
Federaalku: Xaqiiqo vs Aragti
Yaa dhab ahaan maamula Dowladda?
25/04/2026
People don’t fail because they lack talent.
They fail because they lack consistency.
Dad badan waxay leeyihiin karti.
Laakiin karti keliya ma gaarsiiso meel fog.
Waxa dadka joojiya ma aha awood la’aan—
Waa joogteyn la’aan.
Waxay i bilaabaan hawsha si xoog leh…
Kadibna way daalaan.
Way joojiyaan.
Kadib dib u ayay dhacaan.
Qofka guuleysta ma aha kan ugu kartida badan.
Waa kan aan joojin.
Maalin kasta wax yar samee.
Xitaa marka aadan rabin.
Xitaa marka aysan muuqan natiijo degdeg ah.
Joogteyntu waxay ka adkaan kartaa karti aan la isticmaalin.
Haddii aad rabto inaad gaarto meel sare:
Ha ku tiirsanaan kartidaada keliya.
Ku dar joogteyn ee taasi waa sirta.
25/04/2026
If you want influence,
start by understanding how the world actually works not how you wish it worked.
Dad badan waxay rabaan saameyn.
Laakiin waxay ku nool yihiin sida ee rabaan in dunidu noqoto, ma aha xaqiiqda jirta.
Adduunku ma u shaqeeyo sida aad rabto.
Wuxuu u shaqeeyaa sida uu dhab ahaan u dhisan yahay.
Qofka doonaya saameyn dhab ah:
Wuxuu marka h**e fahmaa ciyaarta.
Xeerarkeeda.
Iyo sida loo ciyaaro.
Ma ku mashquulo riyooyin kaliya.
Wuxuu eegaa xaqiiqda, xitaa haddii ay adag tahay.
Wuxuu fahmaa:
– Sida awooddu u shaqeyso
– Sida go’aamada loo gaaro
– Iyo cidda saameynta leh
Halkaas ayuu ka bilaabaa saameyn dhab ah.
Haddii aad rabto inaad wax beddesho:
Ha ku noolaan sida aad rabto adduunka inuu noqdo.
Fahmmam sida uu yahay ee kadibna ka shaqee.
24/04/2026
Every crisis reveals one truth:
Preparation separates leaders from followers.
Dhibaato kasta marka ay timaado, hal xaqiiqo ayay iftiimisaa
Qofkii diyaar ahaa inuu ka xalis ogyahay kii aan diyaarka ahayn.
Qaar way argagaxaan.
Qaarna way xakameeyaan xaaladda.
Farqigu ma aha nasiib.
Waa diyaar garow.
Qofka diyaarsan:
Waa mid h**e u fikiray.
Wuxuu qorsheeyay xaalado kala duwan.
Wuxuuna leeyahay xakameyn marka ay arrimuhu adkaadaan.
Qofka aan diyaarsanayn:
Wuxuu bilaabaa inuu fahmo marka ay goor dambe tahay.
Dhibaato maaha waxa ku burburiya
Laakiin u diyaar garow la’aanta ayaa ku burburisa.
Haddii aad rabto inaad noqoto hoggaamiye:
Ha sugin dhibaato si aad u barato.
U Diyaar garow maanta.
24/04/2026
The biggest mistake you can make:
Ignoring what shapes your future.
Khaladka ugu weyn ee aad samayn karto ma aha inaad wax qaldo
Waa inaad iska indhatirto waxa go’aaminaya mustaqbalkaaga.
Dad badan waxay ku mashquulaan maanta oo keliya:
– Shaqo yar
– Dhibaatooyin degdeg ah oo fudud
– Iyo waxyaabo ku meel gaar ah
Laakiin waxa dhab ahaan noloshaada beddela waa:
Go’aamada waaweyn ee si tartiib ah u samaysmaya.
Siyaasad, dhaqaale, waxbarasho
Kuwaas ayaa dhisa mustaqbalka, xitaa haddii aadan maanta dareemin.
Qofka feejigan wuxuu eegaa waxa imanaya,
Ma aha kaliya waxa hortiisa yaal.
Wuxuu fahmaa in fursadaha iyo caqabadaha ay ka bilaabmaan meelo fog.
Haddii aad rabto inaad guuleysato:
Ha ku mashquulin kaliya maanta.
Faham waxa qaabeeya berri.
24/04/2026
Weak societies focus on personalities.
Strong societies focus on policies.
Bulsho daciif ah waxay ku mashquulsan tahay :
Yaa hadlaya?
Yaa muuqda?
Yaa caan ah?
Laakiin su’aasha muhiimka ah waa:
Maxaa la sameynayaa?
Bulsho xooggan waxay eegtaa:
– Xeerarka la dejinayo
– Go’aamada la qaadanayo
– Iyo saameynta mustaqbalka
Qof wuu fiicanaan karaa ama wuu qaldami karaa.
Laakiin siyaasad sax ah ee waxay ilaalisaa nidaamka.
Marka dooddu noqoto shaqsi…
Horumarku wuu istaagaa.
Marka dooddu noqoto siyaasad…
Isbeddel dhab ah ayaa bilaabma.
Haddii aad rabto bulsho horumarta:
Ha raacin magacyo.
Raac fikrado iyo siyaasad cad.
14/04/2026
Most people blame leaders.
Smart people study institutions.
Because systems outlive individuals.
Dad badan waxay eedeeyaan hoggaamiyeyaasha marka wax qaldamaan.
Laakiin su’aasha saxda ah waa:
Nidaamku sidee buu u dhisan yahay?
Hoggaamiye wuu tagaa.
Mid kale ayaa yimaada.
Laakiin haddii nidaamku liito natiijadu way sii soconaysaa.
Hay’ado xooggan waxay dhisaan xasillooni.
Hay’ado daciif ahna waxay abuuraan jahawareer joogto ah.
Qofka caqliga leh ma eego hal qof oo keliya.
Wuxuu daraaseeyaa:
– Sida awoodda loo qaybiyo
– Sida xeerarka loo sameeyo
– Iyo cidda dhab ahaantii xakamaysa go’aamada
Haddii aad rabto isbeddel dhab ah:
Ha ku ekaan dhaleeceynta qof.
Faham nidaamka halkaas ayuu isbeddelku ka bilaabmaa.
09/09/2025
Sidee u baran kartaa xirfad cusub si degdeg ah oo waxtar leh?
U qaybi afartaan tilaabo.
• Deconstruction (Kala-furfurid) U kala qaybi xirfada qaybo yaryar oo la maareyn karo.
• Selection (Xulasho) Aqoonso qaybaha ugu muhiimsan ee natiijada ugu weyn kuu keenaya kuna bilow.
• Sequencing (Isku xigsiin) U habee qaybaha sida ugu macquulsan ee aad ku baran karto.
• Stakes (Balanqaad) Samee balanqaad ama cawaaqib si aad naftaada ugu qasabto inaad ku dhaqaaqdo.
• Habkan wuxuu meesha ka saarayaa dareenka culeyska wuxuuna kuu ogolaanayaa inaad diirada saarto hal shay markiiba.
Dhaqanka Soomaaliyeed ma wuxuu caqabad ku yahay dhisida qaran Soomaaliyeed?
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Website
Address
Mogadishu