Abdalla Abdihakim Abdalla

Abdalla Abdihakim Abdalla

Share

halkan waa page-ka rasmiga ah ee Abdalla Abdihakim Abdalla, waxaan isku weedaarsan doonnaa wixii mac

21/04/2022

Wiil dhalinyaro ah ayaa uyimid qof xikmad badan markaas ayuu ku yiri:nafteey labo yeey ayaa ku dagaalamaya midna kheerka ayuu iigu wacaa midna sharta, ninkii xikmadda badnaa ayaa ugu jawaabay:midkaad quudiso baa guuleysanaya.
Faham dulucda 🤔

11/05/2021

mahadsanid qof walba, kabadan ayaan rajeyneynaa

5000 followers

11/05/2021

document naxdin leh:
soomaali badan oo madax furasho ahaan loogu heystay libiya oo lasoo badbaadiyay,
sii share gareey

11/12/2020

"Mushaharkaagu markuu kuyimaado waqtigiisa, waxaad cuntaa digaag. Markii mushahaarku kaa sii yaraado waxaad cunaysaa wax soo saarka Digaagga (Ukunta), markuu aad usii yaaradana waxaad billaabaysaa inaad cuntid cuntooyinka digaagga cunto sida galeyda iyo masagada.
Ugu dambeyntiina, markii mushaharku dhammaado, waxaad noqotaa sida digaaga oo kale, waxaadna waqtigaaga dhan ku bixisaa socod oo kaliya waxaadna raadineysaa waxaad cunto "
Mushaharkaagu waa abuur u baahan in la beero. Waxaa muhiim inaad mushaarkaaga qayb ka isticmaasho qeybta kalena aad maal gashato.
Mushahaarka kaligiis ma xallin karo dhammaan dhibaatooyinkaaga dhaqaale. Sameeyso hadda qorshe labaad ama (plan B).
Maalgashade caqli badan ayaa fursad u hela inuu had iyo jeer cuno Digaag.!
Ka feker maalgashi ... maxaa yeelay weligaa dhalinyaro ma ahaan doontid!
Ka feker hal abuur Ganacsi maxaa yeelay weligaa shaqaale masii ahaan doontid!



24/05/2020

Mid kamid ah dadka hodanka ah ayaa mucaawano raashiin sun ka buuxdo ugu tabarucay hay,ad kheyri ah si masaakiinta ugu qeybiso🙄
Maalin kadib guddoomiyaha degmada ayaa dhintay iyo qaar xildhibaano ah, labo waziir iyo madaxii hay,ada kheyriga iyo xaaskiisa
Hal qof oo maskiin ah kuma geeriyoon🤔
Sabab?

13/02/2020

Qiimaha walaalnimo:
------****-------***-----
Qof walaalkii xambaarsan oo buur fuulaya ayaa lagu yiri:sid culus ayaad wadaa?wuxuu ugu jawaabay :kani sid ma ahan ee walaalkey!cajiib!
Nin xikmad badan ayaa la su,aalay:sideed walaalkaa ku garataa?wuxuu ku jawaabay :waa kan iga fududeeya walwalka,isoo xaal weydiiya, dal daloolkeyga buuxiya, khaladaadkeyga dambi dhaaf ii weydiiya,rabbigeyna i xasuusiya.
Waxaa lagu yiri;sideed ugu abaal gudeysaa?
Wuxuu yiri : isagoo iga maqan ayaan alle u baryaa !cajiib!
Shekhul islaam ibnu teymiya ayaa yiri:walaalnimada alle dartii waa sida gacanta iyo isha! hadey isha ilmooto gacanta ayaa masaxeysa,hadey gacanta xanuunsatana isha ayaa u ilmoota! Cajiib !
Al xasan al bisri allah u raxmadee ayaa yiri :(asxaabtiina xiriiriya,saaxibka oofinta badan waa feynuus ifiyesa,iftiinkiisana lama dareemo illaa aduunyada ay kusoo mugdiyeyso)!cajiib!
Allow inaga yeel walaalo dartaada isu jecel, naga mid dhig kuwa harkaaga heli doona maalin harkaaga maahee har kale jirin.
Aamiim.

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Telephone

Website

Address

21 October Street
Mogadishu
252