ABSID MEDIA

ABSID MEDIA

Share

Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from ABSID MEDIA, Mogadishu.

๐€๐๐’๐ˆ๐ƒ ๐Œ๐„๐ƒ๐ˆ๐€, waa warbaahin madax-bannaan oo diiradda saarta gudbinta warar sugan, xog-ogaalnimo, iyo dhacdooyinka ugu muhiimsan ee ka socda Soomaaliya, Afrika iyo caalamka.

26/08/2026

๐†๐ฎ๐๐๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐จ๐จ๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐š๐ช๐›๐š๐ฅ๐š๐ฒ ๐ ๐จโ€™๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐Œ๐š๐ฑ๐ค๐š๐ฆ๐š๐๐๐š ๐’๐š๐ซ๐ž

Guddiga Doorashooyinka ayaa aqbalay goโ€™aankii Maxkamadda Sare ee lagu laalay natiijadii doorashooyinkii Galmudug, waxaana la filayaa in la raaco amarka Maxkamadda ee ku aaddan dib-u-qabashada doorashada.

ABSID MEDIA

26/08/2026

๐’๐ฎ๐›๐š๐ฑ ๐–๐š๐ง๐š๐š๐ ๐ฌ๐š๐ง ๐Ÿฅฐ

25/08/2026

๐†๐ฎ๐๐๐จ๐จ๐ฆ๐ข๐ฒ๐ž ๐Œ๐ฎ๐ฎ๐ง๐ ๐š๐š๐› ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐ค๐ฎ๐ฅ๐ฆ๐š๐ฒ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐“๐ฎ๐ซ๐ค๐ข๐ ๐š

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa kulan la qaatay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper AktaลŸ.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya Gobolka Banaadir iyo Dowladda Turkiga, gaar ahaan dhinacyada horumarinta iyo adeegyada caasimadda.

ABSID MEDIA

25/08/2026

๐’๐Ž๐Œ๐€๐‹๐ˆ๐‹๐€๐๐ƒ ๐€๐ซ๐๐š๐ฒ๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š๐œ๐š๐  ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ช๐š๐š๐๐š๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ข ๐š๐ฒ ๐ฎ ๐ก๐ž๐ฅ๐š๐š๐ง ๐ง๐š๐ญ๐ข๐ข๐ฃ๐š๐๐š ๐ข๐ฆ๐ญ๐ข๐ฑ๐š๐š๐ง๐ค๐š

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland ayaa sheegay in Wasaaraddu aysan raalli ka ahayn lacagaha laga qaadayo ardayda marka ay doonayaan inay helaan natiijada imtixaanka shahaadiga ah.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintan ay ku lug leedahay Shirkadda Telesom, iyadoo ardayga doonaya inuu hubiyo natiijadiisa lagu khasbayo inuu lacag ku shubto adeegyada shirkadda.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddu arrintan wax laga qabanayo, isla markaana tallaabo laga qaadi doono shirkadda Telesom.

Arrintan ayaa dhalisay walaac ku saabsan in ardayda, oo xilli muhiim ah ku jira, lagu soo rogo kharash dheeraad ah si ay u helaan natiijooyinkooda waxbarasho.

25/08/2026

๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐ก๐š ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐š๐ฐ๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐ญ๐š ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐Š๐จ๐จ๐ง๐Ÿ๐ฎ๐ซ ๐๐š๐ซ๐ข ๐’๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐š, ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž ๐ˆ๐›๐ซ๐š๐š๐ก๐ข๐ฆ ๐€๐ซ๐›๐จ๐ฐ.

25/08/2026

๐‚๐š๐›๐๐ข๐ช๐š๐š๐๐ข๐ซ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฆ๐š๐š๐ง ๐’๐ก๐ข๐๐๐จ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ก๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐š๐ก ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐๐ก๐š๐ฐ๐ž๐ž๐ฒ๐š๐ฒ ๐‚๐ž๐ž๐ฅ-๐‰๐š๐š๐ฅ๐ฅ๐ž

Xildhibaan h**e Cabdiqaadir Cusmaan Shiddo ayaa booqasho ku tagay deegaannada Koonfur Bari Soomaaliya (KBS), gaar ahaan deegaanka Ceel-Jaalle, halkaas oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay.

Shacabka deegaanka ayaa soo dhaweyn ballaaran u sameeyay Xildhibaankii h**e, iyadoo booqashadiisa ay kusoo beegantay xilli deegaannada KBS ay ka socdaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo bulsho.

25/08/2026

๐–๐€๐‘ ๐‚๐”๐’๐”๐ | ๐‚๐€๐๐ƒ๐ˆ๐‘๐€๐’๐‡๐ˆ๐ˆ๐ƒ ๐‰๐€๐๐€๐ ๐ˆ๐˜๐Ž ๐‰๐”๐๐๐€๐‹๐€๐๐ƒ

๐‚๐š๐›๐๐ข๐ซ๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ ๐‰๐š๐ง๐š๐ง ๐จ๐จ ๐‰๐ฎ๐›๐›๐š๐ฅ๐š๐ง๐ ๐ค๐š ๐๐š๐ฅ๐›๐š๐๐š๐ฒ ๐ฑ๐ข๐ฅ๐š๐ฅ ๐ฌ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐š๐๐ž๐ž๐

Taliyihii h**e ee Sirdoonka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka Gedo, Cabdirashiid Janan, oo dhawaan u wareegay dhinaca Jubbaland, isla markaana gaaray magaalada Nairobi ee Kenya, ayaa la sheegay inuu Jubbaland ka dalbaday xilal iyo fursado siyaasadeed.

Xogta ayaa sheegaysa in Janan uu dalbaday xildhibaan federaal, xil wasiirnimo oo Jubbaland ah iyo dalabyo kale, kuwaas oo la xiriira doorkiisa iyo wareejintii Beledxaawo.

Si kastaba, qaar kamid ah dalabyadaas ayaa la sheegay inaanay weli wada aqbalin Madaxtooyada Jubbaland, iyadoo Janan aan weli kulan rasmi ah la qaadan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.

Dhanka kale, Jubbaland ayaa la filayaa in toddobaadkan ay diiwaangeliso ciidamadii h**ey ula safnaa Dowladda Federaalka ee Gobolka Gedo, kuwaas oo hadda la filayo inay si rasmi ah uga mid noqdaan ciidamada Jubbaland.

Isbeddelladan ayaa kusoo beegmaya xilli loollan siyaasadeed iyo mid ciidan uu ka dhex jiray Dowladda Federaalka, Puntland iyo Jubbaland, iyadoo loo diyaar garoobayo wadahadallada iyo heshiisyada la xiriira doorashada federaalka ee la filayo in laga gaaro dhammaadka sannadkan.

25/08/2026

๐–๐€๐‘ ๐‚๐”๐’๐”๐ | ๐๐€๐˜๐ƒ๐‡๐€๐๐Ž

๐Œ๐š๐ฌโ€™๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ข๐ฒ๐ข๐ข๐ง ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ซ๐ฌ๐š๐ง ๐ฆ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ข๐ข ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ ๐จ๐จ ๐ฎ ๐ญ๐ž๐ ๐š๐ฒ ๐œ๐ข๐ข๐๐š๐ฆ๐จ ๐ƒ๐š๐ซ๐š๐š๐ฐ๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐ญ๐š ๐Š๐จ๐จ๐ง๐Ÿ๐ฎ๐ซ ๐†๐š๐ฅ๐›๐ž๐ž๐ ๐š๐ก

Masโ€™uuliyiin sare oo ka tirsanaa maamulkii h**e ee Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo laga saaray ayaa booqday ciidamo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Masโ€™uuliyiintan ayaa la sheegay inay ciidamada ugu tageen dhiirrigelin iyo abaabul, xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo amni oo ka taagan magaalada Baydhabo.

25/08/2026

๐–๐€๐‘ ๐ƒ๐„๐†-๐ƒ๐„๐† ๐€๐‡ | ๐๐€๐˜๐ƒ๐‡๐€๐๐Ž

๐ƒ๐ก๐ฎ๐Ÿ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ฒ๐จ ๐ฅ๐š๐ ๐š ๐ช๐จ๐๐š๐ฒ ๐ ๐ฎ๐๐š๐ก๐š ๐ฆ๐š๐ ๐š๐š๐ฅ๐š๐๐š ๐๐š๐ฒ๐๐ก๐š๐›๐จ

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dhufeysyo laga qoday gudaha magaalada Baydhabo, iyadoo laga cabsi qabo in uu magaalada soo weeraro Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo h**ey xilka looga qaaday, sida ay sheegayaan ilo xog-ogaal ah.

Tallaabadan ayaa sare u qaadaysa walaaca laga qabo xiisad amni iyo iska horimaad siyaasadeed oo ka dhaca magaalada, iyadoo la adkeynayo xaaladda amni ee Baydhabo.

Photos from ABSID MEDIA's post 25/08/2026

๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐ƒ๐ž๐ง๐ข ๐จ๐จ ๐ ๐š๐š๐ซ๐š๐ฒ ๐ƒ๐ก๐ข๐ง๐š๐ฐ๐๐š, ๐ค๐ฎ๐ง๐š ๐๐ก๐š๐ฐ๐š๐š๐ช๐š๐ฒ ๐ ๐จ๐ ๐จ๐ฅ ๐ง๐š๐›๐š๐๐ž๐ž๐

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta gaaray deegaanka Dhinawda ee Gobolka Mudug, halkaas oo bulshada deegaanka ay si diirran ugu soo dhaweeyeen.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in booqashadiisu qeyb ka tahay dadaallada Dowladda Puntland ay ku qiimeyneyso xaaladda nololeed ee bulshada, xoojinta nabadda iyo isu-soo-dhawaanshaha bulshada ku nool Towfiiq iyo Dhinawda.

Intii uu ku sugnaa deegaanka, Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqay in magaalada Garoowe lagu qaban doono gogol nabadeed, isagoo sheegay inuu isaguna ka qeybgalayo. Gogosha ayaa lagu sheegay inay diiradda saari doonto xoojinta nabadda, wada-noolaanshaha iyo isku-xirnaanta bulshada.

Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay saameynta isbeddelka cimilada ee deegaanka Dhinawda, gaar ahaan bacaadka ku fiday qeybo ka mid ah deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xaafado uu bacaadku saameeyey, wuxuuna sheegay in Dowladda Puntland ay diyaar u tahay wax ka qabashada xaaladdaas, iyo sidoo kale baahiyaha adeegyada bulshada ee deegaanka.

Booqashada Madaxweyne Deni ayaa ku soo beegmaysa xilli la doonayo in la xoojiyo nabadda iyo wada-shaqeynta bulshada ku nool deegaannada Towfiiq iyo Dhinawda ee Gobolka Mudug.

ABSID MEDIA

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Website

Address

Mogadishu