10/01/2026
BOOQASHO WASIIRKA WASAARADDA WAXBARASHADA
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulkadir ayaa maanta booqasho rasmi ah ku yimid Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ee 21-ka November. Booqashadan ayaa ujeeddadeedu ahayd kormeer guud oo lagu sameynayo tayada waxbarasho, hanaanka maamulka, iyo duruufaha ay ku shaqeeyaan macallimiinta iyo ardayda dugsiga.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Wasiirku waxa uu la kulmay maamulka dugsiga, macallimiinta iyo ardayda, isaga oo dhageystay warbixinno ku saabsan horumarka waxbarasho, caqabadaha jira, iyo baahiyaha lagama maarmaanka u ah in la dardargeliyo waxbarashada. Wasiirku waxa uu bogaadiyay dadaalka joogtada ah ee ay muujiyeen maamulka iyo macallimiinta dugsiga 21-ka November, kuwaas oo si hagar la’aan ah uga shaqeynaya kor u qaadista aqoonta iyo anshaxa ardayda.
Sidoo kale, Wasiirku waxa uu si gaar ah u kormeeray fasallada waxbarashada, maktabadda, iyo agabka waxbarasho ee dugsiga, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo jawi waxbarasho oo ku habboon ardayda. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Wasaaradda Waxbarashadu ay ka go’an tahay taageeridda dugsiyada si loo helo waxbarasho tayo leh oo gaarta dhammaan carruurta Soomaaliyeed.
Gebogabadii, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada ayaa ku boorriyay maamulka, macallimiinta iyo ardayda dugsiga 21-ka November in ay sii laba jibbaaraan dadaalkooda waxbarasho, iyaga oo adkeeyay in horumarinta waxbarashadu tahay masuuliyad wadareed u baahan wada-shaqeyn buuxda.