29/06/2026
HAMBALYO IYO BOGAADIN 👏
Madasha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed waxay hambalyo, bogaadin iyo duco u diraysaa Hooyo Saabariin Cabdullaahi Jimcaale, oo muujisay geesinimo, dadaal iyo adkaysi ku dayasho mudan.
Hooyo Saabariin, iyadoo xalay umushay, haddana maanta u fariisatay maadadii ugu dambeysay ee Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 12-aad ee Dugsiga Sare. Tani waa tusaale cad oo muujinaya in dadaalka, himilada iyo jacaylka waxbarashadu ay ka sarreeyaan caqabadaha nolosha.
Guushan iyo kartidan gaarka ah waxay dhiirrigelin u tahay gabdhaha Soomaaliyeed, iyada oo muujinaysa in xaalad kasta oo adag lagu gaari karo himilooyinka waxbarasho haddii la yeesho sabir, adkaysi iyo go'aan adag.
Madasha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed waxay Alle uga baryaysaa Hooyo Saabariin inuu caafimaad taam ah siiyo iyada iyo ilmaheeda, kana dhigo guul-wade waxbarashadeeda, isla markaana ku gallado natiijooyin wanaagsan iyo kaalmaha h**e ee imtixaanka.
Hambalyo Hooyo Saabariin, waxaad noqotay astaan dhiirrigelin iyo tusaale wanaagsan oo mudan in lagu daydo.
Madasha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed.
08/06/2026
WAR-SAXAAFADEED
Baaq Nabadeed oo Ku Socda Dowladda, Mucaaradka iyo Dhalinyarada Soomaaliyeed
Madasha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed waxay si weyn uga walaacsan tahay dagaallada iyo xiisadaha siyaasadeed ee ka dhex aloosan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo khatar ku ah nabadda, xasilloonida iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.
Madashu waxay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada siyaasadda inay si degdeg ah u joojiyaan colaadaha, isla markaana ay ku wajahaan khilaafaadkooda miiska wada-hadalka iyo is-afgaradka. Soomaaliya waxay u baahan tahay midnimo, wadajir iyo xalal siyaasadeed oo ku dhisan wada-tashi iyo mas’uuliyad qaran, halkii ay ka jiri lahaayeen iska horimaadyo sababa dhimasho, dhaawac iyo barakac.
Sidoo kale, Madasha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed waxay fariin gaar ah u direysaa dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo ugu baaqaysa inay ka fogaadaan ka qaybgalka colaadaha iyo dagaallada siyaasadeed. Dhalinyaradu waa rajada iyo mustaqbalka dalka, mana habboona in loo adeegsado hurinta khilaafaadyo siyaasadeed ama dagaallo walaalo dhex mara.
Waxaan ku boorrineynaa dhalinyarada inay doorkooda ka qaataan dhismaha nabadda, horumarinta bulshada, kor u qaadista waxbarashada iyo xoojinta midnimada qaranka. Dhalinyaradu waa inay noqdaan codka nabadda iyo wadajirka, kana shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Soomaaliya nabdoon oo horumarsan.
Madashu waxay ku baaqaysaa:
1. In si degdeg ah loo joojiyo dhammaan dagaallada iyo falalka hubeysan.
2. In Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradku ku xalliyaan khilaafaadkooda wada-hadal iyo is-afgarad.
3. In la ilaaliyo badqabka shacabka Soomaaliyeed iyo hantidooda.
4. In dhalinyarada Soomaaliyeed ay ka fogaadaan ka qaybgalka colaadaha siyaasadeed.
5. In la xoojiyo dadaallada nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo dowlad-dhiska.
Ugu dambeyn, Madasha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed waxay aaminsan tahay in nabaddu tahay jidka kaliya ee lagu gaari karo horumar, caddaalad iyo mustaqbal ifaya. Sidaas darteed, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan nabadda, wadajirka iyo ilaalinta qarannimada Soomaaliyeed.
“Dhalinyaradu waa dhisayaasha nabadda, nabadduna waa saldhigga horumarka iyo jiritaanka qaranka.”
Waxaa soo saaray:
Madasha Dhalinyarada Qaranka Soomaaliyeed
Taariikh:
08 Juun 2026
Muqdisho, Soomaaliya