20/01/2026
📢 OGEYSIIS MUHIIM AH
Machadka Siraajul-Millah waxa uu ogeysiinayaa dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ka faa’iidaysata duruusta machadka in, kadib markii si guul leh loo soo gabagabeeyay afar (4) kutub oo ka mid ah fiqhiga, la bilaabi doono duruus cusub oo kala ah:
📘 Kitaabka: Nasaaixul-Mursal
Kitaabkan qiimaha badan waxa uu ka mid yahay kutubta tarbiyada iyo waanada, wuxuuna xoojinayaa fahamka diinta, akhlaaqda, iyo u diyaar garowga aakhiro.
📗 Kitaabka: Safiinatu Salaad
Kitaabkan waxa loo bilaabi doonaa ardayda fasalka 3aad, si loo xoojiyo fahamka axkaamta salaadda iyo ku camal falkeeda si sax ah.
🗓 Waqtiga bilowga:
— Hameyn Axad 25\01\2026.
📍 Goobta /WhatsApp iyo Telegram:
— Machadka Siraajul-Millah Online
📌 Sidaas darteed, dhammaan ardayda waxaa lagu wargelinayaa in ay is diyaariyaan, kana faa’iideystaan fursaddan cilmiga iyo naseexada ah.
📖 Cilmigu waa nuur, ku camal falkiisana waa badbaado.
Maamulka Machadka Siraajul-Millah