Barayaasha Qaranka Soomaaliyeed -BQS

Barayaasha Qaranka Soomaaliyeed -BQS

Share

Baruhu waa barbaariyaha iyo hagaha bulshada, aan siinno karaamada iyo sharafta uu naga mudanyahay
Email:[email protected]

Photos from Barayaasha Qaranka Soomaaliyeed -BQS's post 26/08/2026

HAMBALYO

Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u diraysaa ardayda kaalmaha h**e ka galay imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhehe.

Waxaan si gaar ah ugu hambalyaynaynaa 10-ka arday ee ugu sarreeya, waxaana u rajaynaynaa guul iyo mustaqbal ifaya.

Barayaasha Qaranka Soomaaliyeed -BQS

26/08/2026

๐Ÿ”ด TOOS LIVE โ€” GOOR Dhow

Waxaa soo dhow SHAACINTA NATIIJADA FASALKA 8-AAD. ๐Ÿ“šโœจ

Indhaha ku hay Toos Live, si aad ula socoto daqiiqadaha muhiimka ah iyo shaacinta rasmiga ah ee natiijada.

โฐ Goor dhow โ€” Ha moogaan!
๐ŸŽ“ Guul ayaan u rajaynaynaa dhammaan ardayda.

Photos from Barayaasha Qaranka Soomaaliyeed -BQS's post 26/08/2026

Beledweyne, 26, Agoosto 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Nuur Xasan Muuse (Jaake), ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Machadka Tababarrada Dowladda Hirshabeelle ee magaalada Beledweyne.

Agaasimaha ayaa halkaasi kula kulmay Macallimiinta Qaranka ee sanadkii 2024 ku soo baxay qaadashada barnaamijka macallimiinta, kuwaas oo tababar uga socda xarunta, isla markaana ka howlgalaya Dowladda Hirshabeelle, gaar ahaan Gobolka Hiiraan.

Mudane Nuur Xasan Muuse ayaa macallimiinta ku booriyay inay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda shaqo, isaga oo uga mahadceliyay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan barbaarinta iyo waxbaridda ubadka Soomaaliyeed.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale ka dhageystay macallimiinta baahiyahooda guud, halka uu ka xog-wareystay habsami-u-socodka tababarka, waxyaabaha ay ka faaโ€™iideysteen iyo caqabadaha jira.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ay si dhow ula socon doonto xaaladda macallimiinta, isla markaana ay ka shaqeyn doonto sidii loo xoojin lahaa tayada iyo tayeynta macallimiinta ka howlgalaya Gobolka Hiiraan.

- DHAMMAAD -

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Abdishakuur Mohamed Hassan
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
Dowladda Hirshabeelle

Email: [email protected]
Email: [email protected]
Facebook: MOE Hirshabeelle

24/08/2026

๐ƒ๐ก๐ฎ๐ฌ๐š๐ฆ๐š๐ซ๐ž๐›, 24-ka Agoosto, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”.

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Galmudug, Waxay la wadaageysaa dhammaan dugsiyada ku yaalla Galmudug, heyโ€™adaha waxbarashada iyo guud ahaan bahda waxbarashada Kaltirsiga sanad dugsiyeedka 2026-2027.

Kaltirsigan waxaa si faahfaahsan ugu cad:

โ€ข Bilaha waxbarashada

โ€ข Maalmaha waxbarashada

โ€ข Saacadaha waxbarashada

โ€ข Xilliyada fasaxyada

โ€ข Xilliyada qaadista imtixaanaadka

Illaa iyo dhammaadka sanad-dugsiyeedka 2026โ€“2027.

Fadlan lifaaqa hoose guji si aad ula dagto isagoo PDF ah.

https://drive.google.com/file/d/1oGTSCGjQyoFmjgKMnAYCQ_Ww4TIROnkn/view?usp=drive_link

๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA WAXBARASHADA DOWLADDA GALMUDUG.

24/08/2026

Barayaasha Qaranka Soomaaliyeed -BQS
Waxay hambalyo iyo bogaadin udiraynaa Gudoomiye Mikail Abdulkadir Serar
Oo loo magacaabay xilka
Ku-xigeenka Hormuudka Kulliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Sombridge.

Waxaanu leenahay Allah hakuu fududeeyo masuuliyadda laguu igmaday Gudoomiye Mikail Serar

Congratulations

23/08/2026

๐—ง๐—ถ๐—ฟ๐—ฎ๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฟ๐—ฑ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ฎ ๐—”๐—ฎ๐—ป ๐—š๐˜‚๐—ฑ๐—ฏ๐—ถ๐—ป ๐—œ๐—บ๐˜๐—ถ๐˜…๐—ฎ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ ๐—ค๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ป๐—ธ๐—ฎ
Tirada guud ee ardayda aan ku guuleysan imtixaanka sannadkan waxay ahayd 2,879 arday, kuwaas oo boqolleey ahaan maamul-goboleedyadu u kala yihiin sidan:

Banaadir: 1,946 arday โ€” 67.59%
Galmudug: 27 arday โ€” 0.94%
Hirshabeelle: 103 arday โ€” 3.58%
Jubbaland: 34 arday โ€” 1.18%
Koonfur Galbeed: 436 arday โ€” 15.14%
Waqooyi Bari: 333 arday โ€” 11.57%
Wadarta Guud: 2,879 arday โ€” 100%

23/08/2026

Imtixaanka macallimiinta laqaatay 2024
Final Exam

Shahaadada Jaamacadda
Ruqsad barenimo

Photos from Barayaasha Qaranka Soomaaliyeed -BQS's post 22/08/2026

Jalalaqsi, Hiiraan โ€“ 22 Agoosto 2026: Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashaneysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Hirshabeelle, ayaa maanta Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ka daahfurtay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare.

Imtixaankan waxaa u fariisanaya ardaydii h**e uga baaqatay imtixaankii shahaadiga ahaa, kaddib shaqaaqadii ka dhacday Degmada Jalalaqsi oo saameyn ku yeelatay habsami-u-socodka imtixaanka, Gudoomiyaha Degmada Jalalqasi Mudane Nuur Maxamed Absuge, ayaa Daahfuray Imtixaanka,

Daahfurka imtixaankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradaha Waxbarashada XFS iyo Hirshabeelle ay ku xaqiijinayaan in dhammaan ardaydu helaan fursad siman oo ay ku dhammaystiraan waxbarashadooda, isla markaana xaaladihii amni ee dhacay aysan caqabad ku noqon mustaqbalkooda waxbarasho.

Wasaaraduhu waxay uga mahadcelinayaan dhammaan dhinacyada ka qeyb qaatay fududeynta iyo qabsoomidda imtixaankan, gaar ahaan maamulka degmada, macallimiinta, waalidiinta iyo bulshada Jalalaqsi.

Ugu dambeyn, Wasaaradaha Waxbarashada XFS iyo Hirshabeelle waxay ardayda u rajeynayaan guul iyo natiijo wanaagsan, iyagoo kula dardaarmay inay si wanaagsan uga faaโ€™iideystaan fursaddan muhiimka ah.

-DHAMMAAD-

Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:

Abdishakuur Mohamed Hassan
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada
Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
Dowladda Hirshabeelle

22/08/2026

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee X.F.S waxay ogeysiinaysaa dhammaan ardayda dhawaan la shaaciyey natiijada Imtixaanka Qaranka, gaar ahaan ardayda qaba cabashada ku saabsan natiijadooda, in la furay nidaamka cabashada natiijada imtixaanka.

Shuruudaha Cabashada
Ardayga doonaya inuu cabasho ka gudbiyo natiijadiisa waa inuu buuxiyaa shuruudaha soo socda:

1. Ardaygu waa inuu u fariistay ugu yaraan 7 maaddo oo ka mid ah maaddooyinka imtixaanka.
2. Ardaygu wuxuu cabasho ka gudbin karaa ugu badnaan 4 maaddo.
3. Maaddada laga cabanayo waa inay ka hooseysaa C+.
4. Ardayda lagu helay ama ku lug yeeshay qish looma oggola inay cabasho ka gudbiyaan natiijadooda.
5. Haddii ardayga cabashadiisa dib-u-eegista kadib aan wax dhibco ah loogu kordhin, waxaa laga jari doonaa 5% dhibcihii uu h**ey u haystay, sida uu dhigayo habraaca cabashada.
6. Arday kasta waxaa loo oggol yahay hal mar oo keliya inuu gudbiyo cabashadiisa. Sidaas darteed, ardaydu waa inay si taxaddar leh u hubiyaan xogta ay gudbinayaan ka hor inta aysan dirin.

โฐ Waqtiga K**a Dambaysta ah
Dhammaadka muddada cabashadu waa: 1-da Sebteembar 2026.

Mareegta cabashada: https://soneb.gov.so/foomka_cabashada_add.php #1

DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah fadlan kala xiriir
Agaasinka Warfaafinta iyo xiriirka Bulshada

Want your school to be the top-listed School/college in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Category

Website

Address

Mogadishu
Mogadishu
0000

Opening Hours

Monday 07:30 - 17:00