12/09/2026
Jaamacadda SIMAD waxay Heshiis Iskaashi la saxiixatay ๐๐ง๐ข๐ฏ๐๐ซ๐ฌ๐ข๐ญ๐ฒ ๐จ๐ ๐๐ฎ๐ฌ๐๐ข๐ ee dalka Talyaaniga, kaas oo abuuraya hannaan cusub oo wada-shaqayn ah oo ku saabsan waxbarashada, cilmi-baarista iyo xoojinta wada-shaqaynta labada jaamacadood.
Iskaashigan wuxuu taageerayaa is-dhaafsiga ardayda iyo shaqaalaha, cilmi-baaris ay labada jaamacadood iska kaashanayaan, barnaamijyo waxbarasho, codsiyada mashaariicda iyo deeqaha cilmi-baarista caalamiga ah, tababarrada, fursadaha Erasmus+, iyo horumarinta aqoonta iyo kartida shaqaalaha.
Iskaashigan cusub wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Jaamacadda SIMAD ay ku xoojinayso xiriirkeeda caalamiga ah, isla markaana ay fursado wax-ku-ool ah ugu abuurayso ardaydeeda, shaqaalaheeda iyo guud ahaan bahda Jaamacadda. Faahfaahin dheeraad ah ka akhriso: https://international.simad.edu.so/simad-university-and-university-of-tuscia-launch-new-academic-partnership/