29/06/2025
Kulliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir waxay ka go’an in ay siiso ardaydeeda waxbarasho dhameystiran oo isku dhafan casharka fasalka iyo tababaro la taaban karo. Ardayda, gaar ahaan gabdhaha ka faa’iideystay barnaamijka Rajo Kaab, ayaa duruustii ay ku qaateen fasalka si practical ah loogu tusay Sheybaarka Casriga ah ee Prof. Dr. Mohamed Yussuf, si ay si dhab ah ugu fahmaan isbeddellada jirka hooyada uurka leh iyo doorka ay umulisadu ku leedahay daryeelka hooyada.
Waxbarasho dhab ah waa mid horseeda faham, xirfad, iyo adeeg bulsho oo tayo sare leh.
25/09/2024
Maanta waa maalin gaar ah oo dunida oo dhan loo aqoonsaday muhiimadda iyo kaalinta aan la soo koobi karin ee ay farmashiistayaashu ku leeyihiin caafimaadka bulshada. Maalintan waxaa si gaar ah loogu dabaaldegaa in lagu aqoonsado shaqada adag ee farmashiistayaashu qabtaan, iyagoo kaalin mug leh ku leh bixinta dawooyinka, la-talinta bukaanka, iyo hubinta tayada dawooyinka si loo ilaaliyo badbaadada bulshada.
Ardayda Kuliyadda Culuumta Caafimaadka qeybta Farmasiga ee Jaamacadda Benadir waxay isku diyaariyeen si ay ugu dabaaldegaan maalintan muhiimka ah, iyagoo soo bandhigi doona aqoontooda iyo waxbarashadooda ku wajahan xirfadda farmashiyaha. Dadaalkooda iyo go'aankooda ah inay noqdaan hormuudka daryeelka caafimaadka ayaa ah mid lagu faani karo.
Waxaan u hambalyeynaynaa dhammaan ardayda iyo farmashiistayaasha dunida oo dhan, kuwaas oo kaalin lama huraan ah ku leh caafimaadka bulshada iyo hagaajinta nolosha.
23/09/2024
Ardayda qeybta Farmasiga ee Kuliyadda Culuumta Caafimaadka ee Jaamacadda Benadir waxay isku diyaariyeen in ay si gaar ah u xusaan Maalinta Caalamiga ah ee Farmashiyaha, iyagoo muujinaya muhiimada iyo kaalinta ay farmashiistayaashu ku leeyihiin daryeelka caafimaadka. 🎉🙌🏼