sahan aragtiyeed

sahan aragtiyeed

Share

Sahan Aragtiyeed: Meel uu fikirku ka dhasho, bulshada la iftiimiyo, aragtiduna ku korto.

23/04/2025

MIDNIMO QARAN – FURAHA NABAD IYO HORUMAR

Midnimada dadka Soomaaliyeed waa aasaaska jiritaanka qarankeena. Waa tiirka lagu dhiso dowlad adag, nabad waarta, iyo dhaqaale kobcaya. Marka aynu mideysnaano, waxaynu noqon karnaa bulsho awood leh oo cadawgeeda iska difaacda, mustaqbalkana si wadajir ah u wajahda.

Qabyaalad, khilaaf siyaasadeed, iyo is-aamin la’aan ma dhisaan qaran, ee waa kuwa burburiya. Waxaan u baahanahay in aynu ka gudubno kala qaybsanaanta, una istaagno dhisidda dowlad loo dhan yahay oo ka turjumaysa rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Midnimo ma ahan kelmad la dhaho ee waa ficil la muujiyo.
Qof kasta ha bilaabo isbeddelka: Ka fogow nacaybka, taageer wadajirka, ka qayb qaado horumarka deegaankaaga.

Qaran mideysan = bulsho horumarsan.



16/04/2025

Sahan Aragtiyeed – Halka uu Fikirku Ka Dhasho

Ku soo dhawoow Sahan Aragtiyeed, meel laga abuurayo feker cusub, laguna iftiiminayo aragtiyo horseedi kara isbeddel waara. Sahan waa meel ay ka bilaabato fahamka, laguna kobciyo wacyiga bulshada – meel aan dooneyno in aan ku iftiimino arrimaha nolosha, maskaxda, iyo bulshada.

Sahan Aragtiyeed ma aha madal barnaamijyo toos ah lagu qabto, balse waa il wacyigelin iyo iftiimin ku saleysan feker cilmiyeed, dood furan, iyo aragtiyo dhiirrigeliya koboca bulshada. Waxaan rumeysannahay in isbeddelku ka bilowdo maskaxda, ka gudbo qalbiga, kuna fido bulshada oo dhan.

Haddii aad xiiseyneyso feker, faham, iyo bulsho is dhageysata oo is fahamsan – Sahan Aragtiyeed waa halkii aad ka bilaabi lahayd.





Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Bondheeri
Mogadishu
252