17/05/2026
Maanta oo Axad ah, Xukuumadda Ardayda Engineering-ka ayaa weli si joogto ah ugu guda jirta qabashada kulamada casharr ku celinta, kuwaas oo lagu taageerayo ardayda Kuliyadda Engineering-ka xilli ay socdaan imtixaanaadka Mid-Term-ka.
Kulamadan ayaa ujeeddadoodu tahay caawinta ardayda, xoojinta fahamkooda waxbarasho, iyo diyaarinta imtixaanaadka, iyadoo xukuumaddu muujinayso dadaal iyo ka go’naansho ku aaddan horumarinta heerka tacliimeed ee ardayda Engineering-ka.
Tallaabadan waxay caddeyn u tahay in Xukuumadda Ardayda Engineering-ka ay si dhab ah uga shaqeynayso taageerada ardaydeeda, gaar ahaan xilliyada muhiimka ah ee imtixaanaadka.
08/05/2026
Shalay oo Khamiis ahayd, waxaa la qabtay kulan cashar ku celin ah oo loo sameeyey mid ka mid ah fasallada Kuliyadda Engineering-ka, si kor loogu qaado fahamkaooda iyo tayada waxbarashadooda.
Kulankan waxbarasho ayaa ku dhacay jawi wanaagsan oo ay ardaydu si firfircoon uga qayb qaateen, waxaana goobjoog ka ahaa Wasiirka Waxbarashada ee Xukuumadda Ardayda Engineering-ka, Eng. Abdiwali Yusuf Nur.
Cashar-celintan ayaa qeyb ka ah qorshayaasha waxbarasho ee lagu horumarinayo iskaashiga ardayda iyo kor u qaadista heerka tacliimeed ee Kuliyadda Engineering-ka.
05/05/2026
إِنَّا لِلّهِ وَإِنَّـا إِلَيْهِ رَاجِعونَ
إنَّ لله ما أخذ، وله ما أعطى، وكل شيءٍ عنده بأجلٍ مُسمّى، فلتصبر ولتحتسب.
Tacsi
Maamulka Kuliyadda Engineering-ka, macallimiinta, iyo Xukuumadda Ururka Ardayda Engineering-ka, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha ururka Eng. Mohamed Shuqaale Ali, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska iyo ehelka ay ka baxday Marxuumad Khadiija Sheekh Shamsi.
Waxaan si qoto dheer uga tacsiyeynaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid marxuumadda, anagoo la qaybsaneyna murugada iyo xanuunka ay dareemayaan qoyskeeda, ehelkeeda, iyo dhammaan qaraabadeeda.
Waxaan Alle uga baryeynaa inuu Marxuumad Khadiija Sheekh Shamsi ku abaalmariyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan ehelka iyo dhamaandadkii udhawaa.
Aamiin.
03/05/2026
MAGACAABIS
Guddoomiyaha xukuumadda ardayda kuliyadda engineering-ka (FENSA), Eng Mohamed Shuqaale Ali ,isagoo ka duulaya dardargelinta iyo tayeynta hawlaha Sports-ka ee FENSA, wuxuu soo saaray wareegto rasmi ah oo lagu sameynayo xil ka qaadis iyo magacaabis cusub oo ku saabsan hoggaanka Sports-ka.
1.Eng. Suula, waxaa si rasmi ah looga qaaday xilkii Head of Sports ee FENSA.
2.Mudane Cabdiraxman Cabdullahi Cabdi, waxaa loo magacaabay xilka Head of Sports ee FENSA.
DHAMMAAD
FENSA OFFICE
[email protected]
Mogadishu — Somalia.
01/05/2026
Xukuumadda Ardayda Engineering-ka ayaa qabatay hawlo waxbarasho oo lagu taageerayo ardayda kuliyadda Engineering-ka, kuwaas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo fahamka iyo dib-u-eegista casharrada.
Guddoomiyaha iyo xubnaha xukuumadda ayaa si toos ah ula kulmay ardayda, iyagoo sameeyey wareysiyo kooban oo lagu ogaanayo heerka fahamka iyo caqabadaha ka jira waxbarashada.
Sidoo kale, waxaa la qabtay kulamo dib-u-celin casharro ah, halkaas oo ardaydu si wadajir ah ugu falanqeeyeen maadooyinkooda, isla markaana lagu xoojiyey is-dhexgalka iyo iskaashiga ardayda.
Hawlahan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee xukuumadda ardayda ee ku aaddan horumarinta tayada waxbarashada iyo taageeridda ardayda kuliyadda Engineering-ka
29/04/2026
Maanta oo ay taariikhdu tahay 19 April, waxaa si rasmi ah u qabsoomay final-kii koobka kubadda cagta ee Kuliyadda Engineering-ka.
Ciyaarta k**a dambaysta ah oo dhex martay BCE07 iyo BARE04 ayaa ku soo idlaatay guul ay gaartay kooxda BCE07, taasoo noqotay horyaalka koobka.
Ciyaarta ayaa ahayd mid xiiso badan, iyadoo ciyaartoyda labada dhinac ay soo bandhigeen dadaal iyo ciyaar qurux badan.
Sidoo kale, waxaa Man of the Match loo doortay Abdalle, oo door muuqda ka qaatay guusha kooxdiisa.
Hambalyo kooxda BCE07 🎉
23/04/2026
𝐓𝐚𝐜𝐬𝐢 𝐓𝐢𝐢𝐫𝐚𝐚𝐧𝐲𝐨 𝐥𝐞𝐡
Maamulka kuliyadda, Macalimiinta, qalin jabiyayasha iyo dhamaan bahweynta Kuliyadda Engineering-ka waxa ay tacsi tiiranyo leh u dirayaan Ehelka qarabada, Bahda sharciga iyo dhamaan Bulshada Somaliyeed geeridii kutimd allaha u naxariisto Abukate 𝐓𝐚𝐡𝐥𝐢𝐥 𝐇𝐚𝐣𝐢 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝, oo tii Rabi u timid.
Si gaar ah waxan tacsida u direynaa Abdiwahid Tahlil Haji Ahmed oo kamid ah Ardeyda Faculty of Law at SIMAD University.
22/04/2026
🗓 Taariikh: 22/April/2026
📍 Goobta: SIMAD University – Town Campus
Golaha Fulinta ee Xukuumadda Ardayda Kulliyadda Engineering (FENSA) ayaa maanta yeeshay kulan rasmi ah oo muhiim ah, kaas oo lagu lafaguray arrimo istiraatiiji ah oo la xiriira horumarinta howlaha xukuumadda iyo xoojinta iskaashiga ardayda Engineering-ka. Kulanka waxaa shirguddoominayay Guddoomiyaha FENSA, Eng. Mohamed Shuqale Ali.
Kulanka ayaa si hufan u dhacay, waxaana laga gaaray is-afgarad guud oo ku saabsan jihaynta qorshayaasha mustaqbalka iyo dardargelinta howlaha Xukuumadda Ardayda.
————————
DHAMAAD
Email : [email protected]