01/09/2025
Sidee looga baaro maqaallada cilmi-baarista Google Scholar?
Sida Looga Helo Maqaallada Cilmiyeed ee Google Scholar
Fiidiyowgan waxaan ku baraynaa sida fudud ee loo raadiyo loona helo maqaallada cilmiyeed adigoo adeegsanaya Google Scholar
31/08/2025
โจ Honored to receive a Reviewer Certificate from BMC Public Health (Springer Nature) for my contribution in 2025.
Peer review is a vital part of advancing science, and Iโm glad to play a role in supporting high-quality public health research.
18/08/2025
๐ Excited to share our new publication!
๐ โPrevalence of methicillin-resistant Staphylococcus aureus and associated factors from surgical ward inpatients at Shaafi Hospital, Mogadishu, Somalia.
A big step forward in highlighting antimicrobial resistance challenges in Somalia.
https://www.sciencedirect.com/science/article/pii/S2772707625001523?via%3Dihub
12/08/2025
Yaa Dilay? Su'aalo Ilaa Maanta Aan Laga Jawaabin
Sawirka caanka ah ee muujinaya Madaxweynihii Maraykanka, John F. Kennedy, oo Aqalka Cad ku qaabilaya Ra'iisul Wasaarihii Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, sanadkii 1962-kii, wuxuu markhaati u yahay xiriir dimlumaasiyadeed. Laakiin sawirkan wuxuu sidoo kale noqday mid xambaarsan murugo iyo halxiraale taariikheed. Labada hoggaamiye ee sawirka ku jira waxaa la dilay iyagoo xilka haya, dilalkooduna waxay ilaa maanta reebeen su'aalo aan weli si buuxda looga jawaabin.
Dilka Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmaarke
Maalintii Arbaco ahayd, 15-kii Oktoobar 1969, ayaa Madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke, lagu toogtay magaalada Laascaanood isagoo ku guda jira booqasho uu ku marayay gobollada dalka oo ay abaar saameysay. Gacan ku dhiiglaha ayaa ahaa nin ka tirsanaa ciidanka ilaaladiisa oo lagu magacaabi jiray Saciid Yuusuf Ismaaciil.
Su'aalaha aan la xalin:
Sababta rasmiga ah vs. Shakiga Siyaasadeed: Inkastoo si rasmi ah loo sheegay in dilku salka ku hayay aano shaqsi ama mid qabiil, haddana dad badan ayaan rumaysnayn arrintaas.
Afgambigii Xigay: Lix maalmood oo kaliya kadib dilka Madaxweynaha, 21-kii Oktoobar 1969, ciidamada militariga oo uu hoggaaminayay Sarreeye Gaas Maxamed Siyaad Barre ayaa inqilaab aan dhiig ku daadan kula wareegay talada dalka. Wakhtiga isku dhow ee labada dhacdo ayaa abuurtay shaki weyn oo ah in dilka Madaxweynaha uu ahaa shirqool loo gogol xaarayay afgambiga militariga.
Yaa ka dambeeyay? Ilaa maanta, su'aasha ah "yaa abaabulay dilka Madaxweyne Sharmaarke?" weli xal looma helin. Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa aaminsan in gacan ku dhiigluhu ahaa qalab la adeegsaday, balse maskaxdii ka dambaysay aan weligood caddaaladda la horkeenin.
Dilka Madaxweyne John F. Kennedy
In ka yar sannad kadib kulankii uu la yeeshay Ra'iisul Wasaare Sharmaarke, Madaxweyne Kennedy ayaa isagana la dilay. 22-kii Nofeembar 1963, isagoo saaran gaari furan oo marayay magaalada Dallas, Texas, ayaa toogasho lagu dilay.
Su'aalaha aan la xalin:
Gacan ku dhiigle keliya?: Guddigii Warren ee loo xilsaaray baaritaanka ayaa ku soo gabagabeeyay in nin lagu magacaabo Lee Harvey Oswald uu keligii ka dambeeyay dilka. Hase yeeshee, gabagabadaas waxaa ka horyimid shacabka Maraykanka intiisa badan iyo xitaa guddi baaritaan oo Baarlamaanka Maraykanku sameeyay sanadkii 1979-kii, kaasoo sheegay in ay u badan tahay in shirqool uu jiray.
Dilkii Eedeysanaha: Labo maalmood oo kaliya kadib xariggiisii, Lee Harvey Oswald isagiina waxaa toogasho ku dilay nin lagu magacaabo Jack Ruby, taasoo meesha ka saartay fursad kasta oo uu ku heli lahaa maxk**adeyn. Tani waxay sii xoojisay aragtiyaha shirqoolka.
Aragtiyaha Shirqoolka: Tan iyo maalintaas, waxaa soo baxay aragtiyo aad u tiro badan oo farta ku fiiqaya kooxo kala duwan sida Sirdoonka Maraykanka (CIA), Kooxaha Maafiyada, iyo quwado shisheeye. Ilaa hadda, si dhab ah looma oga cidda iyo sababta rasmiga ah ee ka dambaysay dilka Kennedy.
Dadka Sawirka Ka Muuqda
Sawirku wuxuu qabtay wafdi Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan dowladda Maraykanka. Inkastoo aan qof walba si toos ah sawirka looga wada aqoonsan karin, diiwaannada taariikhiga ah waxay sheegayaan shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa ee kulankaas joogay.
Wafdiga Soomaaliya:
Cabdirashiid Cali Sharmaarke: Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Cabdullaahi Ciise Maxamuud: Wasiirka Arrimaha Dibadda.
Cumar Macallin Maxamed: Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka.
Cabdiraxiim Abi Faarax: Safiirka Soomaaliya ee Itoobiya.
Michael Mariano: Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka.
CabdiNuur Maxamed Xuseen: Xildhibaan ka tirsanaa Golaha Shacabka.
Dhinaca Maraykanka:
John F. Kennedy: Madaxweynaha dalka Maraykanka.
G. Mennen "Soapy" Williams: Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Qaaradda Afrika.
Henry J. Tasca: Ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Qaaradda Afrika.
Horace G. Torbert, Jr.: Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya.
William C. Witman: Agaasimaha Xafiiska Arrimaha Waqooyi-Bari Afrika.
Labada dhacdo, inkastoo ay ka kala dheceen labo qaaradood oo kala duwan, waxay wadaagaan isku ekaansho la yaab leh: labo hoggaamiye oo la wada jeclaa oo lagu dilay shirqoollo qarsoon, kuwaasoo ilaa maanta taariikhda ku reebay bogag aan weli la xirin oo ay ka buuxaan su'aalo iyo halxiraalayaal.
W/Q: Shafie Abdulkadir Hassan
29/09/2024
Tips for students how to write and publish.
30/09/2023
How many of you knows, How to perform API 20E ?
23/08/2022
Waxaan ka qeeb galay tababar socday labo maalin oo ciwaankiisu yahay โ๐๐ง๐ง๐จ๐ฏ๐๐ญ๐ข๐ฏ๐ ๐๐๐๐๐ก๐ข๐ง๐ & ๐๐๐๐ซ๐ง๐ข๐ง๐ ๐ข๐ง ๐๐ข๐ ๐ก๐๐ซ ๐๐๐ฎ๐๐๐ญ๐ข๐จ๐ง oo ay soo qaban qaabisay Jaamacadda Jamhuuriya ee culuumta iyo tiknooloojiyadda, tababarka waxaa bixiyay Ustaad Abdirahman Sheikhdoon, maamulaha machadka tababarada macalimiinta ee Garowe, oo ah khabiir dhanka waxbarashada ah.
25/06/2022
oo kale sanadkii 1903, Marie Skลodowska Curie waxa ay difaacday shahaadadeeda dhakhtarnimo ee walxaha shucaaca ee Universitรฉ de la Sorbonne ee Paris - iyada oo noqotay haweenaydii ugu horreysay ee Faransiis ah ee ku qaadata shahaada PhD ee fiisigiska.
Shaqsigii ugu horreeyay ee la siiyo laba billadood oo Nobel ah ilaa maantana waa shakhsiga keliya ee haysta laba abaal-marinno Nobel oo ah laba qaybood oo cilmiyeed oo kala duwan: Marie Skลodowska Curie.
Marie Curie waxay u dhimatay dhiig-yarida aplastic anemia 4-tii Luulyo 1934-kii, taasoo ka dhalatay sanado badan oo shucaac ku dhacay shaqadeedas darteed.
Xataa maanta lajoogo buuggeeda shaybaadhka shucaaca (Radioactive) k**a suulin laga soo bilaabo 1899-1902, wuxuuna ahaan doonaa 1,500 sano.