29/03/2026
Ardayda Fasalka F2A ayaa maanta sameeyay practical ku saabsan Heart Anatomy, kaas oo ay si toos ah ugu baranayeen qaab-dhismeedka iyo qaybaha kala duwan ee wadnaha.
Practical-kan ayaa ardayda ka caawiyay in ay si muuqata u fahmaan sida uu wadnuhu u shaqeeyo iyo sida ay qaybihiisu iskula shaqeeyaan. Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo fahamka casharrada Biology-ga iyo isku darka aqoonta aragtiyeed iyo tan ficil ahaanba.
Waxaan ku dhiirigelinaynaa ardayda inay sii wadaan dadaalkooda waxbarasho si ay u gaaraan heerar sare oo aqooneed.