26/05/2026
CIID WANAAGSAN
Dhamaan umudda Islaamka ah gaar ah umadda somaaliyeed meel walba ad dunida ka joogtaan farxadda ciidul adxa awgeeda.
Waxaan Alle ka baryayaa in uu dhamaanteen naga aqbalo acmaasha Wanagsaned ee aan gudannay, acmaasha, xajkana alle ka aqbala xujayda gudanaya sanadkan wajibadka xajka.
Ciiddan , Ciideeda alle ha nagu gaarsiiyo caafimaad ,Bash bash iyo Barwaaqo.
كل عام وانتم بخير
عيدالاضحي
عيدكم مبارك
CIID_WANAAGSAN
Eid Mubarak
Eid ul adha 2026
26/03/2026
Markii ugu horeysay iskulka Himilo waxa uu ka qeyb gali donaa insha allah
Tartankii Isboortiska dugsiyada Gobolka Banaadir sanaddugsiyeed 2025-2026 ayaan maanta si aqlabiyad leh unansixinay xeerka tartanka; waxaan rajeynayaa in NAADIGA Himilo Primary and secondary school uu kaalin 1aad in aaan galno hadii alle idmo inshaAllah.
19/03/2026
𝐇𝐚𝐦𝐛𝐚𝐥𝐲𝐨 𝐂𝐢𝐢𝐝 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧
Maamulka macalimiinta iyo Ardayda iskulka
Himilo Primary and secondary school waxa ay ugu hambalyaynaysaa dhammaan ummadda Muslimka ah munaasabadda barakaysan ee Ciidul-Fitr.
Waxaan Eebbe ka baryaynaa in uu soonkeennii iyo cibaadadeennii naga aqbalo, inoo barakeeyo maalmahan farxadda leh.
كل عام وانتم بخير
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال
Ciid Mubaarak!
Himilo International School
08/02/2026
Madaxa Farsamada sportska Dugsiga Himilo ayaa loo magacaabay Ridwan Mahamed Ali.
28/02/2025
Ramadaan Kariim.
Dhamaan 𝗠𝗮𝗮𝗺𝘂𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗺𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗦𝗰𝗵𝗼𝗼𝗹𝗸𝗮 Himilo primary and secondary school Waxay Muslimiinta meel kasta oo ay joogaan gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed ugu Hambalyeeynaynaa bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa bil fursad weyn u ah ruux kasta oo raba inuu Alle u dhawaado.
Waxaa la gaaray waqtigii aan qalbigeena daahiri lahayn, cibaadada badin lahayn, sabarka baran lahayn, Qur’aanka akhrin lahayn, sadaqada bixin lahayn, una gargaaran lahayn kuwa baahan. Rabbi Ha inaga Yeelo Kuwa Laga Aqbalo Acmaashooda Loguna Dambi Dhaafo.
𝐒𝐨𝐨𝐧𝐪𝐚𝐚𝐝 𝐖𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠𝐬𝐚𝐧
Himilo Primary and secondary school
26/02/2025
Bismillah
Tartanka Waxbarashada Dugsiga Himilo 📚
Maanta waxaa si xiiso leh u qabsoomay tartan aqooneed oo dhex maray fasallada f 3 iyo Grade 8. Tartanka ayaa ahaa mid adag, loolan xoog lehna la kala hor yimid, ugu dambeyntiina natiijadu waxay ku dhammaatay:
F 3 – 9 dhibcood
Grade 8 – 6 dhibcood
Guushii tartanka waxaa si qurux badan ugu guuleystay f 3
Hambalyo dhamaan ardayda ku guuleysatay tartanka! Waxaad muujiseen dadaal, karti iyo isku-duubni. Waxaan idiin rajaynaynaa in guulahaasi sii socdaan, kuna dadaashaan waxbarashada.
Sidoo kale, f3 waad dadaasheen, tartanku waa mid kobcinaya garaadka iyo aqoonta—ha ka daalin dedaalka!
Guul iyo horumar dhammaan ardayda Dugsiga Himilo 📖
psschool
26/02/2025
Bismillah
Tartanka Waxbarashada Dugsiga Himilo 📚
Maanta waxaa si xiiso leh u qabsoomay tartan aqooneed oo dhex maray fasallada Grade 7 iyo Grade 4. Tartanka ayaa ahaa mid adag, loolan xoog lehna la kala hor yimid, ugu dambeyntiina natiijadu waxay ku dhammaatay:
Grade = 12 dhibcood
Grade = 12dhibcood
Tartanka waxa ay ku so dhamatay bar bar dhac labada fasal waxa ay so ban dhigeyn tartan aad u qurux badan
Hambalyo dhamaan ardayda tartantay ! Waxaad muujiseen dadaal, karti iyo isku-duubni. Waxaan idiin rajaynaynaa in sidaan iyo si ka quruxbadan u tartantan , kuna dadaashaan waxbarashada.
Sidoo kale, fasalka 7aad iyo fasalka 4aad waad dadaasheen, tartanku waa mid kobcinaya garaadka iyo aqoonta—ha ka daalin dedaalka!
Guul iyo horumar dhammaan ardayda Dugsiga Himilo 📖
psschool
19/02/2025
TARTAN AQOONEEDKA WAREGA LABAD
Arbaco; 19 February-2025. Waxaa si heer sare ah uga socda xarunta tartan aqooneedka dugsiga Himilo Primary & Secondary School sanad dugsiyeedka 2024-2025.
Tartankan ayaa isku arkay labada fasal we kala ah fasalka f3 iyo Fasalka f1.
Labada dhinacba waxa ay soo bandhigeen tartan ay ku dheehan tahay Aqoon iyo Akhlaakh, Ugu dambeyn tartanka ayaa ku soo dhamaaday;
F3. dhibcood 13
F1. dhibcood 8
Guushana waxay raacday fasalka f3 Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.