Nadiir Haji

Contact the school

Nadiir Haji ✍️Waa Hoyga Hogaminta & Hiilka Bulshada🕊🫂💪

WAR-SAXAAFADEED RASMI AH​Tix: SOWDO/HQ/2026/01Taariikh: 13 Oktoobar 2026Mowduuca: Xil-wareejinta Hogaanka Sare ee Hay’ad...
14/10/2026

WAR-SAXAAFADEED RASMI AH

​Tix: SOWDO/HQ/2026/01
Taariikh: 13 Oktoobar 2026

Mowduuca: Xil-wareejinta Hogaanka Sare ee Hay’adda SOWDO

​MUNAASABAD WEYN OON XILALKA LAGU KALA WAREEJIYEY HOGGAANKA SARE EE HAY’ADDA SOWDO

​Magaalada Mogadishu waxaa maanta ka dhacday munaasabad sare oo si heer sare ah loo soo agaasimay, taas oo ay xilalka ku kala wareegeen Maamulka Sare ee Hay'adda SOWDO (Social Welfare and Development Organization).

​Munaasabaddan oo aayd mid taariikhi ah ayaa lagu dhuuxay horumarkii u dambeeyey ee hay’adda iyo qorshayaasha cusub ee lagu baahinayo adeegyada bulshada, gaar ahaan garab istaagga dadka nugul iyo horumarinta waarta.

​HOGGAANKA CUSUB EE XILKA CUSUB LOO KALA WAREEJIYEY:

​Guddoomiyaha Ugu Sareeya
(C.E.O of SOWDO Org):

Mudane Hassan Mohamed Hussein Enow ayaa si rasmi ah u la wareegay hoggaanka sare ee maamulka fulinta hay'adda SOWDO.

​Agaasimaha Guud
(Director of SOWDO Org):

Mudane Bashir Abdulkadir Mumin Haji ayaa loo dhiibay xilka Agaasimaha Guud ee hay'adda, isagoo ka shaqayn doona sidii loo sii adkayn lahaa maamulka iyo hirgelinta mashaariicda.

​BAAQ HOGGAANKA IYO BALAN-QAADKA CUSUB

​Hoggaanka cusub ee xilka la wareegay ayaa si wadajir ah u adkeeyay in ay xoogga saari doonaan:

​Garab-istaagga Bulshada Nugul: Sii adkaynta mashaariicda gargaarka iyo taakuleynta.

​Horumar Waara: Hirgelinta barnaamijyo wax ku ool ah oo bulshada u horseeda madax-bannaani dhaqaale iyo mid bulsho.

​Wada-shaqeyn iyo Hal-abuur: Xoojinta xiriirka kala dhexeeya bahda horumarinta, gargaarka iyo deeq-bixiyeyaasha.
​“SOWDO – U adeegidda bulshada, horumar waara iyo garab istaagga dadka nugul.”

​XARUNTA GUUD EE SOWDO ORGANIZATION
Mogadishu, Somalia

​

*QISO CIBRO QAADASHO LEH 💓**Waxaa jiray Nin Oday ah oo xoolo-dhaqato ahaa. Ninkaasi weligii si fiican uma baran akhriska...
13/10/2026

*QISO CIBRO QAADASHO LEH 💓*

*Waxaa jiray Nin Oday ah oo xoolo-dhaqato ahaa. Ninkaasi weligii si fiican uma baran akhriska Quraanka Kariimka ah. xitaa xaraf si sax ah uma aqrin jirin laakiin wuxuu ahaa nin Alle rumeeysan oo Mu'min ah.*

*Ninkaas wuxuu sameyn jiray camal aad u wanaagsan.*

*Subax kasta wuxuu ku tukan jiray Salaadda Subax iyo Maqribka masjid yar oo u dhow. Masjidka dhexdiisa waxaa u yaallay Kitaab weyn oo Quraanka Kariimka ah*

*Marka uu salaadda Subax ka baxo ayuu Kitaabkii soo qabsan jiray. Maadaama uusan aqoon sida loo akhriyo wuu kala furi jiray kadibna 10 baal ayuu iska kala furi jiray*

*Baal kasta oo uu furo, wuxuu farahiisa saari jiray isagoo leh:*

*Baashaan Allow Run ayaad ku sheegtay.*

*Baal kasta markuu sidaas gacanta u mariyo oo sidaas ku dhaho. ayuu Kitaabkii xiri jiray. kadibna xoolihiisa ayuu raaci jiray*

*Maalmihii ayaa is dhaafay ilaa laga gaaray geeridii Odayga. Odaygii waa geeriyooday waana la aasay*

*Laakiin waxaa dhacday arrin la yaab leh*

*Qabrigiisii waxaa ka soo baxayay Nuur iyo Caraf udgoon oo aan waligii la arag. Dadkii oo dhan ayaa la yaabay. waxayna isweydiiyeen Ninkaan sidee ku karaameysan yahay?*

*Markaas ayaa la yiri, Xaaskiisa hala weydiiyo wuxuu samayn jiray*

*Markii xaaskiisa la weydiiyey waxay tiri: Camal badan ma laheyn, laakiin wuxuu ahaa nin Alle rumeeysan. Salaadda Subax markuu tukado. wuxuu xoogaa ku fadhisan jiray masjidka. Kitaabkiisa ayuu soo bixin jiray. gacanta ayuu saari jiray. toban baal markuu taabto wuxuu oran jiray. Alle baal kasta run ayaad ku sheegtay*

*Cibro Ninkaasi camal badan ma lahayn, laakiin iimaankii uu Alle ku qabay jacaylkii uu u qabay Kitaabka Alle (Subxaanahu Wa Tacaalaa) ayaa Jannada galiyay*

Maanta Anagoo Quraanka baranay xitaa hal baal ma akhrineyno. Dadow! Aan Alle u laabano oo aan akhrino Kitaabka Quraanka ah. ♥️

Xigasho:-
Groupka Dhalinyarada Kheyrka

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 12-ka ...
13/10/2026

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda 12-ka Oktoobar oo ku beegan Maalinta Calanka Soomaaliyeed, isaga oo xusay qiimaha taariikheed ee calanka iyo halgankii loo soo maray sidii uu uga baban lahaa guud ahaan dalka iyo fagaarayaasha caalamka.

Faahfaahinta kasoo akhriso: https://web.mod.gov.so/resources/NewsDetail/wasiirka-gaashaandhigga-oo-shacabka-soomaaliyeed-ugu-hambalyeeyay-munaasabadda-maalinta-calanka--1458

Xigasho:-
wasaaradda Gaashaandhiga

13/10/2026

Muuqaalka duqeyntii Xuutigu ugeystay Terminal 3, King Khalid International airport, Riyadh 🇸🇦

Xigasho:-
Abdi Nor Iftin

12/10/2026

DEG DEG- Astaamaha Xisbiyada Dalka oo laga Mamnuucay in lagu dhex qaato Gudaha Baarlamaanka Ummada Soomaaliyeed.

Daawo:-Guddoomiye Jaamac oo Xildhibaan ku amray inuu siibo Koofiyadaha Xisbigiisa oo uu Markaas Watay.

Xigasho:-
Sms Somali Tv

12/10/2026

20 ilbiriqsi kaliya ayay ku qaadatay gabadhaas reer Iran ah in ay kala furfurto iskuna rakibto qorega AK-47 (kalashnikov)

Adiga imiseey kugu qaadan kartaa?

Xigasho:-
Mr Abdi Nor iftin

09/10/2026

🌙🤍 جُمُعَة مُبَارَكَة 🤍🌙

🌿 Jimco wanaagsan dhammaan dhalinyarada kheyrka jecel.

Maalin barakaysan oo aynu ku badinno saliga Nabigeenna Muxammad ﷺ, akhrinta Qur’aanka Kariimka ah iyo camalka wanaagsan.

اللهم صل وسلم على نبينا محمد ﷺ 🤍🌸

04/10/2026

Nin kaan Intuu Nooga Maqnaa Raganimo Waa Dhameeyee🤣

Address

Jaale Siyad Roud
Mogadishu

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Nadiir Haji posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The School

Send a message to Nadiir Haji:

Shortcuts

Share

Category