31/10/2024
Xil Wareejinta Guddoomiyaha Kuliyadda Culuumta Computing-ka
Maanta waxaa si rasmi ah xilka guddoomiyaha Kuliyadda Culuumta Computing-ka ula wareegtay Eng.Shukri Khaliif Cabdi, iyadoo xilkaasi uu ka wareejiyay guddoomiyihii h**e, Eng.Anas Suudi Nageeye. Waxaan u mahadcelinaynaa Eng.Anas dadaalkiisii iyo hogaamintii uu ku mideeyay ardayda culuumta computing-ka, isagoo ka shaqeeyay horumarinta iyo dardargelinta howlaha midowga ardayda.
Waxaan ku kalsoonahay in Eng.Shukri Khaliif Cabdi ay sii wadi doonto hogaamintaas oo ay gaarsiin doonto heer ka sareeya. Ardayda kuliyadda oo dhan waxay diyaar u yihiin inay si buuxda ula shaqeeyaan guddoomiyaha cusub, una garab istaagaan hirgelinta himilooyinka cusub.
Kuliyadda Culuumta Computing-ka - Darul Hikmah
05/10/2024
Hambalyo maalinta macalimiinta aduunka! Maanta, anagoo ah ardayda Kuliyadda Culuumta Computing-ka, waxaan u dabaal-degeynaa doorka lama ilaawaanka ah ee macalimiinteena ka ciyaaraan nolosheena. Waxaad noogu hagteen aqoonta, dadaalka, iyo adkeysiga, si aan u fahanno cilmiga casriga ah ee aan baraneyno. Waxaad tihiin hageyaal aan muran ku jirin, kuwaasoo markasta u taagan in aan horumar sameyno.
Dadaalkiina iyo waaya-aragnimadiina ayaa nagu dhiirrigeliya inaan u xagliyo guusha, ayna nagu hagaan inaan noqono xirfadlayaal wanaagsan. Maanta iyo maalin kasta, waxaan idinku xasuusnaa abaal weyn. Hambalyo dhammaan macalimiinta Kuliyadda Culuumta Computing-ka, kuwaas oo qalbiyadeena ka buuxiyey aqoon iyo hufnaan!
05/10/2024
5 Steps to Achieve Your Career Goals!
Ma doonaysaa inaad gaarto guulo waaweyn mustaqbalka?
Kuliyadda Culuumta computing-ka ee Jaamacadda Darul Hikmah waxay ku siineysaa hagitaan muhiim ah oo ku saabsan sida aad ugu guuleysan karto himilooyinkaaga shaqo ee mustaqbalka. Ku bilow safarkaaga guusha maanta adoo raacaya tallaabooyinkan muhiimka ah!
Ha ka labalabeyn, hadda bilow safarkaaga guusha. Jaamacaddu waxay ku hageysaa dariiqa saxda ah!
โก๏ธ Nala soo xiriir: +252612900062
04/10/2024
Kaalintaada Ka Qaado Horumarka Teknolojiyadda & Injineerinka!
Dunida casriga ah waxay sugaysaa hal-abuuro cusub oo mustaqbalka dib u qaabeeya. Ma waxaad dooneysaa inaad ka mid noqoto kuwa hagaya horumarka tiknoolajiyadda? Hadda waa fursaddaada!
Jaamacadda Darul Hikmah waxay kuu diyaarisay barnaamijyo heer caalami ah oo ku qalabeynaya xirfadaha aad ku gaari karto riyooyinkaaga. ๐๐ก
Hadda waa fursaddaada inaad ku biirto kulliyadaan oo u heellan inay ku diyaariso mustaqbal ifaya, meel kasta oo aad joogto. Waxbarashadaada maanta waxay noqon doontaa furaha guushaada berri!
Is-qor Maanta oo Bilow Safarkaaga Guusha!
Ku dhis mustaqbalkaaga si aad u noqoto hal-abuure, hogaamiye, iyo injineer dunida cusub!
14/09/2024
Dhammaan Ardada waxaan xusuusinaynaa gaar ahaan ardayda barata Cilmiga ๐๐จ๐ฆ๐ฉ๐ฎ๐ญ๐ข๐ง๐ & ๐๐ง๐ ๐ข๐ง๐๐๐ซ๐ข๐ง๐ -๐ค๐ in Furitaanka Semester-ka cusub ee #2024-2025. Iyo bilowga xiisooyinka ay ku beegantahay :
1. Fasallada Part Time-ka Maalinta Khamiista ah (19-Sep-2024)
2. Fasallada Full Time-kana Maalinta Sabtida ah (21-Sep-2024).
Fadlan booqo Student Portal-kaaga si aad ula socoto jadwalka xiisadaha
๐๐๐๐ ๐ค๐ฎ ๐ฆ๐๐ก๐๐๐ฌ๐๐ง ๐ญ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ข๐ข๐ง๐ง๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ฌ๐ข๐๐ ๐๐๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ก๐๐ ๐๐ซ ๐๐๐ฑ๐๐๐๐ง ๐๐๐ฑ๐๐๐ซ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ข๐ข๐ง๐!