09/02/2025
SOO DHAWEYN SHARAF & XUSHMAD LEH
Mogadishu, 09 February 2025
Annagoo ah Dufcada 17aad ee dugsiga maxamuud xarbi
Waxaan maanta si kal iyo laab ah u soo dhaweyney dhammaan dufcooyinkii ka qalin jabiyey iskuulkeenna, kuwaas oo isugu jiray Dufcaddii 12aad,13aad,14aad,&16aad.
Intii lagu guda jiray munaasabadda, dufcayaashu waxay la wadaageen ardayda Shahaadiga (8aad iyo form four) talooyin iyo dhiirigelin ku saabsanaa diyaargarowga Imtixaanka Qaranka, si ay ardaydu u helaan guul sare.
Sidoo kale waxay dhiirrigeliyeen walaalahooda fasalada hoose inay ku dadaalaan waxbarashada si ay u gaaraan yoolalkooda.
Intaa waxaa dheer, si ay uga tagaan raad waara oo wax tar leh, ardaydii qalin jabisay waxay iskuulka uga tageen geedo ay beereen, si ay u muujiyaan doorkooda horumarinta deegaanka iyo kobcinta bilicda iskuulka.
Ugu dambeyn waxaa xaflada soo dhaweynta soo xiray godoomiyaha ardayda form fourada Xasan Mayow Xasan isagoo hadalkiisa ku soo gebogebeeyey "ku soo dhawaada iskuulkiinnii h**e qoyska aqoonta, saaxiibbadiinna, iyo macallimiintiinnii si aan u wadaagno xasuusihii wacnaa iyo guulaha aad la timaaddeen.
Mar walba waa idin garab taagan nahay!
Mahadsanidiin