05/09/2025
Muqdisho โ Sebteembar 5, 2025
Guddoomiyaha Association Kulliyadda Humanity and Education ee Jaamacadda Soomaaliya, Mudane Hon Abdulahi Ali, wuxuu hambalyo iyo bogaadin diirran u dirayaa Mudane Farah Hirey
oo loo magacaabay Agaasimaha Isku-duwidda Hawlaha Xukuumadda 13-aad ee Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya (MAJSO).
Magacaabistan muhiimka ah waxaa sameeyay Guddoomiyaha Midowga Ardayda Jaamacadda Soomaaliya"MAJSO"), Mudane Ayuub Ahmed Gacal, taasoo muujinaysa kalsoonida iyo masuuliyadda lagu aaminay Mudane
Cabdirahman Farah Hiirey.
Mudane Cabdirahman Farah Hiirey, oo ka tirsan ardayda wax ka barata Kulliyadda Humanity and Education, ayaa loo arkay inuu yahay shakhsi leh karti, hufnaan, iyo hoggaamin wanaagsan, taas oo ku habboon doorka cusub ee loo magacaabay.
Guddoomiyaha Kulliyadda, Mudane Cabdullaahi Cali Maxamuud, ayaa ku tilmaamay magacaabistan mid dhiirrigelin u ah dhammaan ardayda, isagoo yiri:
โTani waa tusaale cad oo muujinaya sida ay ardayda Kulliyaddeennu u noqon karaan hormuudyo wax ku ool ah oo u adeegta bulshada iyo jaamacadda. Waxaan rajaynayaa inuu ku guuleysto masuuliyadda loo igmaday, isagoo ku shaqaynaya daacadnimo, karti iyo isku xirnaanta ardayda.โ
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Kulliyaddu wuxuu Alle uga baryay Mudane@Abdirihman Farah Hirey inuu ku garab galo xilka culus ee loo igmaday, isla markaana uu noqdo hogaamiye ku dayasho mudan oo horseeda midnimo, horumar iyo guul waarta.
DHAMMAAD